Home

Goondhabe

                                                 Maxamuud Cabdi Kaadheeri

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Galow ciyey allaylkii dadkoo, gama'sanoo jiifa
  • Galaayuuska qaylada la kacay, goor habaynima ah
  • Garaadkiisa kama uuna heline, goondhabaa jira'e
  • Dhegihiisu goortay maqleen, kor u galaydhyeeye
  • Geestay ka yeedhiyo wuxuu, galawgu sheegaayo
  • Gamandhacada saaqdiyo halkay, guuldaradu taalo
  • Tol-Allow wuxuu gocan galawgu, yaa i garansiiya?

  •  

  • Gudcur dam ah habayn soo galiyo, xilliga oo gaabtay

  • Dayaxoo gabaabsiyoo godkii, cidhifka gaadhsiiyey
  • Gor-gor duulay geedkii ka kacay, oo hawadan guureeyey
  • Garaadkiisa kama uu heline, goondhabaa jira'e
  • Tol-Allow wuxuu gocan iyana yaa i garansiiya?

  •  

  • Gucumaale aaroo wax badan, gaajo miranaysay

  • Gaaroodi qiiqdiyo fadhiyay, guban abaareedka
  • Oo goodir iyo cawl heloo, guudka kaga booday
  • Oon goosan hilibkeedi oon, micida gaadhsiinin
  • Garaadkiisa kama uu heline, goondhabaa jira'e
  • Tol-Allow wuxuu gocan iyana yaa i garansiiya?

  •  

  • Gu'ga oo barwaaqa ah dhulkoo, ubax ku gowriiro

  • Gudgudaale rooboo da'oo, geyiga saameeyey
  • Geedahoo magooloo caleen, guudka sare buuxdo
  • Ooy gamashi xooluhu yihiin, gorofna loo qaadi
  • Geelii inuu rimo la rabay, gaaniddii oloshay
  • Awrka guuxa diidee haddanna, goonidow baxay
  • Garaadkiisa kama uu heline, goondhabaa jira'e
  • Tol-Allow wuxuu gocan ratigu yaa i garansiiya?

  •  

  • Nin da'diisu lixdan gaadhayoon, guursan waligiisna

  • Guunyana aan waayine Illaah, gacantana u buuxshay
  • Caafimaadna geestii kastaba, Guulle ugu deeqay
  • Gabdhahana u haasaawe tagin, gaabsi iyo guurba
  • Garaadkiisa kama uu heline, goondhabaa jira'e
  • Tol-Allow wuxuu gocan ninkaas yaa i garansiiya?

  •  

  • Afartaasi waa gogol dhiggiyo, guudmarkii hore dheh

  • Galawgiyo shimbirhii ciyiyo, geeli rimi diiday
  • Gorgorkii habaynimo kacee, guura bahaleeyey
  • Libaaxaan ugaadhuu gambiyey, goosan hilibkeeda
  • Awrkii guuxa diidiyo ninkii, guurso laga waayey
  • Isu gee dhammaantood illayn, waa go'aan qudhahe
  • Murtidaan gagaabee go'iyo, gibilka aan saaray
  • Gedda kale haddii aan u rogo, gabi ahaanteedba
  • Waxaan uga gol leeyahay haddaan, idin garwaaqsiiyo

  •  

  • Aduunyadii gariir baa ka dhacay, goob la joogabae

  • Gantaal iyo waxaa laysku ridi, gummucyo waaweyne
  • Gaarruumo xoog badan haddii, laysla wada gaadi
  • Ooy nabadii geed sare kortooy, gaabatooy oroday
  • War saw galawgii foodhyaayey, iyo gogol-dhiggii maaha

  •  

  • Shir gadaaman goortii la furay, dunidan guudkeeda

  • Gadhwadeenadoo idil markii, foodda lays galiyey
  • Garyaqaan xaqiisii maqnaa, gacanta muu taago
  • Annaa kaa gu' weyn ee adigu, gaabi hadalkaaga
  • Go'aankayga soo raac adoon, bogan garaadkaaga
  • Godobtaada kaa maqan marnaba, ha u galiilyoonin
  • Waa waxa adduunyadan gubayey, lana galoofooday
  • War saw geeli rimi diiday iyo, gogol-dhiggii maaha

  •  

  • Gardarada cadaanka ah haddii, guudka loo fidhayo

  • Geesigii itaal daran haddaan, garab la siinaynin
  • Isaguna hubkiisii gurtoo, gummuca soofaysto
  • Oo kii xaqiisii ganbiyey, gawrac ugu jiido
  • Ooy nabadii geed sare kortooy, gaabatooy orodo
  • Gorgorkii habaynimo kacee, guuray sow maaha

  •  

  • Gefka labada kaan geline denbiga, lagu ganaaxaayo

  • Midkii nabarka geystayna dacwada, lagu garsiinaayo
  • Gafuurada xaqaa laga xidhxidhay, ganac dilaaciisu
  • Libaaxaan ugaadhuu gambiyey, goosan sow maha

  •  

  • Gardh-madoobe buuxsamay abwaan, garasho loo uumay

  • Aqoonyahan gun iyo baar cilmiga, goostay midhihiisa
  • Oo loo gardaadiyey sharciga, geedi-gelintiisa
  • Xilkii uu ka gaban-gaabsadee, gudan lahaa tiisa
  • Guri joog gambooley la yidhi, geeya waa amare
  • Oo guud caddaagii xukumi, garina deeqaynin
  • Ninkii guursan waayiyo war sow, gogol-dhigii maaha

  •  

  • Gudban dhererran geesaha lammaan, lagama guuraanta

  • Googaale hadal waa ku gan eh, gannaf dadkii haysa

  • Gacan miratay gufan tirasheed, dufan ku geyn-geynka

  • God ku rido gadaal hawgu dhugan, galabsayaa mooyi

  • Gartooxsiga giriirixa wajiga, kuu gilgili booto

  • Annaa golosa geenyada annaa, saaran guradeeda

  • Wuxuu Guulaheen xarrimaan, diinta soo galine

  •  

  • Gabdho iyo rag way siman yihiin, guul aan siday weeye

  • Gacan saydhka culimadii la timid, iyo gumaadkeeda

  • Godad loo qarqooriyo markuu, iilka wada geeyey

  • Cuqubada galshada buuxisee, gayiga saamaysay

  • Guulaamadii soo kacdiyo, galowgii eedaamay

  • Mar uunbay gadoodkeedu iman, guluf colaadeede

  •  

  • Guuldarooyinkaa rimani marbay, geli shinkoodiiye

  • Gidhgidhahan istaamayi marbuu, gaadhi qarixiiye

  • Marbuu gaanka qaayibani nafluhu, googan kaligiise

  • Geedada balaadhani marbay, golongol dhuubnaane

  • Guryo dabaq ah kii lihi marbuu, geed dugaashaniye

  • Ninkii godob lahaan jiray marbay, goosan aanaduye

  •  

  • Geenyada marbuu fuulayaa, guba ka sii dara

  • Gacalkiyo xigaaladu marbay, kala go’aayaane

  • Gaajiyo marbaa loo dhammaan, gummuc rasaaseede

  • England gaalka joogaa marbuu, soo gurmanayaaye

  •  

  • Markay gaadho heer gobanimadu, gebi qarkii fuusho

  • Oo gacan ka hadalkii wadkuna, guduntu ay daasho

  • Oo galabsigoodii abaal, loogu gudo fool xun

  • Markaasaa galaydh Awliyaad, Guulle soo diriye

  •  

  • Gacan malaa'igeed baa la marin, gocosho kii qabaye

  • Gudgudaale nabadaa di'iyoo, geyiga saamayne

  • Markaasay karaamadeenii gudhnayd, gebi ka weynaane

  • Haybadeenii gaasirantay baa, gaan u buuxsamiye

  • Geyi hodana buu noqon kolkaa, geeska aan nahaye

  • Geeridu ninkay dayso ee, gaadha midhihiisa

  • Ee uu Guulahay ku simo, garasho faalooye

  • ...

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.