Gabaygii 4aad ee Silsiladdii Rayad ahna gabaygii 2aad ee Qamaan Bulxan. 

Gabaygiisii 1aad Qamaan wuxuu dhawray maamuuska gabayga oo wuxuu iska ilaaliyey inuu Isaaq hadalka ku leexiyo.  Hase yeeshee wuxuu ka xumaaday gabayga ka yimid ninkii Habar Yoonis, Maxamed Fiin.  Sidoo kale Qamaan gabayga wuxuu ka dhawray calgaska oo labada nin ee uu u jawaabay mid walba wuxuu kala qaaday xarafka uu kasoo gabyey.  Siduu Maxamed Fiinba ula yaabanaa garaadka Cali-dhuux ayuu Qamaana ka Ina Fiin ula yaabay.  

Wuxuu tusayaa inuu jeclaan lahaa in isaga iyo Cali-dhuux la isu daayo si uu meel fog ugaga soo hadho.  Wuxuu sheegay in gabayga Maxamed Fiin colaad hor leh ku beeray  Ogaadeen hubkana ay haatan wada qaateen.  

Cali-dhuux iyo Ina Fiinba waxay gabdho ka qabeen, inan-layaalna u ahaayeen niman Reer Ciideed ah.  Joogitaankooda Ciid iyo Doollaba nimankaa ayuu ku xidhnaa oo ay ku tiirsanaayeen.  Wuxuu Qamaan qaadan la’yahay in Ina Fiin marna inan-layaal yahay marna gaabso garan waayo.  Reer Dalal oo nimankaa nagu dhex nool haddana na aflagaadaynaya aan bannaanka soo dhigin sideen guul ku gaadhnaa ayuu Qamaan ku dooday.  

Gaar ahaan, wuxuu ugu baaqay Reer Dalal inay dilaan Maxamed Fiin maxaa yeelay xeerkii suubanaa ee dhawray ammaanka xididka iyo magantaba ayuu jabiyey.  Wuxuu ku dooday in Maxamed Fiin af-lagaado geystay  isagoo magan ah oo maganimadaa lagu xaqdhawrayo.  Wuxuu ku dhaartay haddii aan xaal degdeg ah loo keenin inuu tirin doono tix afdhiige ah oo aan halna hanbayn.  Wuxuu yidhi:  

  • Nimanyahow rag geeri u batoo, lagu gablaynaayo
  • Anaa ganiyo anigaa gembiyey, goor kastaba joogta
  • Oo lagu gataatacahayoo, gibil madoobaaday
  • Oo loo gashaday baal sidii, gaalanimo roonta
  • Oo guriga wada meeriyoo, geela laga faani
  • Oo maanta geenyo iyo gabadh, goosan kara qaanti
  • Oo lagu garrami way la yaab, gole ka yeedhaaye
  • Gabaggabadii Daahyaale[1] iyo, gabaygii loo jeedshay
  • Sow inuu geddiyo haatan Cali,[2] lama gudboonaannin!
  • Hadalka waad gaftaye Maxamedow,[3] kuuma soo geline
  • Saw magani tii gaabsateen, gabay lahayn ma aha?
  • Geeraarka iyo faanku sow, Guba  la xeer ma aha?
  • Guntigii la furay waa fog sow, lama garwaaxeedsan
  • Gablamoow Ogaadeen haddaa, giirka loo dhigaye
  • Oon loo garaabeen wuxuu, geystay duud samiye
  • Ha gacmeeyo qaankiisu waa, waxaan gaboobayne
  • Alley lehe gu’ baas bay jireen, waana loo galaye
  • Dirkii horeba gowsaha haddaan, gabadha soo qaadno
  • Oon gorofta caydheed ag dhigo, giraagirtaan meersan
  • Oon goroyo guridaa qabsado, godob ma yeesheene
  • Gashi nabsiyey oon geeri iyo, gacan la qaadaynin
  • Oo kii lahaa kugu gilgili, gaardin iyo qoolka
  • Gasabkeeda Eebboow bal yaa, galin usii jooga
  • Gartood weeye maansada inay, nagu garaacaane
  • Galti[4] qeylyi oo had iyo jeer, ganafka uun taagi  
  • Oo gowrac kaa mudan asaad, gacal walaalaysay
  • Oo gogosha kaa kicini waa, sida Gunbuurkeere[5]
  • Cawl baa midgaan soo gasbaday, jeer gabraar tagaye
  • Isagoon wax lagu gowraciyo, gowdhisaba haysan
  • Golxobtiyo lawaa tooriday, Gurey ku noolayde
  • Jeenay gafsiisoo minday, qodatay garaaye
  • Adiguna gaddii baa tahoo, ways gunaanadiye
  • Labadeenna gobol xaajadeer, la isku guubaabshay
  • Haddaydaan guddiyin oo ciyow, gunno la noo keennin
  • Wallee inaan tix laysugu go’oon, gaagna hadhin sheegi
  • Gadistaye haddana meel kalaan, kaga gadaal laabmay
  • Hadalka waad gaftaye Maxamadoow, kuuma soo galine
  • Ma gu’ yarida gee xaajadaa, guudka Habar Yoonis
  • Ama iga gar mari xaal gobbaa,  iigu kaa go’aye
  • Markii farasku kula gaabiyaan, gegida kaa qaatay
  • Gaadhkoon hayiyo hiiladaa, aniga oo gaafan
  • Xaqa giigay feedhaha miyaad, yara gufaacootay
  • Gam inaad tidhaahdaan damcoon, Cali[6] garaaxaaye
  • Naagtii ganbada taabatee, gacanta loo maydhay
  • Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha?
  • Gadistaye haddana meel kalaan, kaga gadaal laabmay
  • Cidluu gagafsan Reer Dalal ninkii, gacal tol moodaaye
  • Gurgure iyo Gadabuursi iyo, Gaanlahaa xigiye
  • Ganku iiguma yaal Ina-Barwaaq, gibilka saameede
  • Lafahooda guumays xun bay, ganac u siisteene
  • Ninkii gooya raayaha dhan bay, gabadh u raacshaane
  • Iga gudhan kuwaasoon gam odhan, gaasha libineede
  • Maad gowracdaan wiilka xunee, jooga gurigiina
      

[1] Daahyaale: Geel Ogaadeen laga qaaday ayaa Daahyaale loo bixiyey.  Waa midka uu Maxamed Cumar Dage leeyahay; Daahyaale loo aar colkaad, nagu dangaysaane

[2] Cali: Cali-dhuux Aadan Goroyo

[3] Maxamed: Ina Fiin

[4] Galti:  Eray asalkiisu Af-Ingiriis yahay laakiin Soomaaliyoobay loona isticmaalo qof soo galooti ah oo degaankii uu u dhashay mid aan ahayn ku dhaqan ama yimid (Guilty)

[5] Gumbuur, Habar Yoonis.  Waa qoyska Maxamed Fiin

[6] Cali:  Cali-dhuux Aadan Goroyo