Hordhicii iyo taariikhdii gabaygan murtida badan waanu idiin soo wadnaa. Meerisyada qaar waxaad mooddaa in ayna wada saxnayn. Soo sax.

  • Toolmooni hadal waa inuu, tol u dhexeeyaaye
  • Tuushkii xun iyo wiil yar waa, la isla tiirshaaye
  • Waa laysku wada tiirsan yahay, sida tis oodeede
  • Taabbaa la sii furi hadduu, kibir ku taabtaaye
  • Wallee ina raggow talo adduun, taada uun ma aha
  • Tamed aad ah adigoo tagoo, faro ku taagaystay
  • Tunka yaa kusoo qaban haddaad, tered ku xaajooto
  • Tarsigii la joogaba haddaad, turuqdo kii aad ah
  • Mid unbaa tusmada kaa raroo, lagugu taagaaye
  • Wallee ina raggow tallo adduun, taada uun ma aha
  • Wiil taaninimo loo qiray oo, sida tarmiiggaas ah
  • aan lagu tawixin oon lagdini, timaha boodhaynin
  • Mid unbaa tab kula soo baxoo, laga tixraacaaye
  • Wallee ina raggow talo adduun, taada uun ma aha
  • Tufta iyo tahliishii wadaad, culimo towxiidka
  • Tacdaariye haddii awgayow, lagugu tiimeeyo
  • Mid unbaa tembiih soo dhigtoon, tacajib yaabnaaye
  • Oo tuug ka dhiga kaan lahayn, waa tixdii nabiye
  • Wallee ina raggow talo adduun, taada uun ma aha
  • Haddaad kaligaa inaad taajir tahay, tuhunto uurkaaga
  • Toodoowga xoolaha ninbaa, tulud kusii dheere
  • Wallee ina raggow talo adduun, taada uun ma aha
  • Tafa xaydka xaajada haddaad, taqasho waayeelka
  • Tolkaad riixday aaqibi haddaad, yaraha taabsiiso
  • Mid unbaa tallahida marooy, tiisa noqotaaye
  • Wallee ina raggow talo adduun, taada uun ma aha
  • Tobonkii kob joogtaba haddaad, turuqdo kii aad ah
  • Kan danbaad signiin tahay inuu, kugu tubeeyaaye
  • Wallee ina raggow talo adduun, taada uun ma aha