Waxaa layidhi gabayaagii weynaa ee Qamaan Bulxan ayaa haweenay u dhaxday labaatan qori iyo xoolo badana uu ka bixiyey, aadna uu u jeclaa, reerahoodii aadday dhibaadna u doonatay. Haddii aysan wax badan maqnayn ayaa Qamaan loo soo sheegay in haweenaydii la fasaqay oo axkaamta iyo culumada fiqiga oo uu ku badbaado mooyee cayma kale uusan lahayn.  Gabaygan ayuu dabadeed mariyey. Wuxuu yidhi:

  • Naagtaan culuuf iyo calaaf, culus ka dhiibaayey
    Cishriinka naagtaan ka dhigay, caammonimadayda
    Naagtaan Cadwaan iyo tol iyo, xidid u caydheeyey
    Naagtaan cillaankiyo lahaa, cadarka naa iibso
    Naagtaan cabaadhyaha tinkiyo, cududuhii buuxshey
    Naagtay ciddida hoose iyo, gacantu ciiraysay
  • Naagtaan jidhkeedii camiray, cagaha mooyaane
    Naagtaan cadceediyo lahaa, ciriiddu yey taaban
    Caku kolay ku tahay naagtaan lahaa, hayga caasiyina
  • Codkii Maxamed naagtuu lahaa, care ha ii keenin
    Naagtaan cadaabkii la gee, uga cabsoonaayey
    Naagtaan cashadii lays hardiyey, calaacashaa dhiibay
  • Naagtaan cibaarada lahaa, cuduri yay sheegan
    Hadday haatan caadadi haween, iga canjeelayso
    Nin adduun camirayow maxaa, cudurti kuu laaban
  • Adoo caawa jiifsaday maxay, kugu caddaan xaajo
    Calafse waa kobtiise bal aan, culumadii dhawrro
    Haddiise Caasha iyo wiilal iyo, caano la i siiyo
    Oo ani aroos caraf lehoo, caarran la’i geeyo
    Wallee cududda iga naafataan, ii cayilin waanna!

Isha gabayga:  Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980. Ma dhamma gabaygu.  Waxaan intan nasoo gaadhsiiyey  Xadiis Axmed Caabbi.