Sababta gabaygan wuxuu Xaaji Muuse Galaal ku sheegay in nin Soomaali ah oo Ingiriiska kasoo baxsaday oo buntukhiisii wata uu xarunta Daraawiishta yimid Sayidkana ku yidhi “yaa Sayidii, waan soo Muslimay waxaanan doonayaa inaan jihaadka galo, qorigaygiina waa wataa ee waxaan kaa rabaa inaad isiiso faras aan xarbada ku galo.”  Sayidku faras uu aad u jeclaa oo Maadays la odhan jiray in ninka la siiyo ayuu faray.  Ninkii ayaase Maadays saluugay.  Sayidkii ayaa warkii la gaadhsiiyey kolkaa ayuu yihdi “ma Maadays buu diiday?”  Haa ayaa loogu jawaabay. 

Kolkaa ayuu Sayidku faray in faraska la shirabo oo orodka, amarqaadashada iyo tabca walba oo Maadays lagu yaqaanay ninkii la tuso.  Maadays wacdaro ayuu muujiyey.  Kolkaa ayuu Sayidku gabaygan uu faraska ugu ducaynayo tiriyey. Maadaama uu jahaadka iyo koryeelida calanka ummadda uu u isticmaalayo ee uusan tamashlayn iyo wax kale u haysan wuxuu Rabbi ka baryayaa in Maadays guyaal badan sii noolaado.

In Sayidku gabayga faraska uun ku ammaano oo uu halkaa kaga hadho ha ka sugin. Gabayga waxaa ka buuxa goodi, hanjabaad iyo faan uu ujeedinayo Isaaq iyo cid kasta oo jahaadka diidan gumaysigana usoo raacda. 

Waxaa laysku raacay in Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu khawaariqul-caada ahaa marka laga hadlayo ammaanta iyo aqoonta fardaha.  Laakiin Sayidku ma Wuxuusan khawaariqul-caado ku ahayn baa jiray!  Bal gabayga eeg, bal geesinimada eeg,bal gobonimada eeg, bal gaalo-lagadka eeg, bal gundheerida cilmigiisa diiniga ah eeg, bal, bal….Mar soo bax ayuu ahaa!  Allow kuu naxariiso. Wuxuu yidhi:

  • Waxa loo maleegtami jahaad, milaygii joogaye
  • Muslin iyo Kufraa loo xarbiyi, labada meeloode
  • Murtad weeye gaalada ninkaan, moosinkow tagine
  • Ku minitida xarbiga wow qabnaa, muunyo iyo ciile
  • Muramaysta dirirtiisa waad, mahadin doontaane
  • Mudkuu geliyaa maarraha kufriga, waydin moog yahaye
  • Anigana haddaan meleg i helin, soo maroorsadaye
  • Waxaan mayllinkuu rabinayaa, cadho milaadkeede
  • Masaafooyin kulul baannu marin, aniyo Maadeyse
  • Majiiraha rogaalkaa wax badan, mowtigood geliye
  • Korkiisaa magoolka u eg baa, dhidid madoobeyne
  • Boodhkaa malleelkaa ku noqon, sida makhaayeede
  • Mar kiciisa orodkuu kabtiga, muxubba rooraaye
  • Sida mooladhaabuu carshiga, saray u moohaaye
  • Gorgor samada meehaabi baa, lagu maleeyaaye
  • Iidoorka miirida ah buu, meyra ka eryoone
  • Meeshiyo magaalooyinkuu, maata doox dhigiye
  • Muluq buu ka siin reerihii, may xerayn jiraye
  • Macluum weeye oo neefku waa, mahad Ilaahaaye
  • Mar haddaan maqaanaha ku xidho, maanku iga raacye
  • Midigteyda Eebbow u daa, maalig baad tahaye 

Dhagayso gabayga