Illaahii dad dhammaantii

Taxanihii ahaa rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi ayaa wali inoo socda.  Maanta waxaynu soo qaadanaynaa geeraar uu tiriyey geeraarshe Mudug iyo goboladda dhexe ee Soomaaliya caan ka ahaa oo la odhan jiray Gooni Cabdi Xaaji.  Waa geeraar faan ah oo uu tolkii kaga soocayo Soomaali inteeda kale.  Wuxuu ka soo billaabay Daarood, wuxuu soo maray Kablalax, wuxuu u gudbay Harti, wuxuu soo gaadhay Cismaan Maxamuud.  Anigoo halkaa kasoo jeeda wax Alla wixii aan doono inaan sameeyo sow ma awoodo, ayuu ku jaray.  Wuxuu yidhi:

 

            Illaahii dad dhammaantii

            Intuu dhoobo ka uumay

            Dhulka waalid ka yeelow

 

            Dhabarkii Nebi Aadan

            Illaahii naga dheegayow

            Noo dhammeeyey garaadkow

 

            Illaahii dhaladkaygana

            Daarood iiga dhex beereen

            Igu dheehin ninnow

 

            Dhoomihii Kablalax

            Illaahii dhadhankkoodiyo

            Dhuuxoodii iga yeelow

 

            Haddaan sii dhalandhoolo

            Abtirsiinyaha dheelmo

            Harti bay u dhacdaaye

            Illaahaan dhibic ceeb ah

            Meelna iiga dhoweynow

 

            Guni waa dhaddigoodoo

            Waxba dhaawici maysoo

            Sida dhaydiyo xoortaa

            Layska soo dhamayaaye

            Illaahii dheegga Cismaan iyo

            Dhagax aan la marayn iyo

            Dhadhaabtaa iga yeelow

 

            Haddaan dhiidhiyo maantoo

            Dhirfo oo aan wax laayo

            Intaan dhoobta suldaankiyo

            Dhalin Reer Maxamuud iyo

            Ilma Yuusuf dhex joogo

            Dhafoor wiil aan ka toogtay

            Dhurwaagoo cuna mooyee

            Mindhaa geel kama dhiibo

 

Waxaan ka qoray buuggii Ina Cabdille Xasan ee uu qoray Yaasiin Cismaan Keenadiid, 1984kii