Sidaan meelo kale oo badan ku sheegnay, Sayidka iyo Cali Dhuux waligood qardoofaha iyo hadalka oo ay isku yuubaan ayaa caado u ahayd.  Sayidku gabay uu Cali u tiriyey ayaan waxaan ka haynaa halalkan hoose:

Caliyow calaacal iyo way ciil ma bi’iyaane
Weligaa catow baad taqaan sida carruureede
Waad uun cabaaddaa siddii caamadoo kale e
Caqli haddii aad leedahay wax baa la citibaarshaaye
Cindigaa wax laga fiiriyaa caynka ay noqone
Cudhka laguma soo dhego waxaan kuu cuntamihayne
Kaarshaa ciriiddii ku lumay caasiga ahaaye
Isaguba cagtii hore ma qabin col iyo laayaane

Soo dhamaystir gabayga.