Daraawiish oo taala Doollo, Ingiriis, Talyaani iyo Xabashina colaadi u dhaxayso, ayuu Sayidku wuxuu isugu yeedhay nimankii Qusuusiga ahaa ee uu la tashan jiray.  Wuxuu yidhi: Doollo waa oomane, haddii ballidu madhato ceelasha Doollo biyo innagu filan ka heli mayno.  Maxaan Daraawiish iyo dariiqada ugu talinaa?  Waxay Qusuusigii isku raaceen in bari dariiqada loo raro.  Si howshaa loo fuliyo taageerana uu uga helo Soomaalida dhulkaa ku nool wuxuu Sayidku waraaq u diray Boqor Cismaan.  Boqor Cismaan wuxuu soo celiyey soo guura taageero iyo garabba waad naga helaysaane.  Daraawiishi caynka ayey hoosta gelisay.

Xidhiidhkaa iyo balantaa Sayidka iyo Boqor Cismaan dhexmaray ayuu Ingiriis  maqlay.  Haddaba Ingiriis wuxuu u cagajugleeyey Boqor Cismaan oo wuxuu soo faray fariin ah: haddii aad Boqor Cismaanow Sayidka la heshiiso waan ku gelayaa, adiga iyo Daraawiishna isku si ayaan idiinla dirirayaa.  Hanjabadaa ayaa cabsi galisay Boqor Cismaan, balantiina halkaa ayuu kaga baxay.  Intaa ka dib, Daraawiishi dhinacaa iyo Ayl ayey u baydhay.  Sayid Maxamed ayaa dabadeed tiriyey gabaygan uu kaga waramayo socdaalkii dheeraa ee uu soo galay iyo jirrabkii kala duwanaa ee uu soo maray.  Wuxuu yidhi:    

Xuseenow jigraar lama hadlee, jaalkay baa tahaye
Adaan iga jadeer wicin markuu, Jaahilkii didaye
Janhoo adaan qaban markuu, jiitay gacalkaaye

Raggaan gaalo jeefaafi waa, ehel jaxiimaade
Jahannama inay gelahayaan, waygu jaamaca e
Adaa jamalka soo raray markay, janan u guureene

Junne weeye ruuxaan ahayn, jaadka aad tahaye
Dadka kale ka jeestaye adaan, jaari kuu ahaye
Waxaan kaa jarreeraynayaa, sanada jiilaale

Sagal jiidan caad jilicsaniyo, jarar hillaacaaya
Jidhimada afkaa marahayiyo, jababka ceegaaga
Jaqaqarida geedaha noqdiyo, xamashka oo jiiqle

Sidii jaawo dhane loo shubaan, jeelka ka bi’ine
Waxaan kugu jalbeebinahayaa, jowhartii gabaye
Jawiskayga maqal caawa waan, jalalabaayaaye

Jundigii xigaaliyo anoo, jooga gurigayga
Anigoon jareexiyo xumaan, juuq la ii odhanin
Anigoon rag ii soo jirfaday, jil iga qaadaynin

Anigoo jalaalada dhigtoo, diinta jibanaaya
Anigoo jameecada galoo, jaarrun xaruntayda
Anigoo wixii aan jantaba, jimic lay siiyo

Jamradii adduunyada anoo, jimicnimow haysta
Karuur jagagaclayniyo anoo, jaanka fuudahaya
Anigoon jarraysimo hunguri, la iga jeeqaaqin

Jaanjaani baa iga khatalay, johoraddaydiiye
Hawo nimaan ka jigan baan ahoo, jiiro dheer koriye
Waxaan ahay nimaan jare aqoon, sida jaguug awre

Jawaawida Majeerteen hadday, jalawdi ii yeedhay
Inaan joro ku sii dhaho hadday, igaga jeebnaatay
Jiidaha Illaahay haddii, la igu jeeraarshey

Xagar jiqa jaleefaniyo qudhac, jinow wax heeraaya
Jiqtoolaha galooliyo sarmaan, jarafku xiimaayo
Jimbac surad leh jiiqoo isku baxay, jiica iyo siiqda

Jillab xanafle jowdheer qallalan, jabi xanuun weyn leh
Jirma qodax leh jiiqjiiq wax mudi, jeerin iyo yooco
Jirda badan jiroon iyo qadhoon, jaaful iyo seeri

Jafka hawka guuraha waxaan, jar iska xooraayey
Wuxuu jeeni calafow libaax, igu jibaadaayey
Raadkaan ku jiillaa wuxuu, daba jadeemaayey

Jaldhaftiisa qoobka ah waxaan, dib u jalleecaayey
Jaajuurka geesaha wuxuu, jirayey ruuxayga
Waxaan jaamagaarkii cabsida, jimanka buuraayey

Wiyil joof lehiyo yey waxaan, jirif ku keynaanshey
Jinni qabe shabeel ihi wuxuu, igu jalaacaayey
Juq waxaan u soo idhi dugaag, jalabutaynaaya

Wixii gaade jimiq soola xuli, juhunkii ii muuqday
Jititaha hortayda ah waxaan, jaaha kala leexday
Wuxuu jiinka ii maray midgaan, jilibka tooxaaya

Kobaan jeesna ooliyo waxaan, jarar ku aynfaaday
Jawo lagu harraadiyo waxaan, omos jibaaxaayey
Jugleey igu dhawaaqdiyo wuxuu, galowgu jiiqleeyey

Jid abaara oo kulul waxaan, hilin ku jiillaaday
Juunaha xagaagii wuxuu, jaaha iga leefay
Jeedaaladii wuxuu indhaha, jiitay aragoodu

Jarmaadiyo carraababa waxaan, bari u sii jeeday
Xagla jalaqle laafyaha waxaan, jagac ka siinaayey
Jiitada masaafada waxaan, jimiyey tooxeeda

Jaldhiskayga saydhadu waxay, jac iga siinaysey
Jiriiricada ooga waxaan, jararacoonaayey
Cagta jeerarkeediyo waxaan, boqonta jeedaashey

Jalfiska iyo qonofkii waxaan, jag iska siinaayey
Jiljilladiyo seedaha waxaan, jaa’ifo u geystay
Jirridkii xabaallaa wuxuu, jabiyey suulkayga

Jirriqaa abeeriyo waxaan, gocondho jeexaayey
Janqaraara socodkii waxaan, jaynaf macaluulay
Jidaashaan u yeellaa wuxuu, jiidhku iga suumay

Jilbis halaqa iyo good waxaan, jaanta kala booday
Wixii aan ku joogsaday abees, jilifle oo duuban
Maska jiririqleeyaa wuxuu, jiidhis igu dhaafay

Jambareera dhicidii waxaan, jiifka qaban waayey
Hadba jimicsi iyo taah waxaan, jalaqa soo laabay
Jidiindhowga qabatoon waxaan, jiilka rogi waayey

Waxaan jiidha waaberi kacoo, jalafsadoo luuday
Jarmaadada aroortii waxaan, juhul madoobaaday
Waxaan dhegaha jawgii ka baxay, jibindhow moodaayey

Wixii aan jaajuur galay waxaan, jawray badankeyga
Rabbi baygu jeefagaye waxaan, jululay ruuxayga
Jaldhanka iyo baahida waxaan, jalaqa heemaarshey

Haddaan boqor jawaab iiga iman, bad uma jeeleene
Jidhku ima xanuuneen hadduu, joog i leeyahaye

Jeclaantaan u qabay baan u tegay, jaankii badihiiye

Jeer baa Illaah ii qadaray, jiirahaan maraye
Jiidaha in meel loogu wado, jaahil baan garane
Waxse igu jirrabay waa ninkii, jookha ii lulaye

Cayuun jalalowlayn iyo raggaan, jeer fardaha siiyey
Jaamuus lo’aad iyo raggaan, jimir adhi u dhiibay
Ammaan lacag jidhiidhaa furoon, jeebka uga buuxshey

Waxaan gool jinaad weyn qaloon, joome uga gooyey
Xeedhyaha jiriidha leh waxaan, jaari ugu qaaday
Waxaan ramag jimiimici murkaha, uga jufsiinaayey

Waxaan ila-xidh jeexya leh aroos, jalalamluu hooyey
Jirjir malaba iyo foon waxaan, jil uga yeelaayey
Waxaan jaawiduu shiday intaan, jalamaduu shaahshey

Nimankaan jalbeebtooda gole, jurux ka dhawraayey
Inay jaxar abaal iiga dhigi, laabtu jirin mayne
Jasadayda Eebbaan ka heli, taloba waa jeere
 

____________________________

Diiwaanka Gabayada Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise ayaan ka saxay.