Cali-dhuux Aadan Goroyo oo ka horyimid halgankii Daraawiishta, Sayidkana ay dhawr goor isu gabyeen ayuu Sayidku gabaygan hoose u mariyey.  Gabay faan ah oo dhinaca Cali-dhuux laga keenay isagoo tixraacaya ayuu Sayidku wuxuu yidhi:

  • Wiilyahow shareecadu midkay, shuuftay baad tahaye
  • Shiqiyahow waxaa lagugu nacay, sheeka xumadiiye
  • Shaqfad li’idu waa waxaad u tidhi, shuun saraan ahaye
  • Adoon shaato kaa foofahayn, sharaf ma laacdeene
  • Iidoorka kaa sheexayana, uma sharaaddeene
  • Soomaali waa midaan shidiyo midaan shiddeeyaaye
  • Adiguna Shirshooraad u tahay, shirada maantaaye
  • Shiil baan wadnaha kuugu ridi, shuuqda weligeede
  • Inaan sheemo weerarana waa, shuqul falaadkay e
  • Inkastoo shareer lagu wadiyo, shucubadii Hawdka
  • Shaanshaanka buuraha haddii, sheedda laga saaro
  • Shifa ma laha geelaan nin lihi, ila shaqaynayne
  • Maxaa haatan laga sheelayaa, saadambaan shabine