Home

 

Cabdi Gorod

                                                               Hayska Qamardaado

 
 
 
  • Qamaan iyo Ismaacill Mire iyo, Qawdhan iyo Saahid

  • Qudhii Maxamed qawlkii Salaan, qodobyadii Raage

  • Qarnigii horeetaan ka hadhay, qoonkii gabaygiiye

  • Qabri baanan gaadhine adduun, qaatay calafkay e

 

  • Qorraxdii gudeysaan qabsaday, Qaahiraan tagaye

  • Qalin iyo waraaq baan sitoo, qaaradaan maraye

  • Wax i qaaday mooyeen cirkaan, qadaw ka laacaaye

 

  • Qudha Adari quruxdii Jigjiga, Qaali iyo Faafan

  • Qawyaha Nogbeed iyo Wardheer, qaalinimadeeda

  • Qabridaharre iyo Dhoobo-Weyn, qadadi noo tiilley

  • Qoorriga Suweys kama xumayn, qoodhay xeradeeye

 

  • Lagase qaaday qoonkii lahaa, taniyo Qaabiile

  • Ogaadeenkan qaxay jeer damboo, qaybta laga daayo

  • Oo qoriga laysla hor fadhiyo, qolo ku faa’iiddo

  • Qarxin maayo gabaygaan hayee, hayska qamardaaddo

 

Gabay kale waa kii Cabdi Gorod ku lahaa isagoo niman magacyadood la yaaban:

  • Jurijuri Jaamaale iyo Jagac, miyaan jabo la meegaartay

  • Jinni Xaarka saydhiyo miyaan, Wada Xun jeestaynay

Markii kale ee ay is hujuumeen ninkii colaadu u dhaxaysay ee uu ablaydiisii galka kala baxay dabadeed ninkii kale baqday waa kii ku lahaa tumaalkii uu ka soofaysan jiray saddex geesta qaroofan:

 

  • Shalay duhurkii markii Daahirow, Carab isoo doontay
  • Diilintii bannaanayd markuu, dumarku ooyaayey
  • Dabajiir midduu tumay markuu, igula soo duulay
  • Een Daabcaddaydii la baxay, soo degdegi waaye
  • Soofaha ku duug  waa anigii, kuu ducayn jiraye

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.