Home

Samatar Baxnaan

                                                              Dhulbahante

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabay la sheegay in Samatar ku lahaa Guba.  Ma xaqiijin karro in gabaygani guba ka mid ahaa, laakiin sida aad erayada ka arki doonto wuxuu la jaad yahay kuwa silsillada ku jirra wuxuuna ka hadlayaa collaadihii u dhexeeyay Dhulabahante iyo Isaaq.

XIV

Wuxuu yidhi Samatar:

  • Xasan iyo anoo sida Siciid la i xambaaraayo

  • Iyo haatan xaaddii gadhkoo xayga ka caddaatay

  • Xabbad iyo dil bay noo ahayd Reer Xirsi Cismaane

  • Xashiishka iyo laba Muuse way ku xadfanaayeene

  • Xubin keliya Hagar Aadan baa iila xoog badane

  • Intaasay xumaan iyo wanaag la xarbiyaayeene

  • Xaqna nalama bixin nimankii ay na xejinaayeene

  • Xarakada Carraaliyo Wacays nama ay xaaleyne

  • Cali-Gerina waa na xistiyaa tan iyo xaataaye

  • Nimankii xafiiskii Berbera xawda nagu gooyey

  • Ee Xaajigii diley dadkaan kala xabaal seegin

  • Ee xayda xagarkaa geshee kuna xalaaleeyey

  • Mar haddii xaniinyaha la jaray waa xamdi Ilaahe

  • Inay guuto noo soo xugaan waw xilgi la'aane

  • Xaggoodaan u jeedaye nabsay ku xarragoodeene

  • Weerkuba wuxuu xilo galoo xooda ka hayaaba

  • Xanuunka iyo gaajada wuxuu la xabbisnaadaaba

  • Xoolaha wax laga ooto oo laga xareestaaba

  • Markay xayni soo goosatuu ugu xasuuqaaye

  • Mana xishoodo jeerey ilkuhu xanaf darreeyaane

  • Markaasuu calooshii xidhneyd xalus ku yeeshaaye

  • Anna waxaan la xoodnaa shalay iga xayuubsheene

  • Hadba waxaan la xarakaadayaa waa xogtaan helaye

  • Waakaa jirkaygii xugnaa soo xankaakubaye

  • Xoonkii shinnida doonayaye xoonbax oranaayey

  • Aan xabagbarshiyo awlallada cidi la xaalaynnin

  • Xawliga durduradaan ka biqi xeeb inaan tago'e

  • Xaaladdooda niman baa qarsha ooy xani ka raacdaaye

  • Xuurkiyo waraabaha miyaa xalay ducaynaayey

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.