Gabaygani waa gabaygii ugu horeeyay ee uu Qamaan Bulxan u diro Reer Sheekh Cabdille ka dib markii afadiisii lagu sheegay in nin kale loo dhisay.  Wuxuu gabayga usii dhiibay nin la odhanjiray Aw Cumar oo usii jeeday Hargaysa si uu Qamaan dacwigiisa u gaadhsiiyo reer xididkii.  Wuxuu yidhi:

  1. Aw Cumar gaddoontaye haddaad naga guddaan caawa
  2. Rabbi ha idin geeyee haddaad gama’mulayn weydo
  3. Ood gaanbisaan socoto way galan galcootaaye
  4. Guluf iyo lugooyiyo col wayn galalaftii weerar
  5. God abeeso Good iyo Mas iyo goosatada hoose
  6. Waddada goonyaheeda, jid iyo gawrac iyo jiitin
  7. Galow iyo shinbiro gii’ leh iyo guul dariyo qoofal
  8. Gulaal dhagax iyo geed-nugaal lugtiyo gacandhi sii jeedda
  9. Wiyil gaatin gool iyo libaax gucummo aar yeeshay
  10. Gantaaleed good iyo rasaas kugu galeelyeysa
  11. Gebgab iyo cabsi iyo wixii gubaya jiidhkaaga
  12. Gunti Nabbi Alla ha kaa geshiyo golaha Yaasiine 
  13. Gaabiyo haddaad nabad tagtaan gorarka Aw Nuuxa
  14. Ismaaciilka gaanka ah haddaad war u gamuunyeyso
  15. Giddigii Aw Warfaa iyo Bah-Sacad amase Guuleedka
  16. Sheekhii Islaamkuba garteen gacanta saaraynay
  17. Gaadhsiiya gabaygaan idhi igu gar weeyaane
  18. Maansadu ged bay leedahee ma aan guracadeeyay
  19. Galsho lama qodee ceel miyaan gorof ka miideeyay
  20. Geddii Weerar iyo Raage sow uma gadaal xoorin
  21. Gobo kalana waa eray yaroon idin garwaaqsiiyay
  22. Nabsi lama gurtee seediyaal guda ummuurtayda
  23. Gadaafiyo xaq lama soo duwdee guud-caddaha miidha
  24. Bacdigeed halkaad goosataan soo gadaal celiya
  25. Rag hadduu gob yahay oos isgayo guurna kala waayo
  26. Labaa gacallo raagtiyo lahaan gogol aan laabmaynin
  27. Labana waa geshi iyo ceeb waxay kala gasbaysaaye
  28. U guddiya oo midkay idinla tahay soo gadaal celiya
  29. Anniguna halkii ila gudboon gees aan ula shawro 
  30. Maansadu ged bay leedahee ma aan guracadeeyay
  31. Galsho lama qodee ceel miyaan gorof ka miideeyay
  32. Geddii Weerar iyo Raage sow uma gadaal xoorin
  33. Gobo kalana waa eray yaroon idin garwaaqsiiyay 
  34. Gaalliyo garuur niman noqdoon haybi kala gaynin
  35. Ninbana goosan kii kala kobtuu kaga gol roonaado
  36. Ee gobolkii godob fool xun iyo geeri kala dhawran
  37. Ee gobolkii gunfiyo Xuseeniyo garab ku taagleeyey
  38. Ee gobolkii gaadhkii naftii galiyay reer Naa’ib
  39. Ee gobolkii gooshigan Berbera gadaya baystaynka
  40. Ee gobolkii gubantaa Isaaq, Gorayo-cawl mooddo
  41. Ee gobolkii sidii Geri-goddaxley gaafan yahay suudda
  42. Ee gobolkii gi’laynayood Awr gabniyay mooddo
  43. Ee gobolkii sidii geenyadiyo gabadha loo jeedli
  44. Ee gobolkii sida goonibaadh giirka laga toogan
  45. Ee gobolkii guunyada dabtoo guran masaartiisa
  46. Ee gobolkii gaws iyo sur iyo gudin ku sooryeysto
  47. Ee gobolkii goojada qotee garawga fuudaayo
  48. Ee gobolkii gamboolkuu lahaa gaar isaga tuuray
  49. Ee gobolkii reer Aadan-Cawl gacanta saaraayo
  50. Ee gobolkii dhawr webi gudboo haybti garan waayay
  51. Ee gobolkii gooricii Hartiyo Gorrad la beeleeyey
  52. Ee gobolkii guddoon iyo lahayn hebel inoo geeya
  53. Intaasaa gayiga reer tolkay qaarba gees maraye
  54. Rabbi haysu geeyee cidlaan gagafsanaayaaye
  55. Guntigaan maroorsaday anoon meel isugu gaynin
  56. Oon gu’gakan maantiyo dayrta gacal wallaaleynin
  57. Gebi nama sugtaan dayrna waa geeddi reer Khalafe
  58. Nina godobtii kama baaqatee haw gammaanaato
  59. Haw gadhoodho way wada jirtaa goonyahoo idile 

Isha gabayga:  Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980. Waxaa nasoo gaadhsiiyey  Xadiis Axmed Caabbi.