Qoyska Qamaan Bulxan oo meel degan ayaa waxaa kusoo baxay niman safar ah oo u muuqday inay reerka hoyaad ku yihiin.  Qamaan ayaa kob dheer ka arkay.  Intuu horay aqalkiisii u galay ayuu haweenaydiisii wuxuu ku yidhi ” Nimankaa safarka ahi haddii ay ku yidhaahdaan Qamaan ma joogaa; maya dheh.  Haddiise ay ku yidhaahdaan Qamaan Bulxan ma joogaa haa dheh.”

Nimankii safraha ahaa, sidii iyagood moodo inay Qamaan uur ogaayeen ayey afadii waxay weydiiyeen “Qamaan Bulxan ma joogaa?”  Haweenayda inay hilmaantay iyo in ay iyada naf ahaanteedu ujeedo kale lahayd Illaahay baa u cilmi leh, waxayse nimankii ugu jawaabtay “mayee Qamaan Bulxan ma joogo.”  Sidaa ma ahayn siduu Qamaan kula dardaarmay.   Haddaba ituu kor u soo baxay ayuu tixdan tiriyey:  

  • Naagyahay horyaalnimo ninkaa, loo huraan ahaye
  • Waxaa ahay nin lagu soo hirtoo, heelan abidkiiye
  • Ma huluulan karo buul anooy, timihii haarmeene
  • Waa kaa raggaan ka hambas idhi, galayo haybtiiye
  • Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto
  • Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye
  • Iyagaa intay hiish baxshaan, heesi dabataale
  • Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla gaysteene
  • Ma Hartaynu nahay soorta maad, hadal la’aan dhiibtid?

Hiisku waa wax yar oo aan dhamaystirayn;  Heerkaan ku moodaayey baa, hiishash kaa go’aye waa kii ninkii kale lahaa

Inaysan dhanayn baa la arkaa tixdani.