Markii aan maqlo odhaahda Soomaaliyeed ee ah rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi waxaa maskaxdayda kusoo degdega magaca Qamaan Bulxan Yuusuf. Qamaan wuxuu ahaa geesi aan ishiisa mudac marin, Aftahan geed ka hadal ah oo aan la’aantii xaajo Qorraxeey ka gu’in, maalqabeen shaarubaha xoori caddaysay, siyaasi iyo hoggaamiye in badan ka horreeyey xilliggii iyo dadkii uu ku dhex noolaa, gabayaa aad is odhanayso gabaygu abxad furaheeda kaligii uu hayso ayuu ugu qufulan yahay iyo waayo-arag aad ku dhaaranayso inuu dunida oo dhan cagta mariyey wallow uusan degaankiisa iyo inta dariska la ah dhaafin.
Intaa aan Qamaan ku tilmaamay iyo dheeriba waxaad ka fahmi kartaa gabayadiisa 60ka kor u dhaafay ee Soomaali idilkeed ku baahay, gabayadaa oo ay gebiyada kore hayso murti iyo halqabsi. Bal waxaad u fiirsataa gabayadan aan dhammayn ee Qamaan naga soo gaadhay.
Midka hore, Sayid Maxamed oo Ingiriis iyo Xabashi u salab uruursanaya ayaa wafdi usoo diray Qorraxeey si ay tolalkaa hub iyo cudud kaleba uga helaan. Rag baa soo dhaweeyey wafdigii Sayid Maxamed ka yimid kuna taliyey in Daraawiish la garab istaago. Qamaan waxay ugu muuqatay in go’aankaa lagu degdegay, gorfayn iyo fiirsasho dheeri ah in xaalku mudan yahay ayuuna muujiyey. Dadka qaarbaa waxay wariyeen inaan Sayidka iyo Qamaan xilligaa aad isugu fiicanayn. Si kastaba ha ahaatee, Qamaan wuxuu soo jeediyey inaan wax cudud ah xagga Daraawiish tolkii ka aadin. Isagoo aragtida noocaa ah gabay kusoo gudbinaya, haddii taladiisa la khilaafana cidhib xumada ka dhalan karta ka digaya ayuu wuxuu yidhi:
Hadday sababi geli maanka waa, la iska suushaaye Sinbiidh gaban ah yaa laga dhigaa, saacadaad dhimane Solina maysid taladii Illaah, seeg ku leeyahaye
Sirqiyo mawdka wuu ka hor dhintaa, bahal sanuun mooge Maashaan la sarin waa dambay, sara kacaantaaye Sakaarkaan la rogin kaa qarsoon, sabarradiisiiye So’du waxay ka qudhuntaa halkaan, hilibku saafnayne Hadalkaan saxnayn wuxuu taraa, sun iyo waabaye
Libaax iyo waxaa seertay meel, sogob dameeraade Wuxuu yidhi samaan aan u cabnee, suruq ka dhawr miirta Waxay tidhi sedkaygaan ba’sane, ha ina sooyaamin Wuxuu yidhi si kastood falaysaba, biyaha hayna wada seejin Waxay tidhi armaad sibir qaskaa, sir ula jeeddaaba Wuxuu yidhi haddaad sidatan tidhi, sahay ka qaadoo tag Waxay tidhi inkastood sidaa tidhi, sayndhow dayn maayo Dabadeedna suluftii lugtiyo, gelisay suulkiiba Isaguna ku sarajoogsayoo, madax saydhyoo dil
Dumarkaa sabaalo iyo been, sahal la taabaaye Oo lagu siraa waxaan ku siin, Soobir iyo liige Oon saarsanayn waxaad ku fali, kaana sarar weyne Dabadeedna saamaxa intay, meher ku saartaane Sokeeyaha demani waa la cayn, laguna saaweeye
Sida bahalka siig iyo ugaadh, sool aan kala joogno Surka aynu keenoo miskaha, kala sintoolayno Hadhow baa anuu sixir i helay, saarsi loo odhane Dadow kala sibreey waxaan ka baqi, sulufkii xayskiiye Haddii kalese goor salal dhiciyo, saadembe i sheega
Mar kale ayaa waxaa la yidhi niman Qamaan ay is xiggaan oo boqol kor u dhaafay ayaa iyagoo aad u hubaysan ku biiray Daraawiish oo markaa meel Dhababe la yidhaahdo degan. Qamaan arintaa wuu ka xumaaday. Intii aanay wali nimankaasi ambabixin ayuu Qamaan wuxuu yidhi “ilma adeerayaalow waynu is naqaanaa oo waad madaxnimo jeceshihiin, Sayid Maxamedna cid ka hortimaadda idinkaa u horrayn doona ee hubkiina iyo ciidankiina haysta.” Nimankaasi taladaa ma qaadanin sidii uu sheegayey ayeyna noqotay oo muddo gaaban ka dibba khilaaf ayaa soo baxay. Khilaafkaasi isaga oo uu jiro, welina Gondo Gooye uusan dhicin ayey niman wafdi ahi Sayid Maxamed gaadheen. Maxay tolow ka dooneen isagoo is leh ayuu wuxuu mariyey gabay ay ku jirtay:
Nimankii dhabbaha qaadi jiray, dhawr ninbaa tagaye Way u dhuuman meelay bideen, dhogorta xoolaade Rabbi dhuunta goo waa waxay, Dhabab sameeyeene[1] Dhifbaa wadaye dharag way qabeen, amase dheeraade Dhiil Eebbehay buuxiyey, dhoorayaan waliye Gus dhallaan ku yaaleey noqdeen, dhimashadoodiiye Dhanna uma ogola reer tolkood, dhimiyo noolowe Dhafoor layska toogtiyo dilbaa, niman ku dhiitaane Nabadda way dharaar furi colkana, kama dhabbeeyaane
Gabay kale oo aan sheekadaa kore lug ku lahayn ayeynu raacinaynaa. Waxaa la yidhi Ugaas Xaashi oo ahaa ugaas Qorraxeey ka talin jiray ayaa Qamaan ku yidhi: ‘Qamaan, Reer Xandulle sadada kasoo uruuri.’ Reer Xandulle waa jilibka hoose ee Qamaan ka dhashay, sadaduna waa xoolo canshuurta oo kale ah oo ugaaska iyo boqortooyadiisa lagu dhaqaaleeyo. Qamaan wuxuu ku jawaabay ‘Ugaas qaybtaydii waa tan, Reer Xandullena adaa ugaas u ah ee ciidan sadada kasoo uruuriya u dir.’ Ugaas Xaashi wuxuu u qaatay in hadalkaa cudur ku jiro, xabsiga ayuuna Qamaan u taxaabay. Qamaan isagoo arintaa qaadan la’a ayuu gabaygan soo socda mariyey. Waa gabay colaadeed aadse u murti badan. Colaadda faraha ka qaad oo murtida gabayga ku xasil. Wuxuu yidhi:
Gartay weeye inaan Maxamedow, galangalceeyaaye Garanmaayo gegidaan hurdee, gogol la’aaneede Goor iyo ayaan waxaan jiraa, gooxa dibadeede Gankii Caamir baan ahay asaan, go’inin waagiiye Waxaa ila gudboon ciil inaan, gag u idhaahdaaye
Sidii goodir guul ooman iyo, gebogebow jooga Ama giiryar oo labo qaddoo, gamashi kaynaana Ama guuto soo bixitintoo cido, ku guuraysa Ama roob gudgude oo saqdhexe, galo biyeynaaya Ama goray gabnihii laga qabtoo, ganid ka yaabaaya Ama naag ninkeedii go’oo, gocosha ooyeysa Ama aar intuu reer gondolay, miciyo weyn geystay Ama faras mirtuu goosan jiray, xadhiga loo gaabshay Ama gaadhkii laga hayn jiriyo, gaardigii Maxamed[2] Ama ceel galloobey oo qodada, lagu garaacaayo Arrin igu gardaadaan jifida, gawda ku hayaaye Birtay iga gasheen bay minjuhu, ila gariiraane Mase gaasa-bixin oo ninkaa, gaambin baan ahaye Galaal xoorka way ila qabaan, gebi Bah Gaalaade[3]
Kuwii boqorka gaafa u lahaa ima, gol dhaamaane Geed iyo guddooniyo gambare, waw gudboonahaye Anoo madiya libintaan gasbado, way garaad li’iye
Haddayse gacani waa jeer dambee, godob walaal raadin Barkhadleba gubney wada dhasheen, guul ku odhan waaye Arbow Caafi galabbaan ciyaar, guduri hiigeene Gaashaanna waad wada qabtaan, gaaska Reer Cumare Cabdi Kaahin gaar kama noqdeen, guudka xaajada e Gar ma marinin guuyana ma siin, mana garaabayne Goodaado dhexe bay baryeen, gaankii Reer Dalale Kuwaasaana iila giir adkaa, garashadaydiiye Bal maxay la gabangaabsadeen waa, hal gudo weyne?
Haddoon laba galloobiyo anoo, gabana oo wiila Intaasaan xaqood gudi lahaa, gooshigii da’a e Eeggana gadhkiyo xaaddu way, galayaxoobeene Farow gaabta wixii bataa, geel bariis noqoye???
Reer Magan ha kala geed hadhsado, layla garan waaye Ha gudduudatoo yaan shamsadu, giirka ka caddaanin Gabbal yuusan dhicin waana baryin, gooriyo ayaane Ha lays galo ninbaa gudin la dhacay, geed qudhaanjo lehe [1] Dhababe: waa dooxo Nusdariiq u dhaw oo caan ah [2] Maxamed wuxuu ujeedaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan [3] Bah Gaalaad waxaa la isku yidhaahdaa Reer Cilmi iyo Reer Magan oo Reer Cabdile, Ogaadeen ah |
Authorization