Dagaalkii caanka ahaa ee dhexmaray Reer Bari (Majeerteen iyo Warsangeli) oo dhinac ah iyo Daraawiish oo dhinac ah ayuu Sayidku gabaygan ka tiriyey. Warsangeli waxaa hoggaamiye dhaqameed iyo siyaasadeedba u ahaa Maxamuud Cali Shire, Boqor Cismaan wuxuu sidaa u ahaa Majeerteen. Sayid Maxamed wuxuu yidhi:
Nimanyahow dabuub gabay baryahan uma dadaalayne
Wax idaaray mooyee xalaa laygu soo dagaye
Aan dabiibto gabaygaygu waa dab iyo baaruude
Unkad dirigriglayn baan ahiyo dirirta cawleede
Daad soo rogmaday baan ahoo dooxadii yimide
Aan durduro dabaal baan ku mari Doollo ii xidhane
Dayax iyo shamsaan ahay haddaan lay dafirahayne
Gudcur dam ah habeen dumay cirkoon dacal ka nuuraynin
Ma danyado talaabada haddaan dawga marayaaye
Dugsi haddaan la galin dhaxanta waa lagu duloobaaye
Dabaylihiyo fooraa la tegi daar waxaan galine
Deyrodhaafyadaan shidahayaa dogobyo waaweyne
Dubaax ma aha xaajada midaan diirka ka cadayne
Diirsimo halkii aan ahayn waa siddii danafe
Waxa dunida qaarkeed ka dhacay dood aan ka idhaahdo
Daayimow Allahayoow adaan dunida moogayne
Daandaansi ina-aadanaa loogu dawgalye
Deyn nimaan ka qabin buu nafluhu daba galaayaaye
Haddii nalagu soo diray khalqiga Dir iyo Daroodba
Warsangali haddii uu dunjigii diricyo soo qaatay
Dashiishiyo Majeeteen haddii deexda laga keenay
Guutada lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dul garriishay
Dildilaaca waaberi hadii nalagu sii daayey
Annagoon digniin qabin haddii nala dreensiiyo
Digta weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay
Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u dhaaftay
Qaylada daluunta ah haddii nala dareensiiyo
Degdeg inaan usoo rooro waa dawlad alabkeede
Ma dul keennay kuman duub cadoo wada Daraawiish ah
Dirki hadduu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
Diigaanyo ciidan ah miyaan daafta kala raacay
Sidii aar daloombiyi markaaan ugu dinaahyeeyey
Dullihii shareerraa markuu dibawga jiidhaayey
Daanyeerku meeshuusan marin dani ma jeexsiisay
Denbi ma leh cadaawaha ninkii deli ka xooraaye
Darajuu Ilaahiis ka heli labada daroode
Dubku iima naxo nimay kufriga deris wadaagaane
Ferenjiga direyska leh kuwii diirada u qaaday
Iyaguba dariiqada Alliyo diinta caasiye e
Waxay noo duleedsheenba waa doora-weynaha e
Dulmigaan banaanayn kuwii doofil ugu hiishay
Haddaan daayo waa aniga oo daawadii furaye
Danabkii rasaaseed miyaan diillin kaga yeelay
Dareemada ka badan meydka yaal didibta buureede
Dhiigoodu sida doogsin roob waysagii duxaye
Dugaagii hilbaha quudan jiray loo dayaafadiye
Nimanyahow af laba daan leh baan muranka deyneyne
Daleelaha cidlaa lagama shubo hadal daleeleede
Ma duqaynay Reer Bari wuxuu doonayuu helaye
Aniguba dilkoodaan ku helay libin daboolayde
Daa’irada Eebiyo markii deeqa nala siiyey
Ma dabaaldegiyo muufahaa duhur la gaadhsiiyey
Duca awliyaad buu qabaa degaha Tuurwaaye
Waa niman gaalada deldala doog iyo abaare
Waa nimanka doofaarradii daariguu jaraye
Roobkiina waa kaa u da’ay duraha jiilaale
Waa kaa dalkoodii ballidu wada duraabtaaye
Waataa arladii daahirtee diib kasoo kariye
Cawskii dumaayoobay baa doog kasoo baxaye
Dalagyadiyo dooxooyinkii diisha iyo qaare
Dunqaarihiyo xamshkaa sidii diriq la moodaaye
Maalkii diraacdii dhalaa doobke loo culane
Duunyada wxa laga maalayaa darartii caanoode
Rabbogii dawaa’iga sidaa deeqii noo ridaye
Afartaa dujaye bal aan mid kale deelka ka higaadsho
Aan dabeebti eegana halkay damacday laabtaydu
Dacwad kalana waa Ina-Mashire hadal aan deeqsiiyey
Aday deyrshay maantaan ahaa duri xigaalkaaye
Adigay dafiray sidii anoo duul shihseeye ahe
Waa taynu dersinaye adaa daawadii furaye
Doolaalo adigowgu tegay gaalka duufka lehe
Adigaa dariiqada Alliyo diinta caasiyaye
Goortaan ku daayana adaa diiday nabadiiye
Wax dhaaxaan dadaalkaa u maray celi cidhiidhyoone
Wax dhaaxaan dunqaaraha lahaa dib uga soo jooge
Maantaa dubihii kugu dhacaye duxi ha kaa raacdo
Waadiga dagaagaye sidii dalow u meertayso
Ama deyrka xidho waa taqaan dabin Inshaalleeye
Ama doofil qabo caydhi waa diifta kugu taale
Ama quud dulleeddada ka xaab dereg haddaad weydo
Ama daaliboo bari inuu, kuu dawaro uunku
Ama duunyo raac noqon cidlaa kaaga sii darane
Ama doonyihiyo saaxiliyo Cadan dillaaleyso
Ama dooy u dhoofoo u carar dal aan la gaadhaynin
Ama dirkiinii carshiga dogobbadda u raaro
Ama duurgal iyo tuug iyo dagati uun dhawro
Ama dabada gaal baad tahaye dacay ha kaa saarto
Ama doora-weynoo baqdaye dirir usoo joogso