Boga Daawad waataan lahaa, Bari ka soo dhiibe
Waataan bidhaan quruxsaney, soo bojooy idhiye
Waataan baadi celiyoy lahaa, yeeyan baylihine

Barbar uga du’ waataan lahaa, buurta yey korine
Waataan banuu diid lahaa, yeeyan baalidine
Waataan bad kuma caymatee, soo barrooy idhiye

Boholyowga Hawd bay durduro, budulka raacdaaye
Ballishiil kaliishay tagtaa, biliqda dayreede
Kobta adhiga beeduhu degey, kor uga baaddaaye

Banka waa ka carartaa sidii, gan iyo buubale
Baqoolaa hadhkii bay sidii, badalli roortaye
Biciidkey ku darantaa sidii, bahal ugaadheede

Bicil faraq ku yaal bay tiqiin, baariga u saare
Hareeriga ka baxay foocyadey, baaca gelisaaye
Sida geriga beryaha ah bay, bucusha laacdaaye

Bilbilaha mareedh caarley, baraqda daaqdaaye
Barqamaaga geydhaha baxay, balaga goysaaye
Caleen baacday tuurfaahistey, bulush cantuugtaaye

Bisiq hamasha buuniga dharjada ,udug buuracowga
Burdad ubax leh baar iyo uneex, baqas ku fuuraaga
Bunta waran barraajistey, balala qaadaaye

Bakadaha iyo xiitoolahay, banan u raacdaaye
Burca toon leh bacad ciidle bay, bara hoyaaddaaye
Intaasey ku baayiri jirtoo, baashi ku ahayde

Baran mayso meeshaa degtaan, boqol Alluu-naarye
Bog qalluudan beer godani waa, ba’iyo hooggeede
Ka soo bixiya waataan lahaa, baalcadii gubane

Jiilaal barraahsaday hadday, bila ku soo oonto
Badowlahada waataan lahaa, baara haw horine
Balxis geeya waataan lahaa, wey baduuxsamiye

Bilcataabihii iga xadaan, uga baqaayaaye
Waataan baatriteedii lahaa, buurka yay tebine
Hal ma bededo waataan lahaa, beeya-gurihiiye

Waataan ku idhi hayga bixin, barqab baa dhalaye
Ka bariiya waataan lahaa, beydda yuu jarine
Bushuma aan run lagu oran waa,lagu beloobaaye

Waataan bahdaa yay ku lumin, kuula baashiraye
Waataan bad baan kugula dhici, baane kuu idhiye

Bih-Ina-Faatax biixida jabtaan, baani kabihayne

 

Awel bay badaawidu galeen, bohol Walwaaleede

Macayeedna buufamehey, badaha raaceene

Adigana baroor bay indhuhu, kula basaaseene

Bulxankeeda olol baa ka roon, adiyo beeggaaye
Haddaad haatan biixida wadheen, bag iyo haankiinna