|
The largest
online collection of Somali poetry

Shir lagu qabtay Huurso, Itoobiya, oo ay qawmiyadaha
Itoobiya daga ku shirayeen ayuu abaanku gabaygan ka tiriyey. Markii
ay u caddaatay raggii uu hiilka iyo garab-istaaga ka sugayey ee
tolkii ahaa inay shisheeye cadow ah iyo gumaysi uun ka amar qaateen
dhagtana iyaga mooyee aysan cid kale u raaricinin. Madaxiisa Alla
raajiyee wuxuu yidhi:
-
Hagardaamo mooyee Hartiyow, kaama suga hiile
-
Wuu kugu
habsaama, ninkii kaa isku halayne
-
Halla
uma taraysaan, kolkay col is hujuumaane
-
Wuxuu
hooda leeyahay, hadduu kaa ammaan helo e
-
Halkudhegidda ceebaha tolkaa, yaad heli taqaanaane
-
Huqdi
waa u meel ool, nimaad hilib wadaagtaane
-
Laakiin
intaad horukacdaan, ma hinqanaysaane
-
Hareertaad jirtaan baylah baa, haw kasoo tidhiye
-
Halgan
baa socda oo ciidan, waa la isku haystaaye
-
Heer
waliba kii kale, inuu hororo mooyaane
-
Nabad
looma soo hoyan carriga, tan iyo Haabiile
-
Adna
hoygii laynagu dhalay, yaad ka harjadaysaaye
-
Waligay
hal tuulana ma maqal, meel aad hanateene
-
Dadkii
wuu hayaamaye, maxaa xeebta kugu haysta?
-
Intaadse
aniga igu hawlan tahay, eed i hadal hayso
-
Haaraanka beenta ah intaad, igu halgaadayso
-
Ogaadeen
habdoole iyo intaad, habad ku sheegayso
-
Cali
Dhuux halbuu yidhi, intaad higiro moodayso
-
Haddaad
heerin weyn tahay, maxaad hawl ah ood qabatay?
-
Wixii
hore aan kaba soo hadhoo, haayidii dhiga e
-
Hadda
Habar-Dugaageed, sideed Huurso ugu raacday?
-
Intuu
kuu hogaansaday siduu, hilibka kuu siiyey?
-
Hoomaaq
la ii qoday sideed, hog ula saynsaabtay?
-
Ma
halmaantay Iidoor siduu, hanaqa kuu gooyey?
-
Hindisa
sideed ugu darteen, hiilka Gadabuursay?
-
Heshiiskii aad la gaadheen Gurgure, yaa isu kiin heegay?
-
Sowdigii hordhalad baan ihiyo, hanadka ii sheegtay!
-
Halkay
aaday boqortooyadii, laydin yidhi hooya?
-
Ma wax
idinku haystaa jirood, hawl la qaban weydo?
-
Inaad
hanatid soo kuma wacnayn, ood hormuud noqoto?
-
Maxaa hoos-ka-tuurka iyo xinkiyo,
hagaga baas keenay?
-
Sidii
magacan laydiinku huray, uma hagmaysaane
-
Hayinna
kuma wanaagsana inuu, heeryo diid yahaye
-
Ma horqaada geediga ritigii, aan hogaan barane
-
Idinkana habdhaqankiinu, waa mid aan haboonayne
-
Hayalsami inaad yeelataan, la hubsan doonaaye
-
Hadalna
lagaga maahmaah, abuur waano ka horeeye
-
Ruuxii
hurdeed toosisaa, waysla hebelkiiye
-
Qof
hadduu habaabo oo lumo, oo hero deydayayo
-
Halkuu
aaday gurigoodii baa, ula haboonaaye
-
Bal agow
hadduu hubo, cidlada uma hadaafeene
-
Hartiyowda magacaa iga maray, haybta guudnimo e
-
Inta
kale hujuunkoodu waa, iaga hadhaayaaye
-
Hawaadee
ujeedadana waa, laysla helayaaye
-
Habarwaa
tolkood kagama baxo, hawl la qeybsadaye
-
Warsangalina maan helin, waxay naga haleeyeene
-
Walibana
hanaan gobonimiyo, haybad lagu sheegye
-
Dashiishana intuu hiiliyaa, hilibku diiraaye
-
Majeerteen hareertaad jirtaa, layga haadsadaye
-
Hanbalaalaqsanideenu waa, hohee daraadaaye
-
Mana
waydaan waxaad harawsato, oon kuu aqoon horaye
-
Anna
waanigii kaa hanjabay, kaana haajiraye
-
Laakiin
hawadintiinu waa, noo hurti la’aane
-
Hurgumo
iyo calool-sumo inay, heerka kala gaadho
-
Anigoo
raggaan la hadlayow, hiiftan ula jeedin
-
Haansaabka gabaygaygu waa, inaan hagaagnaaye
-
Heshiis
daacad ah oo waxaan rabaa, aan ku hiranaaye
-
Waxaan u
hanqal taagaa midnimo, loo hogaansado e
-
Lamaba
hubase laakiin inaan, idin helaynaaye
-
Ninkastoo idiin habar-wacda, oo gacan idiin haadsha
-
Hinjijiirsan maysaan intaa, hagaro beeshaane
-
Arintiinu waa ‘ha iyo alif’, miim la hoos dhigaye
-
Arintiinu waa ‘ha iyo alif’, maya ku hoostaale
-
Hadal
iyo dhamaantii runbaan, idin hiraabsiine
-
Gacal
heelan baan ahay, ma qabo hiijo godobeede
-
Haansaabka dulucdeeduna, waa hooya kaalaya e
-
Haah iyo
haddii aydaan haye, iyo odhanin hawraarsan
-
Oydaan
habsami weyn u qaban, hawsha dhiniciina
-
Ama
aynaan hanaan lagu qanco, iyo hadaf cad noo sheegin
-
Yeynaan
is haaraaman waan, kala hadhaynaaye
-
Anna
maalintaan libinta helo, een hantiyo guusha
-
Walee
Hebel Saleebaan danbow, kulama haasaawo
|