The largest
online collection of Somali poetry
Ducaale wuxuu ahaa gabayaa ay maansada isku hujuumi jireen Salaan
Carabey. Gabayo badan oo is daba socda ooy isu tiriyeen ayaa
jira, midkan aan dhawrka beyd een wada saxnayn ka haynana kuwaa ayuu
kamid ahaa. Meel laga heli karo haddii aad og tahay kan iyo
kuwa kalaba nala soo socodsii. Wuxuu yidhi:
-
Soofoow sarkaalkuba marbuu, sahayda waayaaye
-
Saabaanka waa laga tirshaa, suudi-daarrada e
-
Inaan waayo saranseer ahaa, saa anaa faraye
-
Samri waa Salaankii wax badan, layga saamaxaye
-
Sawdkii horeetiyo Cawaan, kaga sariigtaaye
-
Suryadaan fadhiistaba qolaan, summad ku duugaaye
-
Oo lagaga soocaa naflaha suunta wada yaalle
-
Saableyda meeshaan u dhigay, Saahid baa garanne
-
...
Soo dhamaystir... |