Dhamal
Waa mar kale iyo taxenihii ahaa “rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi” Waxaa maanta barnaamijka marti inoogu ah Maxamed Bulxan iyo gabaygii uu ka tiriyey dagaalkii Dhamal.
Xilli lagu qiyaasay dabayaaqadii qarnigii 19aad, intii aanay Daraawiishi wali qalabka qaadan, ayaa dagaal khadhaadhi dhexmaray labo jilib oo Isaaq, Habar Awal ah. Wuxuu dagaalkaasi ka dhacay meel la yidhaahdo Dhamal oo degaanka Berbera magaalada u ahayd ka mid ah. Waxaa dagaalkaa gabayo digasho ah ka tiriyey rag dhawr ah oo Isaaqa kale ah iyagoo nimankaa haybta wada sheegta ee birta iska aslay ku diganaya. Waxaa sidoo kale gabayo calaal ah mariyey niman qolyihii isku baaba’ay kasoo jeeda.
Maxamed Bulxan oo lagu naanaysi jiray Maxamed-cawar oo nimankaa is laayey la hayb ah ayaa haddaba gabay uu kula hadlayo raggii dagaalka ka calaacalay iyo kuwii ku digtayba mariyey. Waa gabay qudhiisu hawaalawaran iyo calaacal u badan. Wuxuu Maxamed si balaadhan uga waramay colaado badan oo dhulka Soomaalidu degto xilligaa ka holcayey iyo abaaro xun oo dadkii naafeeyey. Waxay dulucdiisu tahay in dhibaatada bahdii ku dhacday dad badani la qabo oo aanay gaar iyaga uun ku ahayn. Wuxuu yidhi:
Burhaan gabay Bullaalow baryahan, beerka kuma hayne
Waataan ka baalidey sidii, beeyo roob helaye
Xalaybaa habeenkoo badhtamay, baan la ii tumaye
Aan bayamiyo wa taan tixaha, buuni ku ahaaye
Balaayada adduun wali ma iman, bohoradeediiye
Buuray ku joogtaa intay, reero baabi’ine
Hadba qolodii bocor haysataa, loo bun dubayaaye
Badhaadhiyo sabool baysu jira, laba bidhaamoode
Banka xoolo lagu foofiyaa, biid kasoo hoyane
Ninkii baxaya buuraha jinkaa, loo bidhbidhiyaaye
Booraamo haddimuu Iblays, uga bidhaamaaye
Waxaa lagu bilkaydaa kuwii, boholo Faaf yiile
Nuux Maxamed waa kii is bulay, beri colowgiiye
Bixin kuma lisaan qaalmihii, boodh cadka ahaaye
Biyaha Yuusuf iyo Aadan waw, kala baqaayaaye
Barbaar jeedal sidataa ka nool, labadii beeloode
Budhcadii Ruguud iyo Xiis, way bannaantahaye
Batar kama tumaan Muusayow, barandihii Maydhe
Laasqoray baqoolkii ma galo, bedenkii reer Suure
Boosaaso iyo Eylna waa, laga baroortaaye
Butiyaalo nimankii fadhiyey, way ka baxayeene
Majeerteen is balawaadhintii, kala bannaan qaadye
Burjigii ka duul Nuur Cismaan, jarayey baanaha e
Baxsanow Keenadiid wuxuu u kacay, beled shisheeyaaye
Hobyo ugama baydheen ninkii, Baho u weynaaye
Biyomaal Baraawiyo fadhiya, badaha sii jeeda
Isba Boodhe dabadeed ma cunin, budiyo iidaane
Biddoodkii Kismaayoodna ways, wada bog dooxaane
Boon iyo Xirsina haatan dhige, bilic wanaagiiye
Bulshadii Garaad Faarax iyo, bariba naafowye
Barkad iyo guryihii Bah Ararsame, balal ka qiiqowye
Boos Cali iyo Reer Gorodna, way kala birdhiiftaane
Rawax maalintii lagu bulay, beden coloobeene
Buuhoodle laga waa waxay, beri ku haysteene
Reer Sugule goodiga bankuu, baalcaddii dhigaye
Iyana baarax uma soo shiraan, beri samaadkiiye
Waa beeyo Habar Yoonistii, bu’aha waalayde
Waa taa laftoodaa balaqan, booraan loo qodiye
Arabna wuxuu la balawaasayaa, boogtadii shalaye
Waa tii Bah Deylana la dhigay, bacadkii Sheedaade
Makaahiilku boogtaa ku taal, waa bukaa waliye
Dadkaba nimaan baduugaha mar noqon, buugga laga waaye
Boqor iyo ka hoosow ma jiro, nimaan budhaysnayne
Dadka wada bakhtiyey Adari baan, bari ku noolayne
Waxa Xabashi baasku ugu dhacay, waysu baaneene
Haddii Mililig waa baal gashaday, haatan baylehe
Birtu dharagtay goortuu Ilyaas, yaa-bahooy yidhiye
Biyaha Awdal waxaa joogi jiray, wiilal loo bogoye
Burhaan beygii dhalay yaa beryana, baawar ku lahaaye
Barkiyoomin lacaguu lahaa, haatan baalida e
Baashiga lasoo sheegayee, baladadii qaatay
Banaadiikhda la iskaga cayimay, beerka iyo laabta
Boqorada la wada gowraciyo, buuniyada ooyi
Waa baadi geerida Isaaq, loo bundubayaaye
Bur sareen leh hay dubin kuwii, beertay laga qaadye
Weysada biyee waxaan u kic, beydki Nebigiiye
Balka ii dhig caawaba qaluhu, hayga sii baxo e
Adiguna tolkaa baal ka raac, bulan xigaalkeene
_________________
Meerisyada qaarkood si kala duwan ayaa loo soo tabiyey. Bawsi iyo inba meel ka keen ayaan markii hore gabaygan ku uruuriyey, waxaanse ugu dambayn ka saxay buugga Aw Jaamac Cumar Ciise. Himilada Maansadii Hore. Xarunta Cilmi Baadhista ee Jabuuti. Jabuuti. 2005. Sida aan usoo gudbinay iyo sida Aw Jaamac gabayga u qoray khilaaf aan badnayn ayaa ku jira.