Home

Masaare

                                                  Cabdi Saahid 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 Masaare abwaanku wuxuu ka tiriyey dagaal dhexmaray Habar Yoonis iyo Abraahiin.  Loolan soo jireen ah ayaa labadan qoys ka dhaxeeyey hase yeeshe sababta gabaygani waxay ahayd dagaal ay Habar Yoonis soo qaaday maalin Ciid ahayd oo ku aadan billowgii sideetamaadkii.  Waxay Habar Yoonis beegsatay xilliggii salaadda Ciidda lagu jiray oo ay is yidhaahdeen markaa iyada ah ayuu raggu tukanayaa salabkuna uusan u midigaysnayn ee gaada.  Xaalkuse sidaa ma noqon oo inkasta oo ragga badankiisu tukunayey haddana weerarkii bogga ayuu Abraahiin u dhigay Habar Yoonisna aad ayey u baqa-eryeen.  Cabdi Saahid isagoo ku faanaya guushaa fariinna u diraya Ogaadeenka kale ayuu yidhi:  

  • Ogaadeen mabda’a uu watiyo, muranka Iidoorka
  • Ismaan dhaafka iyo qayladanu, maanta ma ahayne
  • Ilaa maytideenii horuu, murugsanaa xaalku
  • Muslinka oo israaciyo haddii, codowga la is maago
  • Murtadkiyo ninkii macatab leh, bay midigta siiyaane
  • Maslaxada Islaamkiyo sharciga, ma ogolaadaane
  • Munaafiqiintii Habar Yoonis, ee Maxamed caayeysay (scw)
  • Masaare iyo dagaal nagu dhexmaray, Ararsan meesheeda
  • Oo maalintii ciida dhacay, maqalyey Daarood e
  • Ogaadeenku waa mowd, haday niman ismaagaane
  • Mahadayda aakeyga iyo, maarihii sebenka (7ka)
  • Majiiraha dagaalka halkaan, marinay Guutaale
  • Muusanaabe Iidoor siddii, muxubo naageed e
  • Madheedhkii ay ku xaareen waxaan, maydhi karin roob e
  • Meel uu libaax taagan yahay, weer ma soo maro e
  • Allay lehe tolkay maalintaa, magac san ii reebye

  • Meeshanse maydka badan yaalo, iyo madaxdii Caynaanshe

  • Ma qarsoona nimankii la dhigay, labadii maygaage
  • Minjaxaabadii Reer Wacays, foolashaa maqane
  • Iyaga iyo haweenkaa isku mid ah, muranka Reer Weyd e
  • Reer Maxamed Ciisana Dannood, kama midhaystaane
  • Cumarkii idaha maali jiray, meella qaban waaye
  • Madaxdii Reer Amaan iyo Gunbuur, ma hindisoodaane
  • Iidoor majiiraha dagaal, ma hungureeyaane
  • Iyagoo mataanihii tagay iyo, Allabla meesheeda
  • Oo madaxa shaydaanka iyo, muruqyo daanyeer leh
  • Mar labaadna Habar Yooniseey, waa inoo Moholin e

  • Farriina Muxumed Gaas iyo ugee, Magan Warfaa oo dhan

  • Cabdillaha makala maaranee, mariya sowdkayga
  • Makaahiilku meeshuu fadhiyo, kama majiirmaan dheh
  • Guushii Masaare bay dalkii, magac ku joogaane
  • Waxaa mooga lugu foofiyaa, maalintii Sabuye
  • Korjooguhu wuxuu soo maraa, miirtii Ceel Baxaye
  • Mandharaari weyne baa tolkiin, maanka ku hayaaye
  • Hadaadse maydalkii iibiseen, iyo faraska Maan Deeq ah
  • Oo aad maslaxo kala hesheen, waa midaan rabaye e
  • Marsin iyo dhulkaan maamulnay een, wada magaalaynay
  • Baraagtaan malyuun siinay iyo, lacag la miisaamay
  • Dhaba Rooble kama maaranee, mar uun ku haasaawa
  • Tusmadiinii way madhan tahee, rag iyo maal keena
  • Warhooy meesha naga owda, yaan tuugtu soo marine

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.