Waa mar kale iyo dersigii ahaa “Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.” Todobaadkii tegay waxaan idiin soo gudbinay geeraar uu Raage Ugaas geela ku ammaanay. Nimankii fardaha geela ku xabbaadhi jiray, ammaantoodana aadka u jeclaa ayaa codsaday in suugaantii fardaha aan wax kasoo gudbino, oo aan weliba ka dhigno dersiga usbuuca. Waxaa nimankaa codsiyadooda ka muuqday tartan iyo jimotuurad xagga suugaanta ah.
Inkasta oo ay adag tahay in la kala sooco suugaanta geela iyo midda fardaha, haddana annagoo xaqsoor laabta ku hayna, tartan geelley iyo fardooley u dhexeeya inuu www.doollo.com ka billowdana ka shaki qabna ayaan waxaan maanta soo qaadanaynaa geeraarkii Sayid Maxamed uu ku ammaanay faraskii aadka ugu dheeraa ee Walhad.
Ma halabuur ammaanta fardaha Sayid Maxamed ku gaadhay ayaad Soomaali ku haysaa? Bal dhuux sida uu dhinac walba uga tilmaamay Walhad. Wuxuu yidhi Sayidku:
Col haddii la wacaayo
Lugi waa wantacoowe
Walhadow guradiisa
Walluu ii goglayaaye
Ma naagtay wacanbaa?
Sibraar caanaha weeto
Wabax looga dhergaayo
Koorihii weshirraa iyo
Wareersiyo muquuskiyo
Maqaanii widhwidhaayiyo
Sitaacuu walcinaayiyo
Wiyilkii shaqlanaa iyo
Waa feerow nadigii iyo
Warmahaygakan dheer iyo
Waaxidkaygan hadlaaya
Intaasuu wadwadaayoo
Waraarkuu ku sitaayoo
Arba waalan sidiisa
Wagwag buu u socdaayoo
Wahsi loogama yaabee
Wal-cafaari miyaa?
Haddii waaga la fuulo
Wanahaarka boqoole
Wahdi weeye qabowe
Walwaal laydha miyaa?
Haddaan guuro waddiidno
Walliilkii dhaxantii iyo
Wahabkuu celiyaaye
Ma dhar lagu wadhaa? Wiido meeley ka fooftay
Haddii weerar la tooxo
Wegenbuu ka baxaaye
Ma wajaaf la ridaa?
Wax hadduu qabsanaayo
Jeenyuhuu wadhwadhaaye
Wax ku haabadka qoobka
Ma aar soo wahwahlaa?
Meel walaabiyo qaad iyo
Rasaas laysku wirfaayuu
Ka waldhaban hayaaye
Ma wakiila Allaa?
Haddaan weecsho rogaalka
Wiliftuu rogmanaayo
Wadhfiskuu anbanaayo
Ma wirriile didaa?
Nin weyn buu waddaraayoo
Geesibuu waf jaraayoo
Waallee yuu dhacsadaaye
Wed miyaa kululaa?
Geela weeta irmaan iyo
Weristii rimanaydiyo
Wadaal buu eryadaaye
Wabar xoogle miyaa?
Meel waaceen laga waayoo
Dadkii gaajo la wiiqmuu
Webxiyaaa dhergiyaaye
Ma wajiina da’aa?
Afartii warhayaad iyo
Waqiil laysku gargaariyo
Waxtarbaan ku qabaaye
Weli kheyr leh miyaa?
Walax duunyo ka roonoo
Waalid layga abuuriyo
Walaal baan ka dhigtaaye
Ma wasiir gacalbaa?
Waayadaan arki waayoo
Walbahaarka adduun iyo
Welwel baan u dhintaaye
Wadnahayga miyaa?
Diracahaa wacdigooda
Wanan baan u qalaayoo
Walanwaan u jaraaye
Ma wadaad martiyaa?
Waldhacooyinka hoosiyo
Waraaqiisa sudeenkiyo
Wejigaan u subkaaye
Ma wiilaan dhalaybaa?
Weligay kama maarmoo?
Wariirtii aqalkaygiyo
Waageerkuu ku jiraaye
Ma wasiir gacalbaa?
Afartuu ku walgaaftiyo
Waqaafaha shulluhiisiyo
Waaxyihiisa garaanta
Ma sheekh waysa qabaa?
Walwaaleynta raqlaynta
Laafyuhuu walqinaayo
Is waraaari ruxiisu
Ma wallays kibraybaa?
Afku waa waradh jeexanoo
Biro laysku wakaabaa
Walam loogu ridaayee
Walaa-xawli miyaa?
Arraguu wax ku dhowro
Wiriqdiisa bu’diisa
Indhuhuu ka wacsiiyo
Ma hillaac walaclaa?
Shinbiraha widhiftoodiyo
Walax meel ka dhaqaaqday
Widhwidh buu ku arkaaye
Ma damuumis walaa?
Waawarayda dhawaaqa
Haddii uu wax dareemo
Dhagihiisa waryoonsan
War dhegaysi miyaa?
Meel aan wuuw lala gaadhin
Haddii wiirsi ka yeedho
Waqtibuu maqlayaaye
Ma taarbaa waddanaa?
Wafka uu lalminaayo
Dabaduu walfinaayo
Wisil baarka ku yaal
Waras noocii miyaa?
Qoortu waa xusul waara
Walcan weeye fankiisu
Dushu waaleed bannaaniyo
Welga xaadhan miyaa?
Haddaan ruugag wadhaansho
Wadaaga gilgilaayo
Wayruxuu cartamaayo
Wiyil qooqan miyaa?
Wanqarkuu hardafaayo
Watigluu u socdaaye
Waylo raadis galbeed iyo
Maa waayeel culusbaa?
Hadduu soo wafwafleeyo
Wabwabtuu gurdamaayo
Onkad waadi ka yeedhiyo
Cir wanaanyi miyaa?
Haddii aan wegdihiisa
Waydaar xoog leh ku dhaado
Waantis buu u socdaaye
Naafo waarrin miyaa?
Waddo jiidka socdaalka
Dib ii weyricin maayee
Waylay waaltamayaayee
Wan kaalali miyaa?
Hadduu meel ku warmaayo
Webiyaasha tallaabo
Waxyar kaama maqnaadee
Waa kaneey ma jinbaa?
Wijiwaaji qalaad iyo
Waaleed Eebbe balaadhshuu
Soo waraari ciyaaye
Ma dabayl wahadbaa?
Hadduu weerar ku raago
Walqas dhoobo madow iyo
Watabiirka ma qaatee
Warac caaggan miyaa?
Wiyeerkuu ka cabbaayo
Waabka uu hadhsanaayo
Shirku waw waddamaayee
Waali duuban miyaa?
Wanaajoo iska dhaafaye
Ammaantiisu wujuubiyo
Watirkii ratibnaa iyo
Wardigayga miyaa?
Dhagayso in yar oo geerarkaa kore ee Sayidka ah.
Geeraar kan u eg oo uu Raage Ugaas leeyahay oo aad moodo in Sayidku tixraacay ayaa jira. Halkan ka akhri geeraarkaa Raage. http://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/raage/walhad.htm