Home

 

Axmed Dirir

                                                 Nin ambaday halkuu aaday, way ula ekoonayde

 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Usha dheer markaan geelayaga, ugubka soocaayey
  • Aydinkeeda qaalmaha markaan, u intihoon waayey
  • Aloos iyo markaan miigganoo, ololasha laameeyey
  • Abtrisiimihii baa i hoday, Aadan Carabow e
  •  
  • Haddaan Ebirrar iyo Tuuryar iyo, Aado Gacal-Muuse
  • Dadkaa Uufannaaga ah, haddaan Adhijir weydiisto
  • Ama reer aan soo ag maray, anan ka ilduufin
  • Idahayga iyo naylahaan, edeg wadaageene
  • Isla joog baraar leh iyo wan weyn, ma arki waayeene
  •  
  • Nin ambaday halkuu aaday, way ula ekoonayde
  • Anigoo arkaayaan wadadii, eerigoo maraye
  • Arrin kale ilaawaye haddaan, aqalka lay daadin
  • Ama awr an gaadiid ceshado, la i ammaaneeyo
  • Ayaan iyo wixii laba ka badan, eregtu waa ceebe
  • Nin aamano neceb baan ahoo, iguma aameene
  • Abaar caano leh iyo ceelow waa, adhiga daaqiise
  • Isha Docolley Reeraha ag yaal, kalama aadeene
  • Amaana Alla mooyeene wax kale, maba idhaahdeene
  • Waxaa ooyda naag aabaloo, ehel u muuqdaaye
  • Agoonimada waa waxa cidlada, loogu awdalaye

 

Tixraac:  Far-Guri.  Qore:  Xuseen Cabdi Xalane
 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.