-
Waayadanba Dhuu baan xidhay oo, dheg uma noolayne
-
Anuunbaa dhabriiraye ragii, waa dhalasho raacaaye
-
Maan gabay dharaarta iyo dayaxa, dhayda ka cadeeyo
-
-
Abtirsiimo lama dhumiyee, dhamacda maan oogo
-
Maan dhamaan Isaaq kula dhex dhaco, waa dhambaal
culuse
-
Dhalinyarada Reer Nuux col, waa looga dhaar maraye
-
-
Dhaxal eego mooyee ma laha, dhiiranaan ficile
-
Haduu dhirranaa Reer Shirdoon, naga dhawaafeeye
-
Ina Buux haduu nagu dhawyahay, naguma dhawreene
-
-
Dhamalqaylo nimanka u dhashayiyo, dhirif Makaahiile
-
Reer Samatar waa dhacan yahay, oo dhiigse laga
waaye
-
Waxa dhaboolaqa lagu teediyaa, dhiisha ceebta ahe
-
-
Dhuxdhuxlaynta Reer Fiqi Cigaal, haygu dhiriyeene
-
Goortay dhafoorada jabshaan, haw dhiseene aqale
-
Dhabbaan ku hadlayaa Reer Baniin, dhididi maayaane
-
-
Waadhidii dhextaal iyo bankii, Dhedibba loo diidye
-
Meeshiyo dhallaannimo col baan, Dhuungalaw xigaye
-
Dhakhsaan uga gigilanoo anagaa, dhiifin cadawgaase
-
-
Arab wuxu ku dhaantaynayaa, dhaawaca nagu yaalle
-
Dhacamuhuba ways tiiriyaan, dhawrta celiyaaye
-
Dhiigii Dammuun buu Sammane, soo dhufanayaane
-
-
Idinkuba dharaartii Ballaadh, waydun dheregteene
-
Waataydun dheeraadka iyo, dhicirta layseene
-
Dhanka Bari haddaannaan degeyn, maydun dhaqateene
-
Maantana miduun ugu dhaqsada, dhibiya ehelkeede
-
-
Habar Yoonis dhudaheeda badan, waysu dhawnahaye
-
Nin walaalkii soo dhinac degoo, dhiirran baan ahaye
-
Isaxaaqna dheeraadku waa, xeerki noo dhacaye
-
-
Ugaadh Cumar dhawaaqaan u diray, dhoobey warankiiye
-
Muuse Cabadalli dheen fadhiyey, waa kan dhiidhiyaye
-
Dhirta Maydhisaar meesha iyo, dhinaca Buhoodle
-
-
Dhar casti Laan-Mullaaxiyo raggaan, dhawrayaa imane
-
Kol haddii dhawaaqa iyo dilkiyo, dhagartu weynaato
-
Oo ficilku dhegahooda galo, way ka dhididaane
-
-
Kama dhawrsadaan abid hadii, uu dagaal dhaco'e
-
Dhiigyacabbadii Habar-Jeclaa, dhaanka soo rarane
-
Dhulbuteeye waan galin hadaan, dhiman Xigaalkay'e
-
-
Eray kalana waa Ciidagale, midaan ku dheereeyey
-
Sheekh Yuusuf waa laga dhabqay, ee dhab u
siyaareeya
-
Culimada wankii dhaban leh iyo, dhebi-cadkaw sooca
-
-
Dhooriyo sidii Keenadiid, dhiiga soo celiya
-
Oo geeri waa loo dhashee, dhixirka uun diida
-
Ka dhegeysan maynee fulaha, dhoosha ka adkaysta
-
Dhulkana waa la kala boobayaaye, udubka dheereeya