Home

Cali Oday

                                                                                   Dardaaran

 
 
 
 
 
 
 
 

 

Cali Oday wuxuu dardaarankiisii ugu dambeeyey ku yidhi:

 

  • Ninka ladanee laqanbaad ahayd, laabta galiyaaba

  • Ninkuu malaha laafaalugtuu, liidasho u filiye

  • Kol hadduu Lillaahida gudboo, kaa ladqabo diido

  • Libta inaad kasoo qaadatoo, lagado mooyaane

  • Wuxuu tiisii kaga laabmo oo, liiliyaan jirine

 

  • Hala lumee lafihii gaar noqdaa, magac ku noolaane

  • Cabdi Ladan kobtuu laaci, waa inuu ka laabtaaye

  • Shantii kibirka layliga ugalay, waranka leefsiiya

  • Lix meeshaad ku joogtaan dagaal, laabta ka ogaada

  • Haddii luqunta kore laydin jaro, lugaha meermeersha

  • Luxdanaanta kama soo hadhee, laliya duulaanka

  • Lalabaha sidaad ugu waddaan, laba jibaar geeya

 

Markii kalana waa kii lahaa:

 

·        Gadhka xiira gaashaandhig bay, gobi u aydaaye

·        Geerida ha diidina ninkii, go’ana yeelkiisa

·        Girigirada naaguhuna yey, idin galiilyeynin

·        War guntada Ilaahbow garnaqa, gaal iyo Islaane

·        Warmihiina ganna goor dhaw bay, gooshii soo celine

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.