Qamaan baa waa carro Isaaq socdaal ku tagay.  Niman ay kulmeen ayaa gabadh ayaanu ku siinaynaa ku yidhi, diiday inuu dhahana way la ahaan wayday.  Markii uu Ciid kusoo noqday fariimo badana laga soo dabadiray ayuu gabaygan faray.

Balan Nuur Dhirqeeyow la waa, bar uu wanaajaaye
Bishaan imid bishaanu waa ku toban, beena loo dhimaye
Waxaan bi’iyey mooyee ma jiro, ballo dhul taalaayee
Anagu bawdo geel kama dhaqniyo, badhi ku taal naage
Bus iyo weerar baasiyo col baan, Badow ku taabnaaye
Baayaco hablihii kaaga hadhay, beed haday galiye
Birtoo lala ordiyo geed ninkii, ba’ani hoos moodo
Baraawida Ogaadeen waxay, barako moodeyso
Bari-bari basbaas iyo caddiin, maraqaad bakaal mooddo?
Bafto dhuulo lagu soo shaqliyo, baba-bacdaa yeedhi
Waxba yaan bilbilihii Isaaq, laygu baayicine
Waxba yaan banaadiri cad iyo, boqor i caydhayne
Baryo ina-adeerow haddaan, badhax ku reereeyo
Bukur caydh ah iyo wiil kolkay, bari ka soo qaaddo
Buulkii yaraa daba fadhigii, yaan ka buubsanahay!

Isha gabayga:  Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980. Ma dhamma gabaygu.  Waxaan intan nasoo gaadhsiiyey  Xadiis Axmed Caabbi.