Home

Balwad Dhabayaco II

                                                  Maxamuud Cabdi Kaadheeri

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabaygii labaad ee jawaabtii Xirsi Dheere

  • Xirsiyoow badheedhahaad furtiyo, baydadkaad curisay
  • Bunaaxyaynta sheekada badalan, hadalkaad buunbuunin
  • Run ka boodka boolxooftadiyo, been gayax sheegga
  • Haddaad boox lasoo tidhi adoon, baacin karin maanso
  • Allay lehe badweyn baad gashiyo, baxar ku qaadaaye
  •  
  • Boqorkaan dhacayn ee murtida, baarqabkii gabayga
  • Billaddeeda wiilkii hantiyey, barrihii suugaanta
  • Haddaad beer adaygaaga tidhi, waan u bixi maanta
  • Naf aad birqooshaad siddaa, ood budka u qodiyee
  • Is biimaynta qaarkeedna waa, kuu baraarnimo e
  • Ma gaadhaayo bayd aad furtaa, Boqorka Dhoodaan e
  • Anaan baratamaynaa haddaad, wax is bidaysaayse
  • Billaawuhu markuu kugu dhaco, iyo baaska daba joogga
  • Barkad naxa bariiqada siddii, bilista how yeedhin
  •  
  • Hayeeshee markaad bi'i markuu, biligu kaa duuli
  • Balaayada adaa raadsaday iyo, ba'a iyo hoogaaye
  • Haddaad boogo lee dahay rag, waa la iska buusaaye
  • Basarkaaga wiilkii yaqaan, baabka cudurkaaga
  • Batraan iyo afxumo, looma baantamo e
  • Haddaan buuggagaaga u akhriyi, beelahoo idil e
  • Oon soo bandhigayaa waxaad, biijo qarisaane
  •  
  • Banoonigaad cayaartiisa tidhi, buundada iyo guusha 
  • Anigaa Ogaadeen ka badin, beegsasha goolka
  • Beentiyo warkaad sheegayso iyo, bootada iyo faanka
  • Biyo kaga dar aadmiga badhbaa, garan ba'naantaaye
  •  
  • Waxaad iga badiso waad og tahay, baabka uu yahay e
  • Bisinkii Ilaah iyo ma aha, diin aad barataane
  • Waa baal fadhiisiga kufriga, aad baariyo u tahaye
  •  
  • Afartaa banbaaniyo garnayl, buuxa oon riday dheh
  • Ragbaa baydka kala gaabiyee, bogoshadaydii dheh
  • Erayada ninkii bowsadaa, baacin kari waaye
  • Bidda murantay baasuukihii, aan la beegsaday
  • Bushuclana markii aan dul dhigay, bii emka (BM) iyo suuga 
  • Ma barkagay ileen baraq nuglaan, waw Bah Yibireed e
  •  
  • Ninkii buur haraatiyey in uu, bowdada iyo lowga
  • Biixida ka duulo oo qalbigu, bururo mooyaane
  • Miyuu baal u ridayaa hadduu, waligii boodboodo
  •  
  • Bakaylihii maroodiga tafaad, baabadii tahaye
  • Beerxaanidaad sheegtay eed, aadna ugu baantay
  • Eed tidhi baroonkiyo shilkiyo, bii emkiyo suuga
  • Boqol baan la hadhay maalintaa, wada banaadiikh ah
  • Bishimaha warkaa kama dhihin ee, buukadaa hadashay
  •  
  • Waad ogayd bustii kaa kacdiyo, baabi'iyo maydkii
  • Bakhtigaaga anigaa ka naxay, buuxay tuulada e
  • Adigooy baroortaada iyo, baxayo yuuskaagu
  • Bar cidla ahna kugu ootay oon, kugu budhaynaayo
  • Kufrigaan balaynkuu (plan) watay, iyo nacay bidhaantiisa
  • Baqaaqdaadii gaalidii ku timid, cabasho boygaagii
  • Belgium kii iyo Maraykankii aad, siisay buruqdaada 
  • Ayaa barigii iga kaa rogay ee, ilama buuqdeen e
  •  
  • Kismaayana baqihii aan ka galay, balasle yaacaygii
  • Buruuj iyo laxaad iguma kicin, baawar (power) iyo xoogg e
  • Barkimada habaynkii ragay, badhidu naafoowday
  • Balwadaadii baan uga baxay ee, ilama buuqdeen e
  •  
  • Bur ku qariya meel aan lahayn, iyo banaan diiran
  • Barqo laysku weeraray dagaal, boqonta loo xaytay
  • Baaruudu way kala fagtee, binad markay gaadho
  • Waligaa il-biriqdeedna maad, ii bir dhigin goob e
  • Adoo bowdyo weyn oo xun oo, badhi laalaadin
  • Birtii wabaxa kaa noqon jirtaa, barigan kuu taale
  •  
  • Orgigii baxsaday ee dharaar, baarimaha geeska
  • Ha baqinee ku daaq adhiga yidhi, baadka iyo cowska
  • Markay qoraxdu baal dhigatay ee, bahal ciddii yeedhay
  • Hadhow yidhi balaayaa dhacdee, yaa i bixinaaya
  • Haddaad baabadiisii tihiin, baraq nuglaantiiye
  • Bu'da Waamo baaxaa dega iyo, badaha liilkooda
  • Barrigiyo bustaantiyo carrada, bilic wanaageeda
  • Biyo baxadda waadi beel kastaba, beeraha ku faafa
  • Hadduu barro rag lee yahay ku yidhi, Peter adigaa leh
  • Uu bayda kuu tumay kufrigaa, balagta laalaadin
  • Una bara riyaaqdeen warkay, been been siidu sheegtay
  • Bona faalso uu kaaga qoray, buug aan soconaynin
  • Bashaalka gogashay ahayd, beenti ku ekayd e
  • Waa taad ballo ka qaadaan inaad, boos ka falataane
  •  
  • Baroor baad qoslaysaan, adooy boogi kugu taal e
  • Haddaad balaxsigii qoomamayn, baarinimadiiye
  • Adoo ba'ay adoo si u bukoon, dhinac kuu baaqan
  • Oo baras la moodkii ku helay, bahalkii kaa dhoofay
  • Bilaawaha haddaan kula dul imid, kuuna beer naxaynin
  • Oo aan baryiyo tuugmadana, laysku bixinaynin
  • Baaqigiinu goor uu tagaba, tan iyo Boosaaso
  • Soow ma aha Badweyntiyo, in aad baxarka sii jiidho
  •  
  • Barqo weerar lays galay dagaal, boodda lays galiyey
  • Markaad bayda wada jeediseen, buruqda kaa toogtay
  • Badhi dhiigtii saacaday baxsheen, siddii baraar naaxay
  • Birtu ruubatee jilicsanaa, barigii ay yeedhay
  • Basarkeedi baad taagan tihiin, baraq nuglaantiiye
  • Birlabnimada waa loo dhashaa, lagu booqdaa wiil e
  • Booddada dhir kama baydhidaa, baabacaduu maalo
  • Baabuurtii Japan keentay ee, baratami waagii
  • Ninkii baas ku dhaafayee siddii, biriqda haadaayey
  • Ooy buurtu celin wayday iyo, boholihii Laamo
  • Ma afkuu baxdooy kuugu noqon, buddo ka liitaaye
  •  
  • Wiilkii baacsan jiray baa kanoo, meel barriyi taagan
  • Bisad dabadeed haddii uu galana, aan ku bixinaynin
  • Haku qariyo baadarigii aad, shalay ku baanaysay

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.