Home

Dacwo

                                                                     Cumar Cabdi-Nuur Nuux

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Tixdaan Gabaygaa oo gaaban waxaa tiriyey Cumar Cabdinuur Nuux 8/10/02. Waxay ka hadleysaa dhibaatada waddankeenna ka taagan. Ragga siyaasiyiinta isku sheegaya oo ah rag aan u qalmin in ay hogaamiyaan ummadda ay horboodayaan. Balse iyaga qudhoodu ay yihiin asalka iyo aabbaha mushkiladda Soomaaliya. 

  • Deggen inan yar oo goor barqaa, dooxadatu fuushay

  • Umul deyrka gurigeedii hore, lagu dukhuulaayo

  • Iyo hooyo doorkay dhashaba, duugta laga yeelay

  •  

  • Duq waayela digtoor iyo wax-garad, culimadii diinta

  • Daacaddiyo intii nabadda jecel, loosa dacareeyey

  • Dan-yartiyo masaakiinta aan, cidi dar yeeleynin

  •  

  • Inta dibadda joogtee qurbaha, dayac ka meel waayey

  • Dalandoolka sida doon caqaa, dociba meel aadday

  • Ee dooraweynow kufrigu, dabinnadaw qoolay

  •  

  • Rag baa doolar laceggeed ku hela, dhiiga daadanaya

  • Rag baa daaro waaweyn ka gaday, cadaw dillaalkiiye

  • Rag baan dooneyn inaan soo kabtaba, boqol diraacoode

  •  

  • Dawladnimo rag baa diidey oo, doonin oo nacaye

  • Dulmigiyo dhibaatada rag baa, door walbaba wada e

  • Fidno laga dawoodaba rag baa, daarayoo hurine

  •  

  • Deriskii heshiiyaba rag baa, dacar ku nooleyne

  • Dukun-daakun inay naga dhigaan, waa rag loo diraye

  • Ilaahoow dadkaas naga qabqabo, kuu dacwaan nahaye

  •  

  • Ilaahoow adaa daa’iinoo, dunida maareeya

  • Dadka noo tashaday oo na dilay, oo nadabar gooyey

  • Daalucul quuluubow adaa, daawan oo garane

  •  

  • Ninkii samaha diidaa Alloow, dabinka uu laaco

  • Dumbaaburaha uu hurinayaa, daaro maradiisa

  • Isagoon digniin qabin Alloow, qolo kalow duugto

  •  

  • Dadka iyo dalkuba waa bestood, daqaradii gaaray

  • Duunyo nooma nooloo beryahan, lama daryeeleyne

  • Ilaahoow dadkaas naga qabqabo, kuu dacwaan nahaye

  •  

  • Inkastoon dambownoo in badan, dalag xun aan beernay

  • Dariiqii habboonaa Rabbow, dabamaryow qaadnay

  • Ducadiyo baryada naga ajiib, kuu dacwaan nahaye

  •  

  • Eldooreete kii diida ee, nabadda diihaalsha

  • Ama doodda dheereeya ee, xumaha doon doona

  • Danta guud ka door bida inuu, kaligi xoor daaco

  •  

  •  

  • Daalucul quuluubow adaa, daawan oo garane

  • Dawaarkuu meeleegaayo iyo, wuxuu daneynaayo

  • Darka caaro gurigeed ka yeel, kuu dacwan nahaye

  •  

  • Diyaaradaha sii wada raggaan, Diridhabow qaada

  • Ninka duulinaayaana yahay, cadowga diinteena

  • Damiirkoodu see ugu xasilay, gaalka daranyeysan?

  •  

  • Intaas oo shirbaa loo dalboo, looga soo digaye

  • Dacwad bay ka keenaan haddana, kala dareeraane

  • Duweylaad yar bay wada rabaan, inay dul joogaane

  •  

  • Qaran dumay rag soo celin karaa, doorkan ha yimaado

  • Ama Daanya Aramooy ku dhaha, nagu dillaal qaado

  • Adinkuna sidii diiq is helay, baalasha is diirta

  •  

  • Dagaal ooge wixii lagu yiqiin kolley ma dayaane

  • Dadnimiyo xishood iyo malaha, aragti diimeede

  • Hadba koobka malax loo daray, dalaq ka siiyaane

  •  

  • Gumeystaha na dilayey intaas, dagal la jiifaane

  • Hadba meeshii loo dira unbay, dali katuuraane

  • Deris iyo qaraabey raggaan, kala dilaayaane

  •  

  • Dumar iyo caruur bay kasli’i, duugayaan abide

  • Dadka kii u xigay bay intaas, aakhirow diriye

  • Dulmigooda naga qabo Rabbow kuu dacwaan nahaye

  •  

  • Ilaahow adaa daahiroo, dunida nooleeya

  • Ilaahow adaa deeqsiyoo, deeqdu kaa marane

  • Darxumada na heysiyo Rabbow diifta nagu raagtay

  •  

  • Dagaalada na wiiqiyo, raggaan gaalka daba jooga

  • Dibad iyo gudaba xaaladuhu, waa ka sii dariye

  • Deg deg nooga saar Khaaliqow, kuu dacwaan nahaye

 

Amiin-yaa Illaahii

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.