1. Home

    Qaadow Adigaa leh

                                                                  Abshir Bacadle

     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
    The largest online collection of Somali poetry

    Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh

    Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh

    Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh

    Qalbi qooqan qoodha aan waxtarin qaadow adigaa leh
    Qardareeye kaadida qulquli qaadow adigaa leh
    Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh

    Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
    Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
    Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh

    Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
    Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
    Qashin iyo qashaabiir qudhmuun qaadow adigaa leh

    Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
    Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
    Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh

    Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
    Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
    Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh

    Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
    Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
    Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh

    Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
    Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh
    Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh

    Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
    Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
    Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh

    Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
    Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
    Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh

    Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
    Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
    Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh

    Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
    Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
    Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh

    Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
    Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
    Qanaaskiyo waswaaskaa qarsoon qaadow adigaa leh

    Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
    Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
    Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh

    Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh
    Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
    Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh

    Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
    Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
    Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh

    Qubays laga wahsadiyo dhidid qudhmuun qaadow adigaa leh
    Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh
    Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh

    Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh
    Qaamuuska cay waxa ku qoran qaadow adigaa leh
    Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh

    Qabsimadu inay kala xidhmaan qaadow adigaa leh
    Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
    Deg deg loo qasaariyo shil qoran qaadow adigaa leh

    Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh
    Qofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
    Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh

    Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh
    Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh
    Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh

    Qaadicu salaadnimo qasad ah qaadow adigaa leh
    Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
    Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
    Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay

     

      

     

       

     
     
     
     
     
     
     
     

    Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

    mail@doollo.com

    Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.