Home

Annagoo Taleex Naal

                                                      Ismaaciil Mire

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

    Annagoo Taleex naal, jahaad taladi soo qaadnay
    Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatay neef doorka
    Sayidkeennu tii uu na yidhi, torog ku heensaynnay

    Wareegada waxay uga tawalin, yaan wax kaa tegine
    Sibraar caana geel loo tabcaday, talax ku sii maallay
    Misna tawlka qaalmaha niniyo, tulud u soo saarray

    Ilaahay ha tabantaabiyee, noogu tacab khayrka
    Shakadaha intuu noo tamilay, tiisa nagu waani
    Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay

    Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha qaadnay
    Habeenkii fardaha waw turnaye, taag ku sii mirannay
    Tun biciida lagu qoofalyoo, xamashka loo taabay

    Goortii ay Talaaduhu dhaceen, talalayoo reemay
    Tixda gabay kolkii aan akhriyey, toose niman jiifay
    Tiraabkaygu meeshu ka baxay, la isku soo tuumi

    Salaaddii markii loo tukaday, yaari kaga taagnay
    Togga Ulasameed dooyadii, horay u tuuryaynay
    Intay Timacad noo soo arkeen, marada noo taage

    Sengeyaal tabaadihiyo gool, weerarka u tooxnay
    Sidii Teyse rooboo onkoday, tiririgtii yeedhay
    Teeriyo Berbera qayladii, tahan la waydaaray

    Tiiraanyo ololkii dhulkii, taani naga qaaday
    Taf-wareemanmaynine intaan, tubay ku aanshaaday
    Taambuuglayaaliyo kuway, tebaysey soo gaadhe

    Annaguna dagaal kama tagnee, tiimbad ugu rooray
    Tala xumada awrtuu xidhay, baqi tarraarsiinnay
    Girligaanku meeshu turqaday, lagu tunsii geela

    Tirsanmaynin uunkii tirmiyon, Tulushle Iiddoore
    Turjubaannadii daba socdiyo, Koofi lagu toogay
    Maadhiin turaabtaa ka badan, tuurta kaga qaadnay

    Gaaladu waxay tacab lahayd, taabnay subaxaaba
    Tukihii intaan niman u wadhay, tobanle soo qaatay

    Galabtaa carraabada ku timid, Turugga Buuhoodle


    Gebagebo u tooxnoo Kufriga, Maarre kaga teednay
    Habeenkaa ninkii tabar badnaa, tarantarree gaarka
    Habeen kalena taxaasheey Nugaal, Godan u tuuryaynnay


    Habeen kalena Tuuraha Cadduur, toolin kaga maallay
    Habeen kalena Tagaabeeye iyo, tu'innay Hayllaawe
    Habeen kale Dariiqada tubnoo, toosan lagu qaybsay


    Toban gool tabaadiga noqdiyo, toban unuun-gooyo
    Iyo toban tiftii hore rimayoo, taawi lagu qooqshey
    Iyo toban abeer tawl ahoo, tikhilka qaalmooda


    Iyo Toban irmaanoo aniga, la igu taageeray
    Iyo taan eryoon jirey kolkay, toban tahaan joogto
    Tookh laguma faaniyo afaan, taabbud noqonayne
    Intaa Xarunta soo tubay, xaqaa lagu tanaadaaye

    Warka Tuurre waa laga hayaa, taniyo Iimeeye
    Waa Xamar tarraaroo haddana, taab ku sii daraye
    Taltallaabsigiisiyo kadlaha, tabo kalaw dheere

    Kolay toban riyaad tahay adduun, waydin tirayaaye
    Tunkaana waan ka soo xidhahayaa, Timirki dheeraaye
    Ma baddaa tuldaha loola kici, Tuurre naaxsadaye?

    Tafantoofka gaalkuu u dilay, waa tix geliyaaye
    Suuldaan Ruunna loo tebi, inaan tuuladii gubaye
    Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye

    Anigana tis bay galay intaan, col ugu taagnaaye
    Tima soohanloow Eebbahay, kuma tabaaleeyo

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.