Home

Ku Luqluqo Xumaatada I

                                                 Maxamuud Cabdi Kaadheeri

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabaygii kobaad ee gabayadii afarta ahaa ee uu abwaanku ugu jawaabayey Xirsi Dheere.  Wuxuu yidhi:

  • Murti labanlaboodigii naxwaha, luuqdi daba tiilay
  • Indhawayd ma looyaamin gabay, laqantidiisiiye
  • Lahashada qalbiga soo rogtee, kicisay laabtayda
  • Lisaan godbeed iyo afxumo, laari soo tiriyey
  • Oo libin ku faan ah yaan ka helay, xalayto Low-kuus ee
  •  
  • Luulaanyo inaan soo ceshaa, loo dan lee yahay
  • Siddii aar ku laalaadin badan, loolidiyo howdka
  • Oo leyl dhexaad soo laloo, leeda kala gooyey
  • Oo micida dhiiguu la galay, shaarubaha leefi
  • Oo soo lakoobsaday raqdoo, loogu gali waayey
  • Liigaagyada markii aan ka furro, lay fadhiyi waaye
  • Layliga ma qayrsado aan baran, laaxinkii galaye
  • Lufad kii lalaba caytamee, laashinna ismooda
  • Waxaan kala lalaa toban lag oon, liimbiyaa halise
  • Luquntiyo afwayntaan jabshaa, sidda libaaxiiye
  •  
  • Maantana layaba waa layee, laynka waxaa taagan
  • Ee laaqinimo dheeriya iyo sheegtay, labac dhaafka
  • Anigana liciif igu shabahay, uunka ugu liita
  • Waa dunni lugaha taagtayoo, lulan dhamaanteed e
  • Sow ma aha nin Low-kuus dhashiyo, licis korowgeed e
  •  
  • Labo sanno midkoodii jirriyo, lowlowga cadaaday
  • Lalabada odhaahda iyo ka siman, laaqda beenta ahee
  • Haddii ay labxiyo maansaxniyo, lee yihiin garasho
  • Duul Islaam ah kuma ay labeen, luuq nijaaso ahee
  •  
  • Adigoo lo' iyo geel dhaqdoo, lagi banaan yaala
  • Isagoo lug dheer soo maray oo, liita aragiisu 
  • Hadday baahi soo leelisooy, keenta labigaaga
  • Laba beri Islaanimo markaad, luunka uga goyso
  • Luqmaddii aad siisiyo markuu, liqo karuurkaaga
  • Lihigaaga waa kii damcoo, lig isku siiyaaye e
  • Lisaan qaboow kuma tagiyo, weedh Lilaahiya e
  • Markaad labo ku jiideey indhaha, kor u layiigaane
  •  
  • Lalabaha colaadeed Hartina, laaqi woow yahayda
  • Leedda fuulka geenyada anaa, ugu lihiin roonta
  • Luqmad baan Ogaadeen ka dhigan, laxam baruureeda
  • Low-kuus warkeed wuu yihiyo, faan aan luga haynin
  • Intaan laysu iman bay yihiin, xuud liqaaya ahee
  •  
  • Markii leebka shiishka ah qoryaha, laysu wada ciirsho
  • Lee'ashadiyo geerida markaan, laysu naxahaynin
  • Ee laxawga dhaawaca qabiyo, maydku luxud beelo
  • Iskumay lugooyaan haddaan, lagu lamaanayn e
  • Laan Xodday ah Low-kuus ka nugul, maalin libineed e
  • Lihinkiyo awoodoodu waa, laaqda faanka ahee
  • Anna waranka aan liiliyaa, in uusan soo laaban
  • Looxa dunida taariikhda, waa layga helayaaye
  •  
  • Af lakab ah, gafuur ligis ah, iyo uur Like aad moodid
  • Lagga ganaca, laabxuunshadiyo, luqunta ceegaysan
  • Badhi lolosh ah, laafyaha haween, lagu masaalaayo
  • Intaad ugula soo leexatay een, laydha ku cabsiiyey
  • Een kaa lug meersaday ka badan, laba kun oo jeer e
  •  
  • Lixdan sanno labaatan iyo dhowr, waayo laga joogo
  • Lihigayga anigoo ku idhi, laba jirka u maalo
  • Laqwi kibir markaad iila timid, maal ragna u lahatay
  • Laboodiga Subeer wiilashaan, loodin karin aadmi
  • Laxaad bir ah Makaahiil leh oon, waligood soo laaban
  • Leedhigaan ku saaray iyo warmahaan, leexan ganidoodu
  • Luqun taaga kibirkii wuxuu, lee' asho kuu keenay
  • Lafahaa u markhaati ah haddeer, tuuran laagaha ee
  •  
  • In aan ahay laguugu iyo laguug, laba jibaarkaa ah
  • Laandheeranimadaad ii qirtaan, kaaga baar lulan ee
  • Lafta dheer markaan kaa jabsheed, liiqa aad dhigato
  • Laysankaagii meherkaad kufriga, ula lugaysaaye
  • Ogaadeen ma loodsamahayee, ii lug xidha maanta
  • Ha la ii lagdooy baa tidhaa, ba'ayee, waan lumay ee
  •  
  • Kufri baa lagtaan kugu hayiyo, eey lakooki ahee
  • Kolse hadduu luqaaf kaa tagay ood, kaligaa laalaado
  • Bal in aad lihiin leedihiin, la arki doonaaye
  • Wiilkii libaaxa u ekaa, geesigii libintu
  • Laydha idin saaqday iyo cabsidaad, lulanaysaan eega
  • Lakigiisa weeyiyo burji uu, lee yahoo adag e
  • Laxaadkiisi kugu meersan iyo, xoogguu soo limay ee
  • Layligii yimaadaba baqaad, lagac ka siisaan e
  • Barrin lagu lugeeyaa ma jirro, Laamo kaa xidhan e
  • Laashashkii aad buux-dhaafisayna, liqday badwayntiiye
  • Luunbigaad ku faantee cayilay, wuxuu ladaabtaaye
  • Waa laggii dadkaagii ku lumay, laysay maanyadu e
  •  
  • Laab negiba idinkoon u ladin, saacad laba gaadha
  • Ood leebka geeridda ku sugi, luuqa Calanleey ah
  • In aad laaqisaba kuuma aha ood, libbin ku faantaaye
  • Waan soo lakoobsaday haddeer, waana labadeena
  • Luxudkaaga sii qodatayaa, ama is loogtaaba
  • Lagac orodka looliyo galkii, lama huraankaa dheh
  • Lee'ashada lafihii tuurmi jiray, lama huraan kaa dheh
  • Laxow cabashaadii aad tiqiin, waa lagaa filiye
  • Ku luqluqo xumaatada oon ku dhaho, lama huraankaa dheh
  • Liinbashada badwayn lagu qarqamo, lama huraan kaa dheh
  • Lumayeey miyaan la ii naxayn, waa lagaa filiye
  • Laabtayda oon jixinjixayn, kuuna loodsamaynin
  • Laadka iyo haraatidii cuslayd, laba liqsii weeye
  •  
  • Aftartaa laboodigii naxwaha, laqantidoodii dheh
  • Hayeeshee layaba waa layee, layn kalaa furan e
  • Wax la yidhi liciifkii isbiday, laacib sarre jooga
  • Waligii lurbuu korodhsadaa, laxow ku raagaaye
  • Luggo joogsan waayaa marbay, liinbadaan halis e
  • Afkaan lala xishoonini marbuu, lulug cantuugaaye
  • Loodigaad tilmaantay iyo, dhalfadaad tidhi lug geel weeye
  • Waa xubin rag wada lee yahoo, waa lud qaaliya ee
  • La'aanteed wiil lama yidhaa, waa labbood sarre e
  • Hadday tiinu kor u laalantay ooy, dumar lilayn wayday
  • Anni taydu waa luul baxay oon, lacagi goynayne
  • Waa laba lafood laacdan dumar, raaxa laasimiyi
  • Lu'aashada afkiinana, yaahuu iyo La'iilaaf e
  •  
  • Afartaa laboodigii naxwaha, laqantidoodii dheh
  • Hayeeshee layaba waa layee, layn kalaa furan e
  • Aflagaado cay lagu ladhoo, aad u labac dhaafi
  • Habar Gidirtaad Reer-Qoomu Luudh, kula la leemootay
  • Lanbar cuduradiinii ahoo, gaalku kugu laylyey
  • Ha ku leexin laamaha gobtiyo, laf aadan gaadhaynin
  • Hayeeshee waxaad laaxin iyo, ligis ku jiidjiiday
  • Annaa luuqda uga maydhi oo, xaal u laban laabi
  •  
  • Waa niman leh sharaf laacday oo, loo yaqaan abid e
  • Waa niman laxaad iyo cilmi  leh, oo lacibiin badan e
  • Waa niman Lilaahi ah oon axdiga, galinin laakiin e
  • Laba mowqif wada yeelatay oo, laabta isu xaadhan
  • Oon lumin dantoodaan nahoon, diinta laayicin e
  • Adna gaal leeleef baad tihiyo, nooc lasiisi ahee
  • Waxaad daba lulaysaa kufriga, laafyihii ba'ay e
  • Lana soco kolley waad la gali, ludunka naareed e
  •  
  • Sacadkaad liciif weeye tidhi, laanbad aan jabinin
  • Waxaan kuu laqmayn maalin aad, kaligiin loolteen e
  • Adigoo laguug ciidaniyo, qalab luxdoon haysta
  • Laarmiga dagaalkiyo markii, galowgu luuqeeyay
  • Lagta Gaalkacyood waa kuwii, kaa looxaansaday e
  • Lixda boqol waa kay kaa dhigeen, labacyo wayntiiye
  • Lagdintaada nimankii yiqiin, libinna kaa haysta
  • Lihiin ma leh haddaad maanta tidhi, iyo laxaad toona
  • Luxudka iyo qabriga lagu cadaab, been maxaa lalisay
  •  
  • Oromona laf Soomaaliyoo, laqan ah weeyaane
  • Leesaanta Baydhabo dagtaa, kaa lihiin adag e
  • Liiwaydana ma gaadhaan dadnimo, waana loo marag e
  • Layl Kase iyo Mareexaanka Luuq, Mudugna loo gaadho
  • Inkastood yara leexisood, laydh xun ku afuuftay
  • Laba wada dhashaan nahoo ka yimid, Jabarti laabtiis e
  • Ludda jiidhku waa mid aan go'ayn, dhalasho laynkeed e
  •  
  • Adiguna lifaaq ay Hindidu, soo lushaad tahaye
  • Lama taabte lo'da caabudaad, labac wadaagtaan e
  • Adoo laba jir ah ooy hooyadaa, loox kusoo gudubtay
  • Oo laynka xeebta ah fadhiya, yaa lagaa helay e
  • La korshaagu waa adi ka yimid, meel aan la aqoonin
  • Haysku loohin liid yahoow ma tihid, laxamka Daarood e
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.