Amakaag

Gabaygan hoose waxaa tiriyey Cali-Nuur Muxumed Gaas, wuxuuna tiriyey markii loo soo sheegay geeridii aabihii Muxumed-Gaas.  Wuxuu ararta hore kaga hadlayaa raggii hore ee qoyskooda ahaa ee mawdku ninba xilli iyo meel dhigay oo uu wali asaydooda iyo ilmadooda wado iyo sida aan adduun loogu waaranyn. Wuxuu kaloo miisaanka saarayaa waxyaabaha is badela marka abwaan hal-abuur ah, geesi waran adag, oday garasha dheer, aqoonyahan xirib leh, sida aabihii, uu geeriyoodo. 

 

Gabaygan waxaa abwaanka ka qoray oo inoo soo diyaariyey Xadiis Axmed Caabi.  Wuxuu yidhi Cali-Nuur:

 

  1. Nimanyahow irdaha maansadiyo, ooday gabaygiiye
  2. Xalay baa alaylkii hurdada, layla oogsadaye
  3. Arintaan la ladi waayay baan, idin ogaysiine

 

  1. Cabdullahi baa iil la dhigay, aamanuu hore e
  2. Arbow Xaaji iyo Faarax-urur, aakharow kaca e
  3. Ilmo igama bi’in Muuse iyo, Maxamed awgiiye
  4. Maantaa albaabkii bur buray, ubuxu saaraaye
  5. Irrid baa bannaanaatay aan, cidina awdayne
  6. Aw-Muxumed siduu Raage yidhi, wow ekoon tahaye

10.Agoontoow Absame Kuumadiyo, ina Ogaadeene

 

  1. Caawuu ilayskii ka damay, reer Ugaas Magane
  2. Aqoontayda Reer Dalal malaha, sooma oriyaane
  3. Indhuhuu qabsaday Khalaf Xirsigii, aaddanaan jiraye
  4. Agoonta iyo kii jilicsan yaan, cidi ogaanayne
  5. Martidaa awrta loo loogi jiray, adhina wow maadhe
  6. Aftahamo iyo geed laga hadlaa, waa iska ilowe
  7. Ararta iyo maahmaahdiyeey, aabbahaa dhimaye
  8. Tan iyo Aadan iyo Xaawo waa, oohin taagan ahe
  9. Ifka ruux ku nool oo ma jiro, abid ku noolaane
  10. Mana ogin ayaanta iyo wakhtigu, saacaday imane
  11. Astaaqfurulah inaan aamusiyo, samirku waa aade

 

  1. Intaa idhiye meel kale anoo, ka anba qaadaaya
  2. Iidoor Gal-Duur wuu qabsaday, eegga dabadeede
  3. Ilig iyo Wardheer sow Hartina, shalay masoo aadin
  4. Agaha Xodayo iyo Faafan sow, lama ilaalaysan
  5. Marsin Owra iyo Caarro sow, kama ol-oolaysan
  6. Awaare iyo Dig sow Ciidagale, oodda kama meerin
  7. Ararso iyo Cobolana berribay, awr kusoo furiye
  8. Irmaankaaba lagu sii wadaa, dharyihii Ooyoode
  9. Arladii Jidwaaq iyo Jigjiga, Oromo loo gooye
  10. Abaalkiisii Wiilwaal ma helin, uririntoodiiye
  11. Camanje iil ma jiifeen hadduu, sidan ogaanlaaye
  12. Eed sheegadkaygaw ahaa, guul iyo ayaane
  13. Afka uma galeen cadow kolkay, ani i diideene

 

  1. Iimeey miyaa laga qabsaday, eheladii joogtay
  2. Ita iyo Obora iyo dadaan, kala aqoon waayay
  3. Ibni Aadamkii kale intii, la isu soo ururshay
  4. Cawlayahan idaylkii miyaa, shalayto soo ooyey
  5. Sow Reer Afgaab lagama rarin, aradaduu yaalay
  6. Bah Reer Sacad ushaa lala dhacaa, goor iyo ayaane
  7. Addoon baa Goday looga tagay, agihii Baarguune
  8. Ma arrimiyo Reer Muuse Khalaf, wayla amakaage

 

  1. Abuurkay wataan wali Bahgeri, agaha diishiishiiye
  2. Arladaa la weerarayo iyo, oodda soo durugtay
  3. Maba oga wadaadiikii inuu, aakharow kacaye
  4. Odayadii xuduudday dhigeen, haatan la ilowyeeye
  5. Kobtaan ubadka gayso is lahaa, uun kalaa dagaye
  6. Xagay iman kuwii Yurub u kacay, waa su’aal adage?

 

  1. Away Nuur Cubudhiyow dhulkaad, nagu ogayd waayo
  2. Afey iyo Qamaan baa dhintaye, ma indha taageene
  3. Axmed Buraale iyo Saahid baa, aakharow kacaye
  4. Asmaa lagu akhriyay Reer Warfaa, fal iyo uusduuge
  5. Bah-Xawaadladii aadanayd, aabigii dhige e
  6. Anaa Dalal ah nimankii lahaa, anafo loo diidye
  7. Arlada iyo Ciiddii ka tage, loo ogaan jiraye
  8. Hadda waxay kusoo urursadeen, agaha Ceel Xaare
  9. Iyaga iyo gabdhaha adhiga jira, waysku itaale

 

  1. Cali Yuusuf wuu umalsan yahay, goor iyo ayaane
  2. Iblays baa habeynkii la shira, aan insi ahayne
  3. Wuxuu ku akhriyaa inay tolkood, kala irdhoobaane 
  4. Dibba wax uma eegaan intay, odayo doontaane

 

  1. Dhoonyacab agoontuu ka tagay, aayatiin ma lehe
  2. Sow Reer Xirsi wuxuu arkaa, aniga uun maaha
  3. Iyaga iyo Reer Boon nac buu, uurku buuxsamaye
  4. Untun aan bogsoon iyo finbaa, oofta kaga yaale
  5. Kama aarsan karo cadow nimay, oday wadaagaan e
  6. Ilmo Laag-Madoobana ma jiro, wax aan idhaahdaaye
  7. Ayaan baa dagaal dhacay nin yidhi, waa umuur culuse
  8. Ma ogtihiin nimaan samir lahayn, uu dadka u liito

 

  1. Baryahanba bah-Abasguul kuma hadlaan, or iyo laakiine
  2. Ilqarsade iyo Garaad Yuusuf baa, eebadii dhigay e
  3. Hadda waxay irfidii kaga jabtaa, aagga Garaslay e

 

  1. Iska aamu reer Fiqi Cigaal, aafadaa tidhiye
  2. Iyagoo indhaha kala hayuu, awrku dheeliyaye

 

  1. Arimaha la yaabka leh markaad, eegto dulucdooda
  2. Ogaadeenba Sheekhaashi sow, uma awood sheegan
  3. Sow Aadan Khayr lagama dhigin, adhi dhurwaa laayey
  4. Sow Cali Wanaag lama ajalin, aar la’aan dhimaye
  5. Ubadkii Shishoore iyo miyaan, Sacad agoontoobin
  6. Kolbase oodda kuu sii xigtey, eeddu qabataaye
  7. Ugaas Kooshin iyo Maalin Guur, sow ma iman waayin
  8. Ugaas Nuur miyaan ficilku galin, dumarka ooyaaya
  9. Ma Amaadin baa col iyo nabad, kala ogaan waayey
  10. Cabadalaha agtiisa ah miyaan, uubatadu gaadhin

 

  1. Asalkeeda laanqayrtanaad, ka indho beesheene
  2. Aqoonyahano taariikhda qora, oo in badan baadhay
  3. Odayaal gabooboo hiddaha, aad u garanaaya
  4. Asalkoodu meeshuu ahaa, soo aqoonsade e
  5. Abraha iyo Fircoon iyo Nabruud, ehelkii weeyaane
  6. Yurubkii arlada waa qabsaday, waa ilma adeere
  7. War isa saamaxa haddaan samir la helin, waa alow sahale
  8. Arimaha dhexdiina ninkii, odhan karow jeedi
  9. Hadaydaan is aaminin waqiin, ududsan maysaan.