Home

Kumaa tiriyey gabaygan?

                                                                                  Beerka ka Ogsooni             

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

Gabaygan oo sida midhahiisa ku cad xambaarsan murti culus wuxuu kamid ahaa gabayadii lagu qaadan jiray tacliinta dugsiyada xilligii qaranka Soomaaliya dhisnaa.  Ninkii tiriyey, taariikhda gabayga, iyo inta ka maqanba waxaan kaa codsanaynaa inaad soo raadiso haddii aad heshana nala soo xidhiidho.

  • Bowdada markii aan ka jabay iyo,  boqonka taagiisa

  • Habeenkiiba way bidhan lahaa, bahalka cawlaaye

  • Ragii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
     

  • Ragii baarqabyada ii qalqalay, beerka ka ogsooni

  •  

  • Bah Cilaamo goortay dhamaan, igu dul booyeysay

  • Ba Sadhaysan baga inay i tidhi, beerka ka ogsooni

  •  

  • Ragii Burunji inuu igu cuno, ii bariidinayay

  • Ee aan barkale ii tarayn, beerka ka ogsooni

  •  

  • Ninkii balad shisheeye iga jiray, soona bixi waayay

  • Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

  •  

  • Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu

  • Oo biixiyaha Eebahay, kay isugu beego

  • Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah

  • Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 
Dhoodaan|  Sayidka M.C.Dage|  Qamaan|  M.C. Beenaleey|  Raage Ugaas|  Kaadheeri|  Guba|  Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.