Home

Aw Faarax Jibriil

                                                                                  Libini Waa Goorma

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Aw Faarax Jibriil Gabaygan hoose ayuu u diray Abasguul iyo Camanje oo markaa collaadi ka dhexaysay.  Jawaabtii Abasguul kasoo bixiyey gabaygan iyo gurdankii daba socdayba hoos ka eeg.  Wuxuu yidhi Aw-Faarax:

  • Camanjow ninkii kula gedaa, lala gobeeyaaye
  • Ninkaad gaadhi kari baa afxumo, lagu garraaxaaye
  • Gadhka Toomo geedaha Daraar, galaha Ceel-dheere
  • Gaadiga kobtaad sudhan jirtay, bay gorey ka fooftaaye
  •  
  • Gaanigu togguu doobta weyn, kaga gariirshaaye
  • Wax galgalimaheedii ahaa, galaha beertiiye
  • Xidhka Gaalafuurka iyo shalay, gabantu yuustaaye
  • Inay gaaro niijo u baxday ayaad, goodir aragtaaye
  • Gooheeda waa laga maqlaa, Goora-cobolleeye
  • Gobse haddaad tihiin maalin, baad geli lahaydeene
  •  
  • War geediga haddaad soo furtaan, sulul garraarkeeda
  • Afaan kugula googoosanniyo, faan ma garanneene
  • Dibnaha gaayafuudka ah dhigtaye, libine waa goormo

Sidaa markuu Aw-Faarax Camanje ku yidhi ayaa nin Abasguul ahaa oo Cali Daah la odhan jiray Camanje ku yidhi "Camajow gabayga Aw-Faarax soo diray miyaadan maqal?  Gabayga gabay ka celi?"  Waxaa la sheegay in Camanje uu Cali ugu jawaabay "Caliyow ciddu goor walba ma irmaana, cirkuna goor walba ma da'o ee horta dirira."  Markii aad dirirtaan eed guul soo hoyisaan unbaan gabyi doonaa."  Mar haddii Camanje ka gaabsaday inuu gabyo oo uu u jawaabo Aw-Faarax, waxay noqotay in lays dhexmaro lana yidhaahdo war yaa kaloo gabyi kara?   Nin la odhan jiray Muxumed Aw-Cali ayaa haddaba  gabyey oo yidhi:

  • Ceelkaan siddii gaaladii goodirka, u seeray
  • Gosada iyo maroodiga dhulkii, waayo lagu gooyey
  • Goodkiyo abeesada dhulkaan, gurayey waa noolba
  • Inuu Maalin-Guur soo gab yidhi, galowgu noo sheegye
  •  
  • Gadhcadaadigii baysu baxay, geedkii xaajiga e
  • Guddi bay ayaan iyo ayaan, gowda ku hayeene
  • Ku guddoonshe guul iyo or iyo, geedigii hore e
  •  
  • Inaan gado inaan gawraciyo, Faafan inaan geeyo
  • Iyo inaan gunnimo qaayiboo, la igu geeraaro
  • Afartaa halbaa ila gudboon, taydu way go'ane
  •  
  • Gaadiidka boobaay haddii, subax la gaadhsiiyey
  • Waxaan soo gurguurtoon, dhashiyo xaaska guranaaba
  • Kuman aan gadhkii wali u marin, geeddan ma u reebay
  • Kuman kalana geestaa koriyo, guban ma raacsiiyey
  • Kuman kale gargaarkayga ma dhigay, gobonimoy saase
  •  
  • Gortase oolimaysee hadday, gabiga soo gaadhay
  • Giddi Reer Ugaas Samatar iyo, nimanka Guuleed ah
  • Iyo garaca Camar sheegta ee gaalo, ka hadheen ah
  • Iyo gosada Sheekhaas ah ee, gabadhi miis dhaanto
  • War Geri oon hortii nabad ahayn, idin gawaan raacye
  • Intaas oo tashiga gaadhay oon, gacalna noo haynin
  • Geediga hadday nagu galeen, gibilka oo muuqda
  • Gudhanka iyo irmaankaba haddii, goob la wada keenay
  • Oo labada geesood rasaas laysku, galow siiyey
  • Gala-xaar Khaliif iyo tan iyo, gurigii Reer Faarax
  • Waatay weerarkii nagu gudbeen, ganacyo weyntiiye
  • Guuleedaay kolkuu yidhi annana, gaadhnay waligiiye
  • Garabkooda waatuu ka kacay, Guuloow mahadaaye
  • In kastoo raggeenii go'ay ooy, guud caddii ma dhatay
  • Kol haddaanan gaas Maalin-Guur, guga ka yaabaynin
  • Oon geela looga cabsanayn, waa gallad Ilaah dheh
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.