1. Home

    Geeridii Yamyam: Afar Hal oo u Gaar ah ayaan Gocanayaa

                                                                 

     
     
     
     
     
     
     
     
     
     

    Qore: Maxamed Cusmaan Ducaale "Guddoomiye Ducaale"

    guddoomiye123@hotmail.com

    Waxaa dhawaan ku geeriyooday magaalada Columbus, Ohio ee dalka Maraykanka, Allaha u naxariistee, Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yam-Yam). Geerida abwaanku waxa ay si xanuun leh u tababatay guud ahaan bulsha weynta Soomaaliyeed, gaar ahaan, bahweynta jecel nabadda iyo inta ku dhaadata suugaanta.

    Marxuum Cabulqaadir Xirsi Yamyam waxa uu ka mid ahaa hormuudka maansayahannada Soomaaliyeed. Waxa uu kaalin mug leh ka qaatay tirinta, ururinta iyo fidinta suugaanta Soomaaliyeed. Waxaa u ahaa nin Eebbe ku mannaystay aftahannimo, jilitaan iyo curinta qaybaha kala duwan ee maansooyinka.

    Sida aan kor ku xusay, iyadoo ummaddu gebi ahaanba ka murugootay geeridii ku timid Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, haddana aniga waxa ay ii taabatay si gaar ah. Inkasta oo aan jeclaa in aan mar nolol isku horfariisanno, haddana Rabbi ma qadarin,oo waxa uu Yamyam iishay annaga oo aan weli kulmin.

    Haddaba, aniga oo aan ararta ku dheeraan, waxaa aan jecelahay in aan isku dayo in aan soo bandhigo dhowr qodob oo aan isleeyahay waxa ay ka mid yihiin dhaxalkii Marxuum Cabdulqaadir Yamyam nooga tegay kuwa ugu mudan in lays xasuusiyo. Waxa ayna kala yihiin:

    1) Soo Kordhinta Tidcan:
    Marka aad si deggen u dhexqaaddo duugaanta Soomaalida, waxa kuu muuqanaysa in ay u kala baxdo, labo xarig oo kala ah Tix iyoTiraab. Haddaba, farsamo ahaan, laba xarig waa soohmaan ee ma tidcamaan. Marka Tixda iyo Tiraabta oo ah labada xarig oo ay suugaantu ka koobnayd si ay u tidcamaan, waxa Marxuum Cabdulqaadir ku kordhiyiy TIDCAN. Waxa ay isku tidcaysaa labadii xarig, waxayna u beddelaysaa saddex xarig oo isku tidcan. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa labada tuduc oo gaagaaban oo aan kala soo dhex baxay tidic uu u tiriyey UNka( United Nations) oo ku saabsanayd faqriga iyo mid kale oo ku sabsan jacaylka Waxa uuna yiri:

    Waxa faqriga keena UNka
    Waxay jecelyihiin colka
    Waxay necebyihiin khayrka
    Waxay abaabulaan shirarka
    Waxay dabraan heshiiska
    Waxayna rabaan khilaafka
    Wax dan ah kama laha xishoodka
    Afkoodu ka weyn duleelka
    Dhurwaa liqi kara dameerka!

    Tan kale oo jacaylka ahnna waxa uu ku yiri:

    Alla gabadha daya luqunta
    Cabaadhyaha ku yaalla qoorta
    Dhabankeeda xaadda leh labeenta
    Hammiga ku jira xasuusta

    Akhristoow, haddii aad si wanaagsan ugu dhabba-geshid Tidcan, waxa kuu soo baxaysa in ay leedahay baadi sooc u gaara. Waxayna ku socotaa qodob naxweedka lab iyo kan dheddig oo kala ah qodobka 'Ka" iyo kan "Ta" oo labaduba dhacaan xarafka ugu dambeeya tuduc kasta.

    2) Waxa uu ahaa nin hal adag

    Waxaa lagu xasuustaa Marxuum Cabdulqaadir in uu ahaa nin hal adag oo aan runta ka gabban. Xilligii ay ugu xoogbadnayd dowladdii Kacaanka, sanadkii 1974, markaas oo xiisaddu aad u kacsanayd oo dad badan doorbideen in ay aamusaan, qaar kalena miciinsadeen in aysan toos u abbaarin runta ee ay sarbeeb miciinsadaan. Marxuum Cabdulqaadir Yamyam waxa uu u bareeray wax kasheegga Dowladdii kacaanka, isagoo ku eedeeyey musuq-masuq waxa uuna yiri:

    Waxaa jira wasaarado lumoo aan war laga haynin
    Waxaa jira wakaalada dhintoon weera laga daynin
    Warshado lagu qayilay baa jiroo waa dhow soo dumaya
    Dadkii wayda waligood ahaa weelkii wow eber
    Waxaa jira wan subag aanu rabin laga waraabshaahe

    Sidoo kale, dowladdii lagu unkay Jabuuti ee Carte, waxa Marxuum Cabdulqaadir ka ahaa xildhibaan. Kama ilduufin in uu runta ka sheego waxa dowladda iyo baarlamaanku ku hayaan golayaasha. Waaa kii lahaa:

    Ninkii maal rabay ka hodon
    Ninkii magac rabay ka waa
    Midnnimo kii rabay hungoow

    Haddaba akhristoow miyaanay kuu muuqan in marxuumka aan jago iyo qabiil ama hunguri aan midnaba lagu dabi karin.

    3) In loo bedelo Aadene tuugnnimada Alle bari

    Waxaa beryahan dambe soo korortay, in haddii dadka abaar ama aafa kale asiibto, ay baryo waydiistaan UNka ama dowladaha qaniga ah sida Maraykan ama Yurub. Waxa bulshadu ka codsadaan dowladahaa in ka taakuleeyaan dhibkaas, lana soo gaaraan mucaawino deg-deg ah.

    Haddaba, Allaha u naxariistee arrinkaa Cabdulqaadir Yamyam waa ka biyo diidey. Waxa uu safar ku kala bixiyey qaybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya. Waxa uu ummadda kula dardaarmay in ay Eebe baryo waydiistaan intii ay Aadane u sacabbo hoorsan lahaayeen.

    Ogaantayda, Yamyam waxa uu ahaa ninkii Soomaaliyeed ee ugu hireeyey oo 99 magac oo Eebbe isugu keenyay hal gabay oo qur ah, Isim kastana waxa uu bardhigay sifadiisa.

    4) Waxaa uu ku khasbay in dowladda Ingiriisku mowqifkeeda ka noqoto

    Waxa la sheegaa in horraantii todobaatanaadkii in Boqortooyada Ingiriisku goosatay in ay xirto laanta Afka Soomaaliga ee BBCda. Arrintaasu waxa ay ka dambaysay markii dowladdu ka cabatay in aanay awoodin dhaqaale ay ku sii waddo barnaamijyada ka baxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.

    Haddaba, Allaha u naxariistee Cabdulqaadir markii uu arrinttaa maqalay waxa uu tiriyey gabay uu ku leeyahay Boqortooyada Ingiriiska: Waxaa murugo leh adinka oo ka mid ah dowladaha dhinaca dhaqaale hore ug maray in aad awood u yeelan weydaan in aad maal gelisaan Laanta Afsoomaliga ee BBCda oo ah Idaacad laga dhagaysto gebi ahaanba meelaha ay ku noolyihiin dadka Afka Soomaaliga ku hadla. Waxa aan idinka codsanayaa in aad Barnaamijka sidiis u dhaaftaan, wixaa kharash ahnna aad ku soo dalacdaan Cabdulqaadir YAM-YAM.

    Gabagaa markii loo fasiray dowladda Ingiriisku waa ka garaabeen, waxa ayna faraha kala baxeen howhii BBCda. Waxayna soo fareen: Yam-Yam u sheega Idaacaddiina waan fasaxnay, wax qarash ah oo laga raban majiraan.

    Haddaba aqristow miyeysan mudnayn intaas iyo in ka badan in Cabdulqaadir lagu xasuusto. Marka dhigiisu suugaanta u adeegsadeen in ay ku dumaan colaadda ama dhuuni doon.

    Waa arrintaa midda igu kaliftay in aan ka iraahodo laba erey wixii aan ka bowsaday Cabdulqaadir Yam-Yam. Ilaah Janadiisa Firdowsa haka waraabiyee, eheladii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodaynna samir Allaha ka siiyo.

    Guddoomiye Ducaale wuxuu ka mid yahay odeyaasha magaalada Edmonton ee dalka Kanada.

     

     

     
     
     
     
     
     
     
     

    Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

    Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.