Geeraar waa nin wanaajiyo

  • Ninuu waraar kaga oodmiyo
  • Nin sidayda warkiisiyo
  • Wacdigiisa yagaanee
  • Walhadow faraskayga
  • Weedh yar oon ku amaanay
  • Wowga maan ka bilaabo

 

  • Gamaan waa kala waare
  • Weehadow orodkiisu
  • Wadhaf dayn lagaxooriyo
  • Taarka layska warqaadiyo
  • Ma wayeenka shukaantoo
  • Wanaag loogu qabtaa?
  • Weyraxow camalkiisuna
  • Waraab aan u kaxeeyo
  • Isagoon wada laacin
  • Anigoo wada mooyee
  • Ninkii haanta ka waabshiyo
  • Wallayskaa garabjoogaba
  • Widhiidhuu kudilaaye
  • Wiyil qoodh ah miyaa?
  • Weedhaan show dhakhsihiisuna
  • Ma wareega libaaxoo
  • Intuu neef ka wab siiyay
  • Wid hadii layidhaahdo
  • Wankallaadi u boodka
  • Dadka waabinayaa?
  • Werisow midabkiisuna
  • Cirka oo wadhanaayoo
  • Wahabkii laga qaadiyo
  • Wirriilaa aan caddaaniyo
  • Ma waagoo sagliyaa?
  • Meel waylaaqtan col joogoo
  • Warmaa laysku ridaayana
  • Wadnahaan ku kabaaye
  • Wiil uu Eebbe ku siiyiyo
  • Ma walaalkay rumaa?
  • Wajigiisa arsaaqduna
  • Wax haddaan ku eryaayo
  • Ma wadooyinka ceelkoo
  • Roobku aad u warmeeyiyo
  • Waadigoo rogmadaa?
  • Hadaan heega ku weedhan
  • Ka wareeji idhaahdana
  • Wajaquu ambadaaye
  • Madaxuu kor u waaliyo
  • Indhuhuu ka wig siiyey
  • Wiyic waayac curaaf iyo
  • Ma wax sheeg sixiraa?
  • Warran waaxyaha gooyiyo
  • Wayab qaarka madow iyo
  • Ridda soo widh-widhlaysiyo
  • Wajaafkeeda rasaastuu
  • I waydaarinayaayee
  • Ma wadaad layaqaanoo
  • Wanaagii arbacuunka
  • Waligiisba yaqiinoo
  • Wan intaad u qashay
  • Walduxaada quraankiyo
  • Walleyl kuu akhriyaa?
  • Dadka oo wada seexday
  • Hadaan ooda ka weecshana
  • Waddankaan ku shakaalo
  • Ma waydaaran yaqaanee
  • Ma wanaagsan gabdheedoo
  • Waalli kuu gogoshoo
  • Wareegaysa dushaadoo
  • Wacdigaad ku lahayd iyo
  • Waanadii aqbashaa?

Waxaa ku deeqay Cabdi Xiis.  Mahadsanid saaxiib.