|
The largest
online collection of Somali poetry
-
Ismaaciil Saciidow ma tirin,
aalladdii gabaye
-
Meeshiyo sidaad ii ogayd,
aabo kama hayne
-
Afkaygii waxaan uga ceshaday,
uurku taallada’ e
-
Adigu iyo Khaliif maansadii,
or uma qaadaane
-
Aw-Jaamac iyo Geelle way, aga maraayaane
-
Cabdi-foolxun waa kaa askumay,
toban ayaamoode
-
Nimankii isyaanada ahaa, eray
ma sheegaane
-
Aqli baad lahaydeen haddaad,
edeb samaateene
-
Erey waxaan ka idhi xaajo aan,
oday ka sheekeynin
-
Erey kalana waa xaajadii,
lala ilmeynaayey
-
Erey kalana waa Eebahay,
midaan ka eegaayo
-
Erey waxaan ka idhi xaajo aan,
oday ka sheekeynin
-
Iyadoo irmaankiyo lo’diyo,
adhigu guulaayo
-
Iyadoo asqaran beeshu tahay,
adhaxda jiilaalka
-
Waligood sidii loo askumay,
Aadan iyo Xaawo
-
Ebid waxaan la arag ceelkan
oo, la iska oodaaye
-
Erey kalana waa Xaajadii,
lala ilmeynaayey
-
Geelleena ooddiyo dilkiyo,
uli ma gaadheene
-
Biyihii Aloosane ku jirey,
lagama oodeene
-
Afkaygoon arwaax kale lahayn,
ugama oomeene
-
Isaaq maganti kuma
dhaansadeen, toban ayaamoode
-
Ingiriis ma yeeline kuwii, na ublikeynaayey
-
Labadeena oday baa ahayd, ab
u collowgaase
-
Arxan horaba noogama dhaxayn,
aniyo Iidoore
-
Naga aarte nimankii garbaha,
iinta ku lahaaye
-
Erey kalana waa Eebahay,
midaan ka eegaayo
-
Illaahiyo asmada diinta iyo,
udubka Jiilaani
-
Awbaahilaabiyo intaan, ehel
wadaageynay
-
Awliyo dhammaanteed waxaan, u
Alla dhaawoodey
-
Haddaan amarka Eebbaa hayee,
nalagu soo oodin
-
Nabsi aan kollaba oolin waa,
la arki doonaaye
|
|
|