Home

Geelayaga Foofay

                                                  Maxamed Cumar Dage iyo Quule Indhoole

 

 

 

Mar kale oo isla xilliyadaas ah ayaa gurdan dhexmaray Habar Yoonis iyo Reer Cabdille (Ciideed)  Waxaa labo gabay is dhaafsaday Maxamed Cumar Dage iyo Quulle Indhoole, Habar Yoonis, Isaaq.  Maxamed ayaa ku horeeyey isagoo ku faanay guulo usoo hoyday tolkii iyo geel tiro badan oo ay gacanta ku dhigeen, dhinaca kalana ku cambaareeyey fulaynimo. 

 

Maxamed wuxuu sifeeyey geelii badnaa ee la qaaday, raggii weeraray iyo geedankoodii.  Reer Jaamac iyo Baha Ammaaneey ayuu baqahoodii xusay.  Good, Sacmaal, iyo Cagdheer niman la kala odhan jiray ayuu fulaynimo ku qiray.  Geelanaga ma kii Gunbuur ayey moodeen ayuu kusoo xidhay.  Wuxuu yidhi:

 

·        In dhawaydba gabay leyga waa, Muxumed-Gaasowe[1]

·        Waayadanba waataan gudhnaa, sida galoofeede

·        Gu’gan da’ay raggii lagu galladay, gababaxdii roobka

 

·        Iyadoo gorgoor meel leh iyo, gubadka  loo ooday

·        Iyadoo guryaha Faafeeneed, gaxar ka daaqaysa

·        Iyadoo Galduur loo rariyo, geedo meel badan leh

 

·        Gurmoo foolan Gaydhoo dhashiyo, Gaamur sidigteeda

·        Kuman gorisey kuman goojisiyo, kuman galoofeeyey

·        Iyo kuman gurboodkii hadhiyo, duq iyo gaadiida

 

·        Iyo kuman galgaal hiliba iyo, goolal iyo awra

·        Iyo kuman gadaal rimay markii, jeelka laga gooyey

·        Garba dheerta loolaysa iyo, aaranka isgooyey

 

·        Iyo gulungulshaagii kiciyo, gaadhka daba jooga

·        Iyo gorey la moodyow ritigii, gu’ga irmaaneeyey

·        Intaasoo golshada ceelka iyo, gaanka miranaysa

·        Oo garangartii buuxiyood, go’ iyo shaal moodo

·        Saw guuto niman soo waceen, gaadhka kama meerin

 

·        Guul markay yidhaahdeen miyaan, saanadii guranay

·        Gooraan markii labada gees laysku, gacan qaaday

·        Ninkii naga gubtoodiyo gurbood, geela ma u reebnay

 

·        Sow galacyadaydii dagaal, uma garwaaxeedsan

·        Fule soo gurguurtiyo intaan, geesi kala miirmin

·        Ma la gubay garaadkii bi’ii, garowe miihaashay

 

·        Gob cadhootay way gaylantaa, sida Giniiseede

·        Maxaa gaaska Reer Jaamacow, geeska lala meeray

·        Giddi Baha Amaanay maxaa, golihii loo diiday

·        Good iyo Sac-maalow maxaa, loo il-gabadhleeyey[2]

 

·        Haddii uu garwaaqsado wuxuu, gano ma waayeene

·        War ma Faarax baa galay jirroon, geedo iyo oodleh

·        Ma gurguuradkii baa Cagdheer,[3] garabku naafoobay

·        Wuxuu golos ka dheeraa miyuu, guuyo la ekaaday

·        Gaagaabta Habaryoonis bay, guran yaqaaniine

·        Ma Gunbuuraday moodayaan, geelayaga foofay

 

Quule Indhoole (magaca gabayaaga oo sax ah ma helin) ayaa gabaygan gabay jawaab ah ka bixiyey.  Quulle wuxuu ka xumaaday meeriska gabayga Maxamed Cumar ugu dambeeya.  Wuxuu haddaba si gooni ah yoolka u saaray qoyska hoose ee Maxamed ka dhashay isagoo Reer Dalal waad soo gashaaye qoys yar ayaad kasii tahay, geeljir ayaad tahay iyo sifaad nooca ah marinaya. 

 

Galool iyo cayo, awr gool ah iyo nirig yar iyo ugaadh kale jaad ah ayuu hordhac ahaan usoo qaatay.  Raas Reer Dalal kale ah haddii aad ahaan lahayd waan kuu gabyi lahaa laakiin Reer Muxumed Dalal yar ayaad tahay, ayuu kusoo xidhay.  Wuxuu yidhi:

 

·        Gu’ ka siman galoolkiyo cayadu, waana laba geede

·        Goolkeeda weynaaday ee, geeda-balaxoobay

·        Iyo Niriga gooraan jaqaa, geelba laba awre

 

·        Garanuugta iyo cawsha iyo, goodirada hawdka

·        Iyo geesa weynow biciid, guudka ugaadhe

 

·        Anoo gaban ah baan joogi jirey, gobolladiinaase

·        Adba Dalalka waad soo gashaaye, gaag yar baad tahaye

·        Giddigoodba Reer Muxumed Dalal,[4] gogol ma buuxshaane

 

·        Nimankaa gamuunyeyn lahaa, iima soo geline

·        Gobta Khalaf guryaha Xaaji Cali, go’bada Reer Yuusuf

·        Ina Xayle gaaskuu watiyo, gaanka Bah Xawaadle

·        Waxaad garan lahayd Reer Xirsoo, godobu noo taale

 

·        Gawsa-xiin waxaad kula baxdeen, helay gedeediiye

·        Shanta geed-midhood iyo surtaan, guran taqaaniine

·        Maxaan Ina Dagow kuu gabyaa, geeljir  baad tahaye

 

Intaa haddii labadaa abwaan is dhaafasadeen ayaa niman Maxamed Cumar la raas ahaa damceen inuu jawaab ka bixiyo gabayga Quulle, Maxamedse wuu diiday.  Wuxuu ku cudurdaartay: Maxamed Cumar Dage iyo Gunbuur ayaa isu gabyaya dadku inay maqlaan ma doonayo, sidaa daraadeed wuxuu yidhi kolba ciddii xun ee aan caayayo ayaan Gunbuur raacin doonaa oo aan odhan doonaa waa sida Gunbuurkeere.  Waxaa kale oo la wariyey in Maxamed arinta gabay ku tilmaamay oo uu tix gaaban ku yidhi: 

 

  • Afka nin isku weynaynayoo, war iga doonaaya

  • Oon waalidkii ila  sinayn, ka wadwadi mahayo

  • Wacadkii Ilaah baan maroo, waafiyeyn mahayo


 


[1] Muxumed Gaas:

[3] Nin Habar Yoonis ahaa oo raggii maalintaa baqday ku jiray, degaankana laga yaqaanay

[4] Reer Muxumed Dalal: qoyska hoose ee Maxamed Cumar Dage

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.