Home

Dhambaal

                                                             Cumar Cabdi-Nuur Nuux

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

08/08/02

Gabaygaan waxaan ugu talo galay in aan ku baraarujiyo dhalliyarada Soomaaliyeed ee hogaamiyayaasha dagaalku ka dhigteen wax ay ku meel gaaraan. Dhaawacooda ma daweeyaan, meydkooda ma asturaan, mustaqbalkooda kama fakaraan, maalin iyo habeenna dagaal iyo guluf colaadeed bay ugu jiraan. Maxaa dan ah oo ugu jirta in ay u dagaalamaan nimanka noocaas ah? Waa mid u taal in da’yarta iyo indheer garadkuba is weydiiyaan.

  • Dhallin iyo waxgarad Soomaliyeey, waa ad dhimateene

  • Dhanba kuuma nooliyo, waxaad dhowrataa abide

  • Dhugmo yeesha oo diida nimankan, jaqaya dhiigiina

  •  

  • Dhufeysyada maxaad ugu jirtaan, dhaxan idiin laysay

  • Maxaa dheefa oo laga helaa, dhiilada an joogsan

  • Dhugmo yeesha oo diida nimankan, jaqaya dhiigiina.

  •  

  • Dhalashiyo hadday garanayaan, dhaqan wanaagiisa

  • Hoobiyaha maxay ula dhacaan, dhabarka tii saartay

  • Dhulka iyo dadkaba sawyagaas, dhaadadka ugooyey

  •  

  • Dhalanteedka beentaa arkoo, dhaayaha iftiinsha

  • Dhoohannaanta daayoo ukaca, dhaqankan aafoobey

  • Dhagar iyo waxyeellaa jirtee, bal dhan kale eega.

  •  

  • Dhaawacaba cidlay uga tagaan, dhaaxa abidkoode

  • Dhabbahay ku tuuraan haddaad, dhimato meydkaaye

  • Adinkuna sidii cunug dhashaad, xuma ka dhowrtaane

  •  

  • Dhibka iyo waxyeelada, maxaa dhaxal idiin siiyey

  • Habeen iyo dharaar sawdinkaas qubaya dhiigiinna

  • Maya dhaha dagaalkaan rag kale dhamayo xoortiisa.

  •  

  • Dhaqaaliyo tijaariyo malaha, meel wax laga dhoofsho

  • Dugsi uma dhisaanoo ardada, anshax ma dhowraane

  • Dhalanteedka maxaa noogu wacan, dhaanka dabagaalle

  •  

  • Ma wax dhaama oo taliya baan, dhalanin waa yaabe

  • Naftu waa dhaceysaa kolley,  dhimasho waa goore

  • Maya dhaha dagaalkaan rag kale dhamayo xoortiisa.

  •  

  • Dhambaal weeye gabayguye, u dira dhallinta soomaali

  • Inaad dhimato nimaan kala jeclayn, amase aad dhoofto

  • Dhoollaha maxuu uga qoslaa, dhereg intuu daaco?

  •  

  • Dhacadiidka isagoo hurduu, amar ka dhiibaaye

  • Dhul qorfaa intuu kuu dirsado, dhaxanna aad jiifto

  • Dhalandhoolka gaajada, maxaa dhabarka kuu saaray?

  • Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita

  • Dallaankiisa geystoo qurbaha, kaligi dhoofdhoofa

  • Dhagihiinna see ugu furteen, dhallinyarow maanta?

  •  

  • Dhabarkiyo kolkaad uga jabtoo, dhudhun ka naafowdo

  • Aduun baa dhakowleyn xeryaha, dhuuban oo qadiye

  • Dhiilada ninkii kuu horkacay, kuma dhaqaaleyne

  •  

  • Waxay kugu dhahaan qolo kalaan, kaaga dhicin maale

  • Ku dhuftoo ha weydiin madfaca, dhaawacna ha deynin

  • Dhab u fiirsha qoladiyo iyagu, dhaxalku waw qaybe!!

  •  

  • Dhibaatada ku soo gaartay arag, dhallinyarow maanta

  • Dhambaalkeygu waa kuu yimiye, dheeho hadalkeyga

  • Dhufeysyada intaad kaba baxdaan, dhaha ma yeeleyno

  •  

  • Uma dhalan inaad daafacdaan, oday dhallaan ruuga

  • Dhibic kheyr  hadday leeyihiin, dhiigga ma cabbeene

  • Dhuuni qaate haw noqon gidaar, dhabarka uu saaro.

  •  

  • Dhagax weyn haddaad qaado oo, dhimbil dab aad saarto

  • Dhilfiifaha markuu uga dhigoo, dhibicba meel aaddo

  • Dhuxulaha sidaasaa raggaan, dhaqan wadaagaane

  •  

  • Dhammaad male bagteeriya sideed, waa is dhalayaane

  • Aduun baa dhimanayee, iyagu waa dhursugayaane

  • Dhaldhalaalka waxaa lagu sugaa, dhabar jabkiinaase

  •  

  • Dhambaalkeygu waa kuu yimiye, dheeho hadalkeyga

  • Dhufeysyada intaad kaba baxdaan, dhaha ma yeeleyno

  • Dugmo yeesha oo diida nimankan, jaqaya dhiigiina.

  •  

  • Dhagax jebi ama dhoobo qodo, kaaga dhow nolole

  • Dhismo laga shaqeystaa ka wacan, dhiig wax loo galoe

  • Dhabarkaaga raro waa iga talee, dhagarna haw laaban

  •  

  • Muslinimo haddii lagugu dhalay, diintu waa dhaqane

  • Dhinacaaga uma quuri karo, dhamacii naareede

  • Ha ku dhiman adoo lagugu daray, gacan ku dhiigleyda.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.