The largest
online collection of Somali poetry
Caligeri (Dhulbahante) ayaa geel ka dhacay ragna ka
laayey Reer Hagar (Dhulbahante.) Dagaalkii iyo ku didrirkii geela
ayaa nin la odhan jiray Gaani Cali Ducaale oo Reer Hagar ah ay
xabadi gacan midhaha ka dhigtay. Gaani inkasta oo uu nin gabya ahaa
wuu iska aamusay ciilkiisiina dib u liqay. Muddo dabadeed ayaa
Ingiriis iyo col uu wato Caligari guluf kusoo kiciyeen xoola badana
ka mooraduugeen. Gaani oo godob tirsanayey gacanina ay u shakaalan
tahay ayaa halkaa waxaa uga soo baxay qodob uu ka gabyo si uu
Caligariga ugu digto. Wuxuu tiriyey gabay uu aad ugu tiiqtiiqsanayo
Reer Cali Gari. Ismaaciil Mire oo aan dagaalkii hore ee labada qoys
dhexmaray raali ka ahayn ayaa gabaygii maqlay markaa ayuu gabay
maslaxad iyo samo abuur ah oo ay ka mid ahayeen beydadkan hoose
tiriyey. Wuxuu yidhi Ismaaciil:
-
Anagu
Gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye
-
Gankaa
naga xanuunsada wixii, gaadha Reer Hagare
-
Gadhka
iyo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode'e
-
Uma gabayno maantii Islaam, gaalku weeraro e
Cali Dhuux Aadan oo aan inta badan maslaxo ka talis
ahayn ayaa labadii gabayba maqlay, Ismaaciil Mire ayuu dabadeed aad
ugu xanaaqay isagoo is leh Ismaaciil Gaani ka af badanee muu iska
celiyo oo uu difaaco Reer Cali Gari, gabayga maslaxada ah ee uu
Ismaaciil tiriyeyna Cali Dhuux wuxuu u arkay inuu baryootan iyo Reer
Hagar isu jilcin yahay. Wuxuu haddaba geed rag badani isugu yimid
ka akhriyey gabaygan hoose. Wuxuu yidhi Cali Dhuux:
-
Ninla
maagay oon midho yaraan, lagu malaynin
-
Maansana
Illaahay baroo, macalinkeedii ah
-
Oo
gabayga sida sheekh mufti ah, miinka ka higaadsha.
-
In
madhoodho loo soo diraa, waa macno la'aane
-
Hadiise
dhiig macaan leeyahay, iyo maal lakala qaado
-
Ragu waa
ragii Gaaniyow, riday minkiiniiye
-
Waa
ragii miskiin iyo agoon, miidhan kaa dhigaye
-
Waa
ragii maqaawiirta culus, mariyey liishaane
-
Waa
ragii musgale kaala dhigay, maganta Iidoore
-
Waa
ragii maskii Camey diliyo, maqadinkiiniiye
-
Waa
ragii mareegaha u furay, maalin Reer Hagare e
-
Sidii
jaamac dalab loo mudmuday, maadan moogayne
-
Magligaan ku gowracay ninkii, maqashii dheeraaye
-
Mariinkiisii waa taan watiyo, macawistiisiiye
-
Miridhkiina waakaa ku yaal, marada dhiigiiye
-
Dhalintii makaawida qabtay, ee wada mushaaxaysay
-
Meydkoodu waa tuu ahaa, maadha oo kale'e
-
Muusanowgu wuxuu kuu ekaa, maalintii hore'e
-
Miiq
looma kala goyn ragaad, magac wadaagteene
-
Bal
maxay macaash keentay, dhaha maansadaad tirisay?
|