Qamaan Bulxan wuxuu ku dhaqnaa dhulka Ciid loo yaqaano.  Ciid haddii ay colaad la’ dahay waa dhul dalsan ah oo aan barwaaqadu ka idlaanin, xoolahana gaar ahaan geela u roon.  Laakiin xilliggii Qamaan colaad nooc walba leh ayaa dhulkaa ku badatay.  Mid shisheeye iyo mid sokeeyaha dhexdiis ah ayaa ka dhammaan wayday.  Qamaan oo tusaalaynaya barbaarta aan colaadda iyo dhibkay leedahay aqoon iyo kuwa aan xilkaska ahayn ee goor walba ka shaqeeya eed iyo dhiig daata ayaa gabaygan mariyey.  Waa gabay tusaale waayeel ah oo uu Qamaan dadka ku dareensiinayo wanaaga nabadda iyo barwaaqada uguna digayo aafada ay colaadu leedahay.  Wuxuu yidhi:

 Codka gabay Colaadow nin, lagu caasiyaan ahaye
Cirraystayoo ma tirin maansadii, calanku saaraaye
Cindigayga keen caawaan furfuri, ceesh la ii wadhaye
Cimrigay intaan jiray amaan, cagaha meel saaray
Een calashay dheeftiyo wixii, calaf la ii mooday
Caawa iyo maantaa nabsigu, waaba cayn yahaye
Dunida ciirtay qaarbaa ka hada, caawa say tahaye
Caruur dharagtay caaniyo hadhuudh, laga ciraab roone
Cammaa doqona caalliyo dhul saw, cunug hallayn maayo
Waa caamo nimankaan ogayn, Ceeg markaan tagaye
Iyagoo cayilay bay arkeen, Ciidna laasime
Casar galay cishiyo fiid dagaal, rag isku caatoobay
Ciriid kulul cagaag iyo rasaas, carar la baynuuno
Ciwal gibin ah oo loo xishiyo, caafimaad ma lehe
Cuudkoo yaraadiyo dhulkaa, soo cidhiidhyamiye
Wax cibaaradaa lagu arkaa, caawa saan nahaye
Cirkoon roob ka wayniyo abaar baa, camiri Faafe
Cawskiyo biyaha yaa engagi, ceelka doogsamaye
Intaad caano iyo wiil tahaa, lala cabsoodaaye
Wax calaacal kuma yaal haddii, caydh lagaa dhigo e’
Cadaabkii ma iibsado nimaan, Caadilkii badine
Caku iyo cakuye sow ma nicin, caasi iyo eersi
Casha noolba saw cadho horliyo, cudurti ii maaha?
Nin bay cududihiisii gacmeed, Caliyow mowdeene
Allaw yaan cirrooliyo tashiga, culumo dhaafsiinin
Waa cadow Axmaarkaa galbeed, ka cartamaayaaye
Gaaladan cawiifta leh kufrigan, caranayee faani
Waxa badaha ceegaaga waa, ciidan Faransiise
Ingiriisna Cadan buu ka iman, waana cudud weyne
Girligaan caliqan sow Talyaan, soo camiri maayo?
Makaahiil cidduu daba socdiyo, culus ma loo diiday
Niman calan leh boqor caadiliyo, curad ma sii luuday
Casharkii la maray sow darraad, cadarki been maaha
Kolba kii carjabay sow kitaab, lama cusboonaynin
Habaryoonis sow Cali Ammaan, ina ciddood maaha
Sow Jaamac iga caaqibee, laguma ceebaynin
Geeleer Cawaagtulena sow, caabuq yimid maaha
Casimaadku nimankuu dhacee, caydhu wali hayso
Caqligiina kama fiirinine ma, cafiyeen aadki
Sow Ceelis iyo Reer Isaaq, camaladdii maaha?
Allaw yaan cirrooliyo tashiga, culumo dhaafsiinin
Cabdallana raggaad ka cubtanteen, ciid ma lagu tuuray
Ciddow dhimo e’ sow Ina Xakaar, lama caddayn dayrta
Cumar-nuurna sow kii horeen, la caddibnayn ma aha?
Carriga Eebbahay nabad kobaan, uga carraabayno
Oo aan Caruusiyo ahayn, sidatan caadh-gooda
Car yaa garan cadceed iyo cadceed, kobaan ka cayn-saarro?