Qamaan ayaa geeraarkan hoose mariyey isagoo tolkii guubaabinaya kuna tirtirsiinaya inay weerar qabac ka siiyaan, gacantana ay soo qabsadaan afadii laga dhacay. Wuxuu yidhi:

  • Nin tolkii qiiro beelay
  •  Oo afadii laga qaaday
  • Qunyar loola dhaqaaqay
  • Barqo wiil qolqol gaystay
  • Qaawiyoo la ciyaaray
  • Ma ceeb noo qalantaa?
  • Haddii layna qarmaystoo,
  •  Qoysba meel lala aaday
  • Ma indhahaan qabsanaa?
  • Qoryahaan iyo xoogu
  • Ma kuwaan shay qabanbaa?
  • Raggaan qoodhaha waynlee
  • Xaasaskii laga qaaday
  • Bari sow la qashee
  • Asaagood ka qaxee
  • Quwaddiinna qarsoon iyo,
  • Maad rag qiiro tustaan?
  • Qalabka maad gurataanoo,
  • Barni soo qabataan!!

Isha gabayga:  Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980. Ma dhana gabaygani ee soo raadi inta ka maqan. Waxaan intan nasoo gaadhsiiyey  Xadiis Axmed Caabbi.