Home

Amaan Geel

                                                                                   Ismaaciil Xayd Af-low

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Macnuu gabaygu kala leeyahay iyo, gar iyo miidaane

  • Layskuma mardaafo e haddii aan, miimka ka abbaaro

  • Hadba xarafka kii muunad leh baan, madarka keenaye

  •  

  • Kolkii samada mayaygoo curtay iyo, mooya laga waayey

  • Ee adhi maqaar buu noqdee, lo'ina meermeertay

  • Maylaha go' qooqani kolkuu, micida ruugaayey

  •  

  • Margiyaalahaa weehadeey, kuu manfac ahaaye

  • Mulaax waxay fadhiday Jaamacow, madaxa tuureede

  • Iyada iyo maroodigu sudday, miri ogaayeene

  •  

  • Kolbase maangadii ooman yaa, may la tu'iyaaye

  • Kaliil murugtay hawd maakhira ah ayuu, magac ku yeeshaaye

  • Abaar mudhuxday jiilaal manqaxay, geedo midhif beelay

  •  

  • Ikhwaanow magaalada dhashiyo, waa macdaarada e

  • Miska dhabarka Caliyow haddii, maraqa loo saaro

  • Marko loo dhabaan dhabay kolkii, laga malaasaayay

  •  

  • Maydh dibada rooray dhashiyo, may ciskan irmaane

  • Minawaarka xooga leh kolkii, haanta lagu miisay

  • Moodhi kaar sidiisuu biyaha, mirir ku gaadhaaye

  •  

  • Mardabaanaduu dhaansadaa, milicda jiilaaale

  • Sidii ciil ma'awiya reerahuu, maasho qoyn jiraye

  • Maraykaanka waaguu xarbiga, mihindiska u saaray

  •  

  • Miyi kuma jihaadin ee kufriguu, miciinsadaye

  • Midaanka Sheekh iyo Burciyo, marinka Oodweyne

  • Marmar taaganlaw waa shan qaad, meel walba u kacaye

  •  

  • Kolbase moosinkuu qaadayaa, laga macaashaaye

  • Malkadii Hargeysiyo Jigjiga, moodka waxa keenay

  • Adari Maarsay ka dhigay, muranku waa ceeba

  •  

  • Waa muruq adoonlow ritiga, madaxa waaweyne

  • Murjinse lagama yeelin ee cididan, laysku wada maaray

  • Mudka iyo sakaarka iska baxay, maylinada hooray

  •  

  • Malkada lawga kuruskan mudha ah, maydhaq iyo duudka

  • Margiga taagan luqunta kolkuu, maagga fidinaayo

  • Isha madow dibnaha loo melmelay, dhegaha loo miiqay

  •  

  • Melmasaalka loo uumay ayaan, magane yaabayaaye

  • Moohaarse ma qaadeen cagtoon, mar u balaadhnayne

  • Intaas oo macnuu leeyahay, ood maanta caasidaye

  •  

  • Markab buuse aduunka u yahay, macalinow geele

  • Mulikaadka adigaa sitee, waa murkoo kale e

  • Musheekhdaba su'aal oo wixii, kaleba waa moode

  •  

  • Kol waxaan muquunaba galayn, sidigta maageedh e

  • Inaan nugulka laga maag baxayn, waa laguu marag e

  • Waxse naga maqnaa dhawr kun iyo, mi iyo dheerade

  •  

  • Nin waliba macniga loo dhaqduu, maanka ku hayaaye

  • Anagana maqaafo iyo colkaa, lagu malaystaaye

  • Riyaha macaan laga helaa, maradu goysaaye

  •  

  • Waxaase qalinka meemka iyo ra'dii, looxu marinaysay

  • Maqribka iyo aleylka waxaad, ugu madiixaysay

  • Mashaysii ardayda waa cilaan, inaad ku maashaaye

  • Muraadkaa ku toos Awgayow, ha i makeekiyine

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.