Masafadan hoose wuxuu Sayidku u mariyey nin ay col ahaayeen oo Cali Dhuux Aadan Goroyo la odhan jiray.  Cilladaha uu gabayga mariyey Sayidku ee ku caayey ninkaa ay is nebcaayeen waxaa ka mid ah diindaro, been, fulaynimo, gaal-la-joognimo, abaal dhac, iyo kuwa kale.  Cali Dhuux gabayaa caan ah ayuu ahaa hase yeeshee maadaama oo ay rag diriray yihiin, Sayidku xataa gabayaanimada Cali Dhuux wuu durayaa.  Rag is qoomay uun kasoo qaad.  Wuxuu yidhi Sayidku:

  • Nimaan sharaxa diimeed
    Sheynaba ka suurayn
    Hadii aad u sheegtana
    Shaqfadloo aan gararayn
    Adiguna aad sheekh tahay
    Isaguna sharmuud yahay
    Oo kula shikaayoon
    Illeen waa shiddiyo hoog

  • Nimaad gabadh la shaaximay
    Shuqduf ilaxidh ugu gelin
    Oo shuqul gobaadeed
    Shararraaxin ugu dari
    Oo sheemadii geel
    Boqol xerada ugu shubi
    Oo shaharka jiilaal
    Shabcanaaya caanaha
    Oo sheelka gurigaa
    Shirka talada loo wici
    Oo kuu shisheeyaa
    Isna waa shiddiyo hoog

  • Bal nin adiga kuu shara
    Adna adan shaxeexayn
    Shuqulkii yimaadana
    Shiqiyoo aan yeelayn
    Oo aan shaqaaqiyo
    Shuushuuda deyneyn
    Oo shiranka madashaa
    Sheeddoo isaga bixi
    Oo shalay wuxuu dhigay
    Maanta kuu shirtirinayn
    Shareecadiyo khayrkana
    Shifta aan ka dhiganayn
    Shaata haddaad ka baridana
    Shanshada kuugu dhigahayn
    Oo shuuqiyoo kari
    Ibleys baa shidaayee
    Shanfac oday Alluu-naar
    Isna waa shidiyo hoog

  • Bal nimuu shakaashoo
    U shaqeeya Ferenjiga
    Oo shan iyo toban beri
    Shaabuuga lala dhici
    Shafshafana la siinayn
    Kolay shaata mida tahay
    Oo shaaca waaberi Cadan
    Shacabka ugu kici
    Aan shuuna oranayn
    Isna waa shiddiyo hoog

  • Bal nin gaal la shaarugay
    Shaabbaddiina lagu dhigay
    Oo shurugga fuudoo
    Shaarubbada aan xiirayn
    Oo ama shukaan wada
    Ama shuqul kaluu qaban
    Muslinkana shabbihid kule
    Isna waa shiddiyo hoog

  • Bakhayl shaacug weynloo
    Shiila duxa aan lagu qorin
    Oo kuu shumbucullayn
    Intuu maro shullaha dhigo
    Oo sheegiyoo been
    Shaadir barale kugu wadhi
    Oo kuu shafeecayn
    Isna waa shiddiyo hoog

  • Nin shaaficidu reebtee
    Ku shuhroobay fulannimo
    Shimbirahana aan hubin
    Hadday shababaxleeyaan
    Oo aan shahiidkiyo
    Shiishkiyo xarbada tegin
    Sharaarna aan deyneyn
    Isna waa shiddiyo hoog

  • Gabay niman shib ka ahayn
    Misna shaacir ku ahayn
    Aan shaqalka ugu dhigin
    Madka iyo khifiyo shalaq
    Oo xarafka sheegiyo
    Xuduuddana shirrabihayn
    Oo shooliyoo odhan
    Shafkaygaa wax jiifaan
    Sheegaye midkaasuna
    Isna waa shiddiyo hoog