Home

Halxidhaale

                                                  Camanje Yogol Furre

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Camanje ayaa safar ku tagay Hargaysa.  Niman Isaaq ah oo ay kaftan wadaag ahaayeen isuna gabyi jireen ayaa damcay inay dabin u dhigaan oo ay meel dad badani isugu yimid oo Maqdarad ama Gaafka aroosyada loo dhigo oo kale ah gabay ugu mariyaan.  Camanje intuu fahmay ujeedkooda ayuu gabay xujo ah oo ay rambasiyey mariyey.  Waxaa ka mid ahaa:   

  • Shugra waxay xiddigaha ka badan, sharaf u dheeraatay

  • Shaydaan abeesada wuxuu, Xaawo ugu sheegay

  • Rabbi uma shafeecee Jannada, waxa shiddii geeyey??

  • Shanta kootka iyo qaaligaa, waxa idiin shuumay (court)

  • Shawaalkaa lixda ah soonka tegay, shuqulka loo raacshay

  • Dad unbaynu wada sheeganee, Shaanqa waxa doorshay

  • Haddaad gabayga shaaciri ku tihiin, shiinka ka higaadsha

  • Haddii kalase sheekaysanee, shaaka kala doonta

Cabdi Gahaydh oo ragga gabayga lagu xujeeyey ka mid ahaa ayaa furi waayey tixdaa kolkaa ayuu yidhi "waar Camanjoo adduunka ha laga gabyaa laysku ogaaye yaa isku ogaa in aakiro laga gabyo?"  Waxaa la sheegay in Isaaq is dhex yaacay tixdaana in la furo laga wada maagtay ilaa markii dambe la goostay in Aflow loo geeyo si uu u furo.  Dhawr sano ayaa kolba war hor leh Isaaq laga keenaa warkaa oo ah niman shan ah oo gabya ayaa Camanjoow Jigjiga kuugu iman doona nimankaana waxaa ka mid ah Aflow.  Nimankaa ayaa halxidhaalahaaga furi doona.  Bal ha yimaadeen ayuu Camanjena ku jawaabaa.  Sidii Isaaq filayey ma noqon oo Aflow halxidhaalihii Camanje wuu furi waayey.  Camanjena waxaa la sheegay inuu gabay kale ka daba diray.   

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.