Home

Cayntaaris WWII

                                                  Maxamed Cumar Dage

 

 

 
  • Eebow Casiisow adaa, caadiloo talinee

  • Dadkii cudur ka yaabaa diloo, lagu cabsiiyaaye

  • Waxaa colkiisa laga khoofayaa, caasi gaalo ahe

  • Cadwa nimanka yaalaan hurdada, caafimaad ladine

  • Cowbaartii Xamar looga caag, calafkii dheefeede

  • Carradaynu joognana waa, caabuq lagu reebye

  • Faransiiska soo cararayee, camanka tuuraaya

  • Iyo Talyaanigaa colkiyo bursashada, looga caalwaayey

  • Ee cagaha meel uu dhigo iyo, ciirsashaba waayey

  • Jarmalkaan cadaan iyo madow, qollo ka ceesaynin

  • Colka dumay cawayskii marshada, soo cidgali wayday

  • Cadka waaga ciiryaamadaa, caddar la moodaayo

  • Cirka waxa lalaayeen lahayn, cago iyo raad toona

  • Iyo saarkaa ciyaayeen ladayn, caw oiyo leyl

  • Een cashana joogsanayn sanno, col weeyaane

  • Rabbi nama cidhiidhyine dad, waa cabsanaayaaye

  • Cawyaha badeed maydku waa, cowskan oo kale e

  • Mowjadaha dhiigii camirray, maanyada caseeye

  • Cumdow dhimo coomaadibaa, cunay ragoodii

  • Ingiriis ka soo carar hadduu, Cadan ku fiicnaaye

  • Cishriin lag baa laga dilloo calankii, soo duubye

  • Wuxuu ciidan iyo xoog lahaa, ceejiyaa helaye

  • London kuma caweeyaan kobtay, cudud u yiileene

  • Ceegada dadkii caydhsan jiray, dirirkii caatowye

  • Caatibo la’aan buu Bankii, ceeg usoo dagaye

  • Rabboo caynsha mooyee ninkaa, saanad lagu ciirye

  • Caawimo haddii uu doonana waa, caynka raaciye e

  • Gaaladan is cayntaarin ee la isku, cayn qaaday

  • Ee qaarba qaar cunahayee, caymo kala wayday

  • Culimadu siday sheegeen waa, camal jihaadkiiye

  • Calankiyo Islaamkaa u dambayn, cudud la sheegtaaye

  • Cilmi qaarkii laysma cudriyee, cayn kalaa imane

  • Marbuu dirirku noo curan oo, ceesh naloo furiye

  • Ciqaabna ha kayaabina haddii, Diinta la cusleeyo

F.G. Waxaa la arkaa in ragga qaarkii ay maqleen erayada badhkood oo si kale loo akhrinayo marka taa waxaa keenaya qoraal la’aanta iyo isu dhiidhiibka badan ee ay gabayadu soo maraan. Maanta waxaa gabayadan iyo kuwa kasii horeeyeyba ina soo gaadhsiiyayi waa xafidaad ay xafideen dadka qaarkii oo dabadeed qofba qof kasoo guuriyey. Haddaba, haddii aad si kale maqashay, eray kaliyana ha ahaadee, noo sheeg si aan u helno asalkii gabayga.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.