Home

 

Cabdi Muxumed (Cabdi Sanweyne)

                                                

 
 
 

 

  • Cabdiyoo harraadsani hadduu, ilo ku soo hiiqay

  • Anigow horreeyey markaan, hadallo weydiiyey

  • Saddexdii ha’ gaabood markuu, kala hanbeyn waayey

 

  • Ragaan hubo habeenkii markaan, hilinka qaadsiiyey

  • Hadha-gari dusheedii markuu, heeganku isdhaafay

  • Huusaale raadkii markii, lagu haqiiqeeyey

  • Hawanley markii laysku helay, dhagadle Haaruuna

  • Harareemadkaa uga darraa, hootadaan ridaye

  • Waa tay huleeleen sidii geel, habeen didaye

 

  • Bah-Gaalaad haddii anan horsocon, guul ma hoyiseene

  • Feetinkii haleelada lahaa, halab ma maaleene

  • Cabdiyow hunguri waa midkaad, bariba haysaaye

  • Kii hore habeenkuu taguu, hadurka raacaaye

 

  • Haan baan ahaa haanta kale, hakisa miisaane

  • Hayin baan ahaa reerka maadh, lagu halleeyaaye

  • Hashu nimay ku daaqdaan ahaa, oo hubka u sido e

 

  • Haaruftaan la soo baxay warmaha, iga habeedeystay

  • Intuu hoosku soo meeri baad, na hubsan weydeene

  • Markaan yaraha haydalay xan baad, na hororsiiseene

  • Dad hadduu hiddiyo waayo badan, hayb iskula waaro

  • Inuu meel ka wada hiil galey, ugu hagaagtaaye

  • Kuwii lay hormariyow ka gala, dirirta haaneedka

  • Hareertaan ka iil reerka yaan, haadku ka idleysan

 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 200 Doollo.com. All rights reserved.