MA HADHO!!
Qeybtii 1aad
Ma
hadho, Daabacaaddii 1aad
Haldhaa Publishing
Borlänge, Sweden
December 2005
ISBN-
978-91-85514-01-4
Waa sheeko xiiso iyo xanuunba leh.
Waxay ka koobantahay 4 qeybood oo midkastaa ay tahay buug gaara.
Sheekadan sida aad ka dhadhansan kartaanab magaceedu wa asheeko
murugo iyo xanuunba leh, waa sheeko ha hadlaysa hab dhaqnkii
soomaalida iyo sida ay qabiilka isugu yasayeen, sida ay gabdhah u
duudsiyi jireen, kaalinta uu geel kaga jiray nolosha bulshada
soomaaliyeed iyo dhibaatooyinkii gumaysiga xabashida uu u geystay
soomaalida ku hoos nool iyo kuwa kalaba.
Waxaan filayaa akhristoow inaad
sheekadan ka heli diintid murti, xikmad farshaxnimo qoraaleed lagu
dheehay.
Qoraha sheekan qora Mohamed-deeq
Abdi-madar ”Haldhaa” waa markii ugu horreeysay ee uu qoro sheeko ku
saabsan nolosha miyiga oo uusan isagu aqoon u lahayn sheeko
mooyaanee. Waxaanse filaayaa taasi inyasan ka reebin inuu idiin soo
bandhigo sheekadan dhiiga iyo dhuuxa dhaqaajinaysa.
Haddii ana wax yar ka soo min-guuriyo
sheekdana ”Ma hadho”
Dhaqane iyo reerkooda iyo weliba
reeraha la yaallay oo idil saaka waa u subax baas. Waa maalin
madoow, oo diiwaankeeduna uu madoowyahay. Khadda diiwaanka lagu
qorayna waa dhiig aan go’ayn, oo weliba lagu qoray far aad iyo aad u
waawayn. Baroorta, ba’ayeeyda, balan balayeeyda iyo gablamayeeydaba
waa mid astaan u noqotay subaxaas. Naxdinta, murugada, ciilkaambiga
iyo bishin qaniinkana wehel bay u ahayd.
Raggu ciil buu dhulka la qodayaa.
Dumarkuna baroor bay miciinsanayeen. Caruuruhuna hadba oohinta iyo
baroortay wax ku darsanayeen, waloow aysan badidoodba ogayn siday
wax u dhaceen.
Badbaado Allaa lehee, saaka wey indho
xuntahay. Ha indho
xumaatee mid sidaas looga tagayo maahan. Xaggee loo ciirsada? Xagga
Rabbi mooyee ciirsi kale ma jiro. Rabbi isagaa sharka iyo khayrkaba
qadara. Isag uunbaana laga magan galaa. Xal kalaana ma jiro. Haddana
lama odhan Rabbi magan gal oo iska fariiso. Waa in sababihii lala
yimaadoo oo xeelad la kaashadaa.
Markalaba ha tashadaanee, maanta
muruguda, calool xumada, hundhudhka, tiiranyada, urugada,
uurkutaallada, taaha, laxawga, iyo ilinta kulul ee indhahooda ka soo
daadanaysa, xaggee bay iska geeyaan?.
Carruurtii caano lama siin, raashin
loo kariyaan warkiiba daa. Horta inay jiraan yaaba og?!. Qalbigee
xusuusannkara. La arag inay ooyayaan oo ay qaylinayaan oo weliba
ildaranyihiinee, yaase kala garan kara murugada iyo naxdinta inay la
ooyayaan iyo inay gaajo la ooyayaan?!. Yeyse intaas ka filan?!
Qalibgee bayse ku soo dhacday?! Markalaba mooyiyee maanta kanshe
looma hayo. Kanshe cuntadooda lagu xusuusto iyo kanshe wax lagu
siiyaba.
|