Home

 

Cali-nuur Muxumed Gaas

                                                

 
 

Waxaan boggan kusoo gudbinaynaa dhawr gabay oo aan wada dhannayn oo uu tiriyey abwaan Cali-nuur Muxumed Gaas.  Cali-nuur waa gabayaa culus oo tixihiisu hal-kudheg soocan yihiin.    Nin sabool ah iyo awrba way sahal dhaqaaqaane, labadaba hadaan seeto celin, socod ma daayaane iyo waan guursan iyo waan guuri goorwalbaba taagan, xaggay gabadhu iman waa kanoo gacalkii eedoowye; bal aad ugu fiirso. 

 

Bahda doollo.com uruurinta gabayada Cali-nuur ayey in muddo ahba ku jirtay, waxaana hadda uun suuragalay inaan isu keeno dhawrkan gabay oo aan mid walba in yar uun ka helnay.  Taariikhda gabayada iyo dhamaystirkooduba waa hawl inoo dhaxaysa ee haddii aad hayso ama aad og tahay meel laga heli karo, fadlan nagala soo xidhiidh mail@doollo.com.

 

Waxaa gabayadan soo uruuriyey oo siku soo dubbariday Cabdi Xiis Udan.  Akhris wanaagsan.   


 

Liibaanta iyo hoogu waa, labada maalmoode

Lurka iyo nacfigu waa, laydha galabbeede

Adoo xalayta laday caawa, waad laba lagdaysaaye

Nin sariir ku laameedhsadaa, liicid wow halise

 

Waa wuxuu Fircoon ugu lugo’ay, laantii uu koraye

Nabi Muxamed kii laga fadilay, waa la oofsadaye

Lixdan iyo markuu saa’id jiray, lagama laabteene

Labood buu dhalaa sicii nin, lihi ka seexdaaye

Laantaad hortii waabataa, laamadoodsi lehe

Nin yaraan ku loofaray wuxuu, lumiyay raacdeeye

 


Maxamedoow sifaha maansadiyo, sawd kii aayaraye

Waataan saraar gudhay sidii, sacaan irmaanaynee

Saqiirka iyo maangaabku way, igu saluugeene

 

Ruuxiise saaxibul caqliyi, kama siloonayne

Abaar siman dhulkoon saaclahayn, soora laga waayey

Sacleey hadii aadan ahayn, adhigu waa saad e

Amase ayna seenyo iyo idiin, sabada kuu joogin

 

Sokeeyaha intaad ladan tahaad, sama wadaagtaane

Marhadii siraad kugu balbalo, malihid saaxiibe

Adigoo surquun qaba biyaha, kuguma saydhaane

Suuyahay dayaay iyo maadsi bay, kaaga dhigi soore

 

Sicii miirtii waakay gudhee, sii dayaan ahaye

Haddaan sararta eygaasi wadan, sowd ma celiyeene

Hadba sarinta ii muuqaataan, sin u jaleecaaye

Nin sabool ah iyo awrba way, sahal dhaqaaqaane

Labadaba hadaan seeto celin, socod ma daayaane

Ana sahayda inaan qaato iyo, socodku waa daw e

Salaama iyo waa nabadgalyee, saa hala ogaado

 


 

Gugan da’ay waxaa Maxamedoow, gooyay hilibkayga

Gangankiyo madawgiyo waxaa, gibilka ii yeelay

Goobtaan fadhiistaba waxaan, godod u meegaari

Waxa guuta guutada shirkiyo, gaaska iga reebay

Gacmo madhan xil fuulaan arkoon, soo garwaaqsadaye

Kol uun baan gaddaydii ku dari, awr gulgula wayne

Kol uun baan martida soo gab tidhi, galax dhanaan siine

Kol uun baan galshada Eebahay, giib la iidariye

Kol uun baan barkimo giigsaniyo, gaariday heliye

Kol uun baan nin kii iga gabbada, ii gunuuniciye

Kol uun baan nin kii ii galoow, gudi abaalkaaye

 

 


 

Qurbac hooyadii dhimatayoo, xalayto ii heesay

Oo igu haloomsiyay anoo, heero kale jooga

Ninkii hadalladuu yidhi maqlaa, wuu hinganayaaye

 

Wuxuu yidhi hoheey maad xirsiga, haatan iga daysid

Waxaan idhi maxaad heli hadaan, kaa hilbo adkaysto

Wuxuu yidhi halkaygaan ku sugi, naas habeed badane

 

Waxaan idhi hunguri waa wixii, hooyadaa dilay e

Wuxuu yidhi hanaad baad tahaye, ma ay habowdeene

Waxaan idhi hortayduu ku dilay, mowd habaar qaba e

 

Wuxuu yidhi war sow tolkaa, halana muu haysan

Waxaan idhi hantiyi waa nin lehoo, waanan ka helayne

Wuxuu yidhi war  sow kumaadan hoyan, haybta Magan sheegta

Waxaan idhi dadkaa igu hafraye, waan ka soo hadhaye

 


 

Awoowoow dhaqaaqdaye hadaad, saaka naga dhoofto

Baabuurkan dhaylayn haduu, kula dhawaateeyo

Biro laysku dhaabiyo alwaax dhigan, hadaad raacdo

Haka dhicin nin kii dheeliyaa, dhimasho weeyaane

Dhanna ha u liicin guradiisa waa, lagu dhawaadaaye

 

Hadii aad dhul kii nabad tagtiyo, dhagaxa Ceelxaara

Dhammaan reerihii igu salaam, ma aha dheeldheele

Dhashii Muxumed-gaas waxaad tidhaah, dhimirra laawooyin

Dhagax iyo sidii geed ingagay, dhaga adkaadooyin

 

Waakii inoo dhaamin jiray, dhamacda jiilaale

Dhafandhoofka guuraha wax badan, dhiiranaan socoye

Dheeraad badhkiin baa lahaa, waadse dhagarteene

Inaan dhabarka xaabada ku guro, waysku dhibayaaye

Dhuuxaa madaw inuu yahay baddii, dhaadhacsii nimanka

 

Xamar dhalasho noogama horrayn, cid aanu dhawraaye

Dhawr kii wan loxos kiiba way, naga dhamaadeene

Ka soo dhoofay gabadhii axadiga, dhigani noo yiile

Dhayal ma aha wiil aadan, arag dhalashadiisiiye

Ana dhawr sabaan maanan arag, dhaban wadaad leeye

In xaas kaygii dhiibaal ku jiro, dhaadhacsii nimanka


 

 

Qurbac yahow hadaan kuu waramo, ima qaniinteene

Qalka kama tufteen caanahaan, qaado leeyahaye

Illaahii wax qayb qaybin jiray, kuuma qiil le’e

Kol uu adiga qow kaa ridoo, nolosha kaa qaado

Ku qabow wuxuu Eebahay, kuu qoraad heliye 

 


 

Ragankada ableeydiyo dabkiyo, uustarada haysta

Ee kala ufoonay a ee, kala al-oolaysan

Nin waliba ina-adeerkii ayuu, eega leeyahay e

 

Eel kaana naagaa dhigiyo, aahadoo idil e

Ushaa loo ruxaa naag haday, ooridaa tahaye

Adigoo umashan baa laga baxaa, oynan ku ogayne

Allaahu akbar yaa sidii, oday la taahaaye

Awoodeeda naag lagu fasaxay, waaba la ogaane

 

Arqab iyo xigaal iyo tolbay, kaa agdaydayiye

Meel aan Islaam joogin bay, kula abbaartaaye

Midkii uurka kula jiifsaday, kaa igdhahayaane

Midkii ina-adeerkaa ah bay, amar la laacdaaye

Ushaa loo ruxaa naag haday, ooridaa tahay e

Adigoo umashan baa laga baxaa, oynan ku ogayne

Allaahu akbar yaa sidii, oday la taahaaye

Awoodeeda naag lagu fasaxay, waaba la ogaane 

 


Hayin aada qaar baa ahoo, haamo daadsha ahe

Qaarbay sidii faras hayin ah, haga hageeyaane

Intay idinka idin haynayeen, hoogba ma ahayne

War maad hooy tidhaahdaan ragbay, horari doonaane 

 


Axmadoow kacaantaye hadaad, kor u hayaamayso

Kudaagii xumaa iyo hadaad, koorre nabad gaadho

Adigu soo kacdaa iyo qalyare, soo kalihisaaba

War intaanan soo kicin ii keen, koorihii faraska

 


 

Kuman aabo kumannaan awoow, kuman ayeeyooyin

Abtirkeenu meeshuu mariyo, Xaawo iyo Aadan

Istalaab caruur lagu sharixi, waa inoo ugub e

Afrikaa iigu filan gaal haduu, aayo leeyahay e

 


Asagoo cirbiid loo ritiga cududu waynaatay

Asagoon cabaadayn hadii ciida lagu miiso 

 


 

Waan guursan iyo waan guuri, goorwalbaba taagan

Xaggay gabadhu iman waa kanoo, gacalkii eedoowye 

 


  

Geeljiroow ninkii waafiyaa, laga sugaa weedhe

Walbahaarka caawa i hayee, wahantay laabtaydu

War ninkii war iga donayoow, waa war li’idaaye

 

Waayahan asluub iyo ma arag, waydodaan jiraye

Alloow yaa Wardheer iigu kaca, waaga barigiisa

Alloow yaa wadada Toomo iyo, waraq ku raad gooya

Alloow yaa waaxba waax ii jaroo, wiillal iga yeela

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 200 Doollo.com. All rights reserved.