Home

Dharbaaxo Jin

                                                 Masayr Badane 

Magac Jab
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  •  
  • Miinka gabay murtida xooggaliyo maayado is jiidha
  • In dhaweydba moorada sunta leh moorka kama goyne
  • Mar haddaan Madaafiic rakibo mur iyo waabay leh
  •  

  • Midha-yariyo beyd-gaabku waa inay maleegataane
  • Bal an mariyo maansadan tirshaa madhaxgal weeyaane
  • Duqsi mawdki galaybaa ku dhaca bayl mishiin guba'e
  •    

  • Nin maroodi daandaansaday oo maanla' baad tahaye
  • Masalooyinkaygii haddaan kugu dul miisaamo
  • Miridh bay naftuba kaaga bixi magac xumaaloowe
  •  

  • Waxad moodi inuu Moodhi-kaar guudka kaa maray'e
  • Waranse meel xun laga ridey dibbuu kuu makalayaaye
  • Wallee murugo eebbaa u deyey maxay-saleebaane
  •  

  • Adigay nin miinkaba yaqaan kugu mataaleene
  • Way kuu mashxaradeen markaad soo macaaac tidhiye
  • Hudheellada waxay marinayeen timi mijiibtiiye
  •  

  • Dukaamada Mullaaxa gaday orod ku miiseene
  • Malaayiin cajaladood ayay soo malmaliyeene
  • Markii aan madaafiic ku ridey mur iyo waabay leh
  • Iminkay madluun ooyayaan maalin iyo leyle
  •  

  • Adduunyadan minkeedii lumii sii mushkiladowdey
  • Adduunyadan malay dabatadii magaca doonayso
  • Adduunyadan nimaan muuqan jirin faan la mari waayey
  •  

  • Adduunyada minjaha loo rogee maduxu hooseeyo
  • Addunyadan majeerteen Isaaq gabay ku maagaayo
  • waa maan-barrey iyo maan-Bilaal mahadhadoodiiye
  •  

  • Raggiise aan la maansoon lahaa aakharo u meerye
  • Raagihii mudnaa iyo Qamaan mawdki baa helay'e
  • Seyidkii murtida sheegi jirey meel fog buu tegaye
  •  

  • masalooyin Cali-Dhuux lahaa iima soo marine
  • ismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan kaga masuugeene
  • Adigana inaan kula murmaa way macno la'aane
  •  

  • Mujiibtuba khasaaray ku tahay badaw Majeerteene
  • Mindise lagugu gawraco adaa miiska soo dhigaye
  • Adaa soo macaa yidhi sidii maalintii hore'e
  •  

  • Haddaad tahay muriid aad ahoo miinka ka hingaadsha
  • Murtidii Gahaydh iyo haddaad Qaasin muhanayso
  • Maarshaalladaa sare haddaad tahay mataalkooda
  •  

  • Muska maanad jiidheen sidii neef muwaashiyahe
  • Kamaad soo mujiibteen runtaan miiska kuu dhigaye
  • Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoonne
  • Dibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa gala'e
  •  

  • Ma macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaaye
  • Majeerteen kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne
  • Maanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiye
  • Waa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyne
  •  

  • Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye
  • Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey
  • macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay
  •  

  • Waase meheraddiinii inaad naago murantaanne
  • Mid kaloo ka sii daran maxaad miinka uga qaadday
  • Wanka macasha weynliyo maxaad fuud u magawday
  •  

  • Madaxa iyo calooshiyo maxaa maydhaqyada keenay
  • maroongiga maxaa kugu xaqsaday inad ka maahmaahdo
  • Mulac iyo mas dabin kuu galoo magac kalluumeed leh
  •  

  • Idinkuba Malaygii qudhmaad madhax ku sheegtaane
  • Waase lagama maarmaan cuntadu maalin iyo leyle
  • Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershey
  •  

  • Afartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisay
  • Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
  • Ma mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaaye
  • Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye
  •  

  • Inaan nahay malyuumaad kun oo meel kastaba jooga
  • Inaan nahay dad wada muuminoo badi mashaa'iikh ah
  • Inaan nahay dad magac weyn lehoo midhana loo yeelay
  •  

  • inaan nahay makhluuq aan lahayn meelo laga caayo
  • Ma og tahay markhaataad furtoo uunku kaa maqalye
  • Micna yare midhkii kaa ku xigey seegtay marinkiiye
  •  

  • Malaa'iigta Eebbiyo(SW) inaan Maxamed(CSW)caayayno
  • Inaan nahay maroongiga dad cuna maalin iyo leylaba
  • Inaan nahay macnaha dawladeed dad an muraadeynin
  •  

  • Inaannaan masuul qaban karayn maamulada guudka
  • Ma og tahay markhaatood furtoo uunku kaa maqalye
  • labadaba aduunbaa marshoon mid u dhaxaysiine
  •  

  • Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye
  • maskax-yare, malay hadhig ku dabe murammo naagoodle
  • Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye
  •  

  • Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye
  • Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle
  • mabda' iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye
  • Maqalkiyo miskiinyohow indhaha laga madoobeeyey
  •  

  • dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye
  • Magaadiyo xabuushaad is tidhi meel u kala qaade
  • Maangado abaariyo dirri baad maax ka qodaysaaye
  • Geel baad maqaarka u sidaa midhi ka dhiiqayne
  •  

  • Afartaa micneeyaye waxaan midig ka raacsiiyey
  • Taariikh la soo maray haddaan dibuga maansoodo
  • Muqdishiyo Hargeisaan ahayn waa midkaad tidhiye
  •  

  • Maalintuu gumeystuhu ka kacay labada meeloodba
  • Mulki aan lahaa iyo inaan dawladnimo muujey
  • Mirtii dhexe inaan calan mutuxay qiratay maandhowe
  •  

  • Haddaad mooddey maandeeq in xoog lagu muquunaystay
  • Waad maqashay mooyee adaan joogin madashaase
  • Way ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qoraye
  •  

  • Macnihiyo ujeedadan lahaa waa wax kaa maqanne
  • Waxan nahay masayr dad an u dhalan sida majeerteene
  • Calankoo midoobaan rabiyo dawlad magac weyne
  • Shantii kala maqnaa baan lahaa meel isugu keen'e
  •  

  • Nebi Muuse tii soo marteed adu ka maahmaahday
  • Miskiinyohow midhaa tidhi adaa taagan marinkiiye
  • Doqonbaan abaalkiisa marin ka u miciin fala'e
  •  

  • maxamuud saleebaan markuu deyrka kugu meershey
  • Markuu mahurtadiiniyo ninkii magac leh laynaayey
  • Lixdan wada maqaaqula markuu joogey madaxiinna
  •  

  • Magta Cali Saleebaan kuwiii muujiyaan nahaye
  • Wabeeneeye miidhi u qabay guday markiisiiye
  • Ina kaarshe wuxu maagganaa maanta wuu helaya
  •  

  • Mabda' iyo ujeedadu lahaa iyo malihi suurowye
  • Miinshaar afdaran buu la helay maxay-saleebaane
  • masaal derejo weeyaan hadday midha ku dhaameene
  • Iminkay mashxarad iyo xarrago suuqa marayaane
  •  

  • Afartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisay
  • Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
  • Ma mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaaye
  • Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye
  •  

  • Abtirsiin mudhaa toosan oo meel san laga uumay
  • Oo muuminiintii hore iyo maxamed(CSW) gaadhaysa
  • Haddaad midhah aw Jeberti iyo miidha tahay Haashim
  •  

  • Mingistiyo umaydnaan gasheen gaala madowdaase
  • Maatidiinna gawraca Amxaar kuma marsiiyeene
  • Keligiin kamaydnaan mudheen midhah soomaale
  • Minka faalka Moorada cirka iyo giganahaa muuqda
  •  

  • masaloba markay kuu baxdaa laga macaashaaye
  • Marag maleh minhaajkana la waa meelad kaga taalle
  • Hartigaad is mooddiyo ma tihid midhaha Daaroode
  • Asalkiinu meeshuu ahaa waydinkaa maraye
  • .........
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.