Home

Afhayeen

Ninkan magaciisa soo raadi?                                              

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Nin aanaan magaciisa weli helin laakiin aanu hubinay inuu afhayeen u ahaa boqortooyadii Ogaadeenka ee saldhigeedu ahaa Doollo iyo Ciid ayaa gabaygan u tiriyey Isaaq isagoo ku cambaaraynaya inay gumaysigii Ingiriiska dalkii kusoo dhaweeyeen gaashaanna u noqdeen.    Wuxuu gabaygu ku aadan yahay billowgii ee qarnigii 20aad.  Isagoo Wardheer jooga ayuu wuxuu ninkaasi yidhi: 

  • Taariikhda duugga ah markaan dib uga faaloono
  • Diiwaanka waxa kuugu yaal waa Dir baa nahaye
  • Maantana Durriyad baan nahaad nagula doodeene
  • Hadba inaad dad noo sheegataan waa dayuusnimo e
  • Adoo aabahaa diidan baad dooni ruux kale e
  • Duqii idin dhalay baad meel cidla ah kaga dareerteene
  • ...
 
  • Waa dagalaydaydii wuxuu gaalku soo dagaye
  • Adiguna dillaal baad ahayd daa’in abidkaaye
  • Dooxada Hargaysiyo Burcaba waa anigii degaye
 
  • Damaashaadka waataan ku maray labada daamoode
  • Daqsi iyo siddii koronkoro unbaad darayga tiileene
  • Dubaaxda iyo ammaankiyo mudkiyo daribta geeliina
  • Dugaaga iyo haadkii cunaa noo ducayn jiraye
 
  • Daadxoorta waa tii lafuhu dibada yaalaane
  • Lafa-ruug dabkaan kugu shidiyo digadii baa taale
  • Deyr adag intii loo dhigaan doonay kii hadhaye
  • Sango duubi weyn iyo darmaan orodka sii daysa
  • Dabra celinta waatay farduhu idin dul joogeene
 
  • Idinkoon dagaal hidin karayn dumarna aan dhaamin
  • Waa tay Dabacayuunow lahayd maygu dirirtaane
  • Duqaydiinu way wada ogtahay dibirtii Maal-gooye
  • Indha-badane dool laguma helin daaqsin iyo ceele
  • Duq iyo doonba waw wada dhanaa doxorka Iidoore
  • Allaaba waa dagaal aad gashiyo dirir is qaankeede
  • Danaakiriyo Ciisaad baqihii dacal ku dhaafteene
  • Dibna looma arag xoolo aad dibad ku raacdeene
  • Waa taad durduradii badweyn doon ku gudubteene
  • Indha-badan Abti-badan raggii kugu dirqiyey baad u duurxuliye
  • Iidoor dulliga gaadhay iyo dakharadaan gaystay
  • Waa waxay adhxaha daacsaniyo dari la yeesheene
 
  • Dabar iyo hoggaaniyo anoo dacayba kuu yeelay
  • Oo duudka kaa raranhayuu gaalku soo dagaye
  • Dagdaglihiyo anigaa ku baday duud-xamaalkaba e

 

  • Markaan diinka dhawray iyo sharciga iyo daliilkooda

  • Danbigii markii aan nacay een iskaba daayey
  • Dillaalkii iyo malaalkii markii dabadu kuu naaxday
  • Dibjirkii iyo miskiinkii markuu daaro wada yeeshay
  • Dumar baa ilowshaha yaqaan daalka soo mara e
  • Inaad aniga igu doobidaa dawba ma ahayne
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002  Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.